Dowladda Afganistaan oo xabad joojin ku dhawaaqday

Date:

August 20, 2018 16 -: Ashraf Ghani Madaxweynaha wadanka Afganistaan ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin ay shuruud ku xiran tahay oo lala galo kooxda Taliban,si loo nabadeeyo dalkaasi,islamarkaana loo bad baadiyo dhiiga shacabka,isagoo xusay in Xabad joojintani ay billaabanayso in aan lagaarin munasabadda ciidda.

Waxaa la filayaa in Xabad joojinta uu ku dhawaaqay madaxweyne Ghani ay socon doonto muddo saddex billood ah,taasi oo shaki laga muujinayo in kooxaha Taalibaan ay hirgelindoonaan iyo in kale,maadaama weli aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay kooxda Taliban.

Dhanka kale Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Janaraal Jens Stoltenberg ayaa soo dhaweeyay xabbad joojinta uu soo bandhigay Mr Ghani,isagoon muujiyay in ay tahay mid bad baado u ah shacabka,sidoo kalena Mr Stoltenberg wuxuu ugu baqay kooxda Taliban in ay xushmeeyaan xabbad joojinta uu iclaamiyay madaxweynaha wadankaasi Ashraf Ghani.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray magaalada Ghazni iyo meela kale oo dalkaasi ka tirsan,dagaal xoogan oo u dhexeeyey Taalibaan iyo ciidamada Dowladda oo taageero ka hela gaashaan buurta NATO.

Horey ayaa waxaa u jirtay in labada dhinac ay wada fuliyeen heshiis xabad joojin ah xili loo dabaal degayay munaasabadda ciidul Adxa,lamina saadaalin karo in ciidan ay wada xushmeen doonaan heshiiskaasi labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...