Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka qeyb galay Munaasabad ay ku qalin jabinayeen shan boqol oo Arday

Date:

Muqdisho(SNTV);- Munaasabadan oo ay ku qalin jabinayeyn in kabadan shan boqol oo arday oo dhammeysatay qaar kamida kuliyadaha Jaamacadda  SIU   ayaa waxaa kasoo qeyb galay  Gudoomiyaha aqalka sare, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda waxbarashada , Maamulka jaamacadda, Waalidiin, Arday, Aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha jaamacadda SIU Cismaan Macalin Xasan oo ugu horeyn xaflada ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda ay jirto mudo ku siman siddeex sano,balse wuxuu sheegay in meesha iyo ahdaafta ay gaartay ay tahay meel aad u sareyso.

Wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa sheegay in fursadaha shaqo ee dalka ka jira looga faa’ideen doono ardayda waxbaratay.

Wuxuu sheegay in Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ansixiyeen sharci lagu xakameynayo dadka Ajaaniibta ah ee dalka joogo,wuxuuna dhana kale tilmaamay inuu socdo qorshe lagu tirakoobayo dadka ajaaniibta ah ee dalka ka shaqeeya.

Gudoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xaflada soo xiray ayaa ardayda ku booriyey ineysan caajisin oo ay waxbarashada halkooda kasii wadaan,  isla markaana ay ku dadaalaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeyn Horumarka dalka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare uu yahay mid hodan ah una baahan yahay keliya dhalinyaro waxbaratay oo dhexda u xirta sidii looga faa’ideysan lahaa.

Ugu dambeyn qaar kamida ardayda qalin jabisay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa cabiray shucuurtooda ku aadan guusha waxbarasho oo ay gaareen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...