Hanti dhowraha guud ee Qaranka oo warbixin siiyay guddiga Maaliyadda Baarlamaanka

Date:

Muqdisho, 19-08-2019: Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka BJF Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Hanti dhowraha guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska ay guddiga maaliyadda ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga maaliyadda ee golaha shacabka la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada xafiiskiisa.

Hanti dhowraha ayaa sidoo kale guddiga ugu warbixiyay howlaha la xisaabtanka iyo ka hortagga musuq maasuqa ee uu ku sameynayo hay’addaha dowladda.

“Xafiiskeyga howlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xeran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha dowladda oo arrimo musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena wa ku daba jirnaa”. ayuu yiri hanta dhowraha qaranka.

“ Sidoo kale waxa idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. ayuu yiri hanti dhowraha qaranka.

Hanti dhowraha Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga maaliyadda ka codsaday iney kala shaqeeyaan meel marinta sharciga hanta dhowrka oo golaha wasiirada ay ansixiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyadda ee golaha shacabka Mudane Maxamed Aadan Macalin oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu wado hanta dhowrha, sidoo kale waxa ay ka codsadeen inuu sii laba jibaaro howlaha la xisaabtanka.

“ aad baa u bogaadinaya howsha wanaagsan ee ka socota xafiiska hanta dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga hanta dhowraha wa ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah wa ku biirineynaa”. ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada guddiga uu la yeelanayo hay’addaha iyo guddiyada madaxa banaan ee shaqo wadaaga ay yihiin.

—–DHAMMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...