Home Blog Page 1197

Duqa Muqdisho oo ugu baaqay Dhalinyarada in ay ka qayb qaataan Nabadda iyo Horumarka Caasimadda

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku nool Caasimadda in ay ka qeyb qaataan nabadda iyo horumarka, maadaama ay yihiin mustaqbalkii Dalka.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siiyay sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa, si ay horumarka dalkooda uga qeyb-qaataan, iyadoo la abuuray jawi xasiloon oo bulshadu ku horumari karto, isla markaana fursado u siinaya dhalinyarada inay wax bartaan oo ay ciyaaraha kaalin mug leh ka qaataan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isagoo furayay tartan kubadda cagta ah oo dhalinyarada degmada Heliwaa lagu dhiirigelinayay ayuu sheegay in kulamada noocaan ah ee lagu abaabulo dhallinyarada ay horumarinayaan nabadda iyo isdhexgal, iyadoo sidan oo kale lagu qabtay inta badan degmooyinka Muqdisho. Waxuna uga mahadceliyey maamulka degmada Heliwaa abaabulka tartanka.

“Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada ku nool Caasimadda in horumarka dalkooda ay u istaagaan, mar walba in aan ku dhiirigelino dhalinyarada nabadda iyo isdhexgalka waxaa ay ka mid tahay dadaalkeenna joogtada ah ee aan ku dooneyno in aan ku horumarina kuna xoojinno xiriirka aan la leennahay bulshadeena, si aan u xaqiijinno horumarkooda. Cayaarta kubadda cagtuna waxaa suurta gelisay nabadda aan haysano, taasoo u sahashay dadweynaha in ay ka qayb-galaan arrimaha bulshada,”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sidoo kale kormeeray xarunta degmada Heliwaa, isagoo ku ammaanay maamulka iyo shacabka wada shaqeynta iyo iskaashiga ay leeyihiin oo ugu baaqay in ay sii xoojinayaan loona istaago dib-u-dhiska Degmada.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo tababar usoo xiray Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta tababar usoo xiray Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka ee saldhiggoodu yahay xerada ciidanka General Goordan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dal kasta oo burbur kasoo kabsanaya ay ciidankiisu yihiin kuwa bad-baadiya naftoodana u hura.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada difaaca iyo amniga, abaanduulaha Ciidanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD ayaa kahor inta uusan ciidanka tababarka usoo xirin waxa uu kormeer ku sameeyay xarunta ciidanka isla markaana la qadeeyay ciidanka, isagoona xog warastay qaar kamid ah askarta si uu wax badan uga ogaado noloshooda, tababarkii ay soo qaateen iyo sida ay heeganka ugu yihiin difaaca dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah.

“Dal buburay waxaa dhisi kara ciidan, nabad la waayay waxaa soo celi kara ciidan, dawlad taag daran waa quwad iyo xoog u yeeli kara ciidan. Cawdawga dibadda iyo gudaha laguma difaaci karo qabiil ee waxaa lagu difaaci karaa ciidan qaran oo idinka oo kale ah. Maanta dalkeenna waxaa bad-baadin kara ciidan aan daacad u aheyn qabiil, qolo iyo dan gaar ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Ciidanka u ballan qaaday in xaquuqda ay qaranka ku leeyihiin u heli doonaan si joogta ah si lamid ah shaqaalaha iyo Hawl-wadeennada kale ee dawladda.

Ciidankaan oo loo diyaariyay in ay kooxaha argagaxisada ka saaraan deegaannada ay uga suganyihiin dalka ayaa u badan dhalinyaro aqoonyahanno ah, waxa ayna ciidanka kusoo biireen kadib musiibadii 14-kii Obtober ee sannadkii hore si ay uga qeyb qaataan horumarinta amniga iyo difaaca dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugu danbeyn kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga dalka iyo tababarayaasha oo uu kala hadlay arrimo ay kamid yihiin sare u qaadidda tababarrada, difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo Khudbadda Ra’iisulwasaare Kheyre ka jeediyay tababarkii uu u soo xiray  Guutada 14-ka Oktoober ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Jabuuti

0
Jabuuti, 5-ta Luulyo, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu ka furmay Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Shirkan oo soconaya inta u dhaxaysa 5-7 bishan Luuliyo ayaa looga wada xaajoonaya hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb galay saaka furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha martida loo yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga.

Madaxweynaha oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in furitaanka Aagan ka Caagan Canshuuraha ee Jabuuti ay ka turjumeyso in dalkan uu u diyaar garoobay tartanka ka socda caalamka ee lagu xoojinayo kobcinta iyo isdhex galka dhaqaalaha adduunka iyo kan gobolka.

“Hawshan waxaa galay waqti badan, shaqo badan, aragti fog iyo hoggaan wanaagsan oo uu hormuud u yahay walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle taasoo iyadana ku timid wadashaqeynta shacabka iyo Dowladda Jabuuti.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La Taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

 

Wafdi ay Hogaamineyso Wasiirka Gaadiidka Dekadaha oo gaaray Baraawe

0

Muqdisho(SNTV);– Wafdi ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Dekaha iyo Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wafdiga Wasiirka oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka socda Koonfurgalbeed iyo dowladda Qatar ayaa kulamo la qaatay maamulka Degmada Baraawe iyo Odoyaasha dhaqanka, kuwaasi oo warbixino ka dhageystay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maryan Aweys Jaamac Wasiirka Gaadiidka Dekadaha iyo Badda ee Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdiga la socday ayaa u jeedka socdaalka ay ku tegeeen Baraawe ahayd ukuur gelidda Dekadda magaalada Baraawe iyo sidii dib loo howlgelin lahaa.

Shalay ayay ahayd markii Wafdigan ay socdaal ku tegeen Dekadda magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku soo sameeyeen qiimeyn dhinac kasta leh.

Kusimaha madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Muqdisho, 05-07-2018: Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb David Concar.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga, garsoorka, dib u eegista dastuurka iyo nidaamka doorasho ee Soomaaliya qaadatay ee ah hal qof iyo hal cod.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Amb David Concar ugu warbixiyay guulaha uu gaaray golaha shacabka mudada uu xilka hayo iyo howlaha horyaalla.

“ Waxa maanta la kulmay Amb David Concar oo ah safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, waxa uu ii balan qaaday in dowladda Ingiriiska ay diyaar u tahay in golaha shacabka ay wax badan ka taageerto, kulankeena guul ayuu ku soo dhamaaday “ ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb David Concar ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay soo dhaweynta uu u sameeyay.

Safiirka ayaa balan qaaday in qodobada ay ka wada hadleen la dhaqan galin doono oo wax badan ay ka taageeri doonaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan golaha shacabka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal uu ku dardar gelinayo howlaha golaha shacabka sidoo kalena lagu xoojinayo xiriirka dibadda ee golaha.

—–DHAMMAAD—–

Ra’iisul Wasaare Khayre, “Dhaqaalaha Wadanka Lama Kobcin Karo Hadii dadku Aysan Xirfad Laheyn”

0

Muqdisho, July 05, 2018– Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay munaasabadda dib-u-howl gelinta machadka isgaarsiinta qaranka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay in la helo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ka qeyb qaata horumarka dalka iyo kobac dhaqaalaha.

“Waxa aan rabnaa in aan la tartanno dunida, waxa aan rabnaa dalkeenna iyo dadkeenna in aan horumarinno. Waxa aan rabnaa in dhaqaalaha waddanka kobcinno. Dhaqaalaha wadankana lama kobcin karo hadii aan la helin dad xirfadlayaal ah. Maadaama aan rabno in aan dhaqaalaha wadanka kobcinno, qof waliba oo Soomaali ah uu isku filnaado, noloshiisu ay wanaagsanaato si dalka iyo dowladnimada uu u jeclaado una difaaco waxaa loo baahanyahay in dadku xirfad yeeshaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasarha ayaa aad ugu celceliyay in ay Muhiim tahay in la bedelo dhaqankii hore ee ahaa nin jecleysiga, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa, laguna bedelo waxqabad iyo daacadnimo.

“Marka aan machadka isgaarsiinta dib u fureyno, dawladda nagu dheggan ee Jabuuti waxa ay maanta isugu yeertay madaxda Afrikaanka ah si ay tusiso balaayinnta doollar ee ay ku maalgashadeen ganacsiga, dawladda Kenya waxa y dhoofineysaa Shidaal, dawladda Ethiopia sidaas oo kale. Waxaa la rabaa dadka Soomaaliyeed in ay hurdada ka kacaan oo la xisaabtamo. Qabyaalada aan qarranimo ku bedelno, laaluushka iyo Musuq-maasuqa aan daacanimo ku bedelno, Fadhi ku dirirkana aan shaqo ku bedelno”, ayuu ku boorriyay ka qeyb galayaasha Munaasabadda.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dib u furitaanka Machadka ay qiima weyn ugu fadhido Hawl-wadeennada wasaaradda, dawladda Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku reja weyntahay in kaadiriinta lagu tababarayo Machadka Isgaarsiinta qaranka ay musqabalka horumariyaan Software aduunka loo dhoofiyo, waxa uuna ka dalbaday hey’adaha isgaarsiinta in ay taageeraan machadka.

Machadka Isgaariinta qaranka oo qeyb ka ah wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda waxaa la’aasaasay June 28, 1976, si loogu tababaro shaqaalaha isgaarsiinta ee isugu jira Farsamayaqaannada iyo injineerada.

Tababar ku saabsan maareynta arrimaha Baarlamaanka oo maalintii 3-aad Muqdisho ka socda

Muqdisho(SNTV);- Tababar aad loo soo agaasimay kuna saabsanaa maaraynta arrimaha Baarlamaanka (Administration of Parliaments) ayaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Mogadishu ee Caasimadda Dalka.

Tababarkan ayaa waxaa soo agaasimay kana shaqeeyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,waxaana Tababarka  loo qabtay Xoghayeyaasha Guud, Agaasimyaasha, Howlwadeenada iyo Shaqaalaha kala duwan ee Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada Dalka.

Tababarka ayaa waxa uu socon doona muddo todobaad ah, iyadoo ujeedku yahay kor-u-qaadidda Xirfadda iyo aqoonta Shaqaalaha Baarlamaanka.

Tababarka waxaa furay Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmad (Bukhaari) oo kula dardaarmay dhamaan kaso qayb galayaasha in ay si dhab ah uga faa’idaystaan fursadan korna u qaadaan xiriirka iyo wadashaqaynta dhexdooda, gaar ahaan Baarlamanka Federaalka iyo Baaarlamaanada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Tababarka ayaa waxaa bixinayay Khubaro ku tashasusay arrimaha Baarlamaanka , maamulka iyo hormarinta Ha’aadaha dowladeed.

Tababarka ayaa waxa gacan wayn ka gaystay Hay’adda UNDP gaar ahaan Mashruuca Tayaynta Baarlamaanka.

Machadka Isgaarsiinta Qaranka oo dib loo hawlgeliyay

0

(Muqdisho, 5ta Luulyo 2018) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa dib u hawl-gelisay Machadka Tababarka Isgaarsiinta Qaranka oo hoos tagi jiray Wasaaradda, kaas oo sare u qaadi doonta xirfadaha teknoolojiyada ee dalka.

Machadka oo la aasaasay sanadkii 1976-dii waxaa dhinaca qalabka iyo tababarrada ka caawin jiray Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), hase yeeshee waxay hawlihiisi joogsadeen sanadkii 1991-kii. Hase yeeshee, tan iyo sanadkii 2011-kii waxaa la isku dayay in dib loo kiciyo Machadka, waxaase caqabad ka haysatay sidii loo heli lahaa qalabkii farsamada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ee lagu tababaran lahaa, taas oo haatan la xalliyay.

Machadka ayaa haatan lagu diyaariyay sheybaarro computer iyo cisco ah (computer and Cisco labs), waxayna ardeydu ku tababaran karaan internetka Dawladda, dotSO oo laga baranayo sida loo maamulo website-yada, Xarunta Isku-xirka Internetka (Internet Exchange Point), kuwaasoo ay Wasaaradda hirgelisay lixdii bilood ee u dambeysay, iyadoo hawlahaasi ay Wasaaradda kala shaqeyn doonto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Injineer Cali Afey oo ah Agaasimaha Isgaarsiinta ee Wasaaradda iyo Injineer Daahir Jeyte oo ka tirsan Shirkadda NationLink oo ku hadlayay magaca shirkadaha isgaarsiinta, oo labaduba ka tirsanaa ardeydii ka soo aflaxday machadkan, ayaa ka hadlay kaalintii uu machadkan lahaa iyo in aqoontii ay ka kororsadeen ay haatan ku shaqeeyaan maamulayaasha isgaarsiinta dalka.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada GalMudug, Mudane Axmed Dubbad Cali, oo matalayay wasaaradaha isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, ayaa ku ammaanay Wasaaradda guusha laga gaaray dib-u-hawl-gelinta Machadka, isagoo u rajeeyay Machadka guulo waaweyn.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Prof. C/laahi Sheekh Cali (Qalloocow) iyo Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan, ayaa labaduba ka hadlay sida aqoonta teknoolojiyada ay u horseedi karto shaqo-abuurista, kordhinta dhaqaalaha, iyo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Machadka uu wax weyn ka qaban doono sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal dhinaca teknoolojiyada ah. “Markii aan xilka la wareegnay waxaan goosanay inaan Machadka ku dhisno isku-tashi, waxaana qalabkan iyo dayactirka ku sameynay inagoo kaashanay bahda waxbarashada, inaga oo aan Xukuumadda wax lacag weydiisanin,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay Isku-xirka Waxbarashada iyo Cilmi-baariista Soomaaliya (Somali REN) oo ku deeqay qalabka computer-ka, website-ka iyo dajinta manhajka Machadka, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Isgaarsiinta inay markan kaalintooda ka geystaan sidii dhismihii hore ee Machadka loo dhisi lahaa sida ugu dhaqsaha badan. Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ku ammaanay Wasiiru-dawlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, oo labaduba munaasabadda goobjoog ka ahaa, gacanta ay ka geysteen guulaha degdegga ah ee ay Wasaaraddu ku tallaabsatay.

Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xasan Cali Kheyre, oo ka hadlayay xiritaanka munaasabadda, ayaa ku ammaanay Wasaaradda dadaalka ay ku bixisay ansixinta sharciga iyo dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo inay haatan dib u soo nooleysay Machadkii Isgaarsiinta Qaranka, isagoo sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu u baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda.

Ra’iisul wasaaraha oo isbarbardhig ku sameynayay waqtiga ku baxa iyo dhaqaalaha ay soo kala saari karaan qofka ku shaqeysta teknoolojiyada iyo qofka ku shaqeysta beero ama xoolo aan cilmi lagu dhaqin ayaa xusay n dadkeena loo jiheeyo dhinaca teknoolojiyada. “Dhaqaalaheena ma horumari karo haddii aan la helin shaqaale xirfad leh”, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Ra’iisul Wasaaraha.

Dowladda Hoose ee Muqdisho oo bilaabeeysa hirgelinta mashruuca soo kabashada dhismaha Muqdisho

Muqdisho(SNTV);- Dawladda Hoose ee Muqdisho waxay bilaabi doontaa hirgelinta Mashruuca soo Kabashada Magaalada Muqdisho Toddobaadyada soo socda. Mashruucan waxaa ka mid ahaan doona dhisida Wado Xaafadeedka ee degmadaada. Saa’ aawadeed ka qaybqaadashadaada mashruucani aad ayay muhiim u tahay.

Marka laga reebo dhismaha waddooyinka kasokow, sidoo kale Mashruucan waxaa loogu talagalay inuu u abuuro shaqooyin bulshada ku dhaqan degaanka.
Dawladda Hoose waxay ku dadaali doontaa in dhismaha waddooyinkaasi ay ku yeeshaan saamaynta ugu yar nolosha dadka ku nool degaanlkaas.

Dawladda Hoose ee Muqdisho waxay diyaarisay dokumeenti siinaya macluumaad aad u qoto dheer oo ku saabsan sida uu mashruucan u saameyn karto dadka deggan degmada.Qoraalka Dukumeentiga oo dhan waxaa laga heli karaa dhamaan xarumaha degmooyinka, waliba waxaad heli kartaa asagooo ku tarjuman
Af-Soomaali.

Ka hor inta aysan bilaabin dhisida Jidadkan, Gudi ka kooban dadka degaanka oo ay ka mid yihiin Odayaasha, Dadka Degaanka, Wakiilada Beelaha, iyo Saraakiisha Degmada ayaa la samayn doonaa, si wax looga qabto arrimaha dadka degaanka ee ku saabsan mashruuca.

Dawlada Hoose waxay dooneysaa in ay samayso tirakoob dhammaan waddooyinka la dhisi doono todobaadyada soo socda. Dawlada hoose waxay caawinaysaa dadka uu saameeyo mashruucan.

Guddi ayaa loo dhisi doonaa si wax looga qabto cabashooyinka iyo sidii loo heli lahaa siyaabo kale oo lagu xaliyo cabashooyinka si cadaalad ah iyo hab maamuus wanaagsan.

Lifaaqa Hoose ka Akhriso Warbixinta Mashaariicda oo faah faahsan:-

ESMF-DISCLOSURE-DOCUMENT-Eng-Somali

Guddoomiye yariisoow oo qaabbilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho, Cabdi Raxmaan Cumar Cusman (Enj Yariisow) ayaa Saakay oo Khamiis ah Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Baker.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya uga Mahad Celinayay Maamulka Gobolka Banaadir xafladdii uu u qabtay Shaqaalaha Dalka Turkiga ee ka howl gala Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Safiirka ayaa wuxuu Maamulka Gobolka Banaadir uga mahad Celiyay Doorashadii uu ku guuleystay Madaxweynaha Dalka Turkiga iyo Taageeradii ay la garab taagnaayeen.

Ugu danbeen Duqa Muqdisho ayaa kala hadlay Safiirka Turkiga in lasoo Celiyo Barnaamijyada Caafimaadka Waxbarashada iyo adeegyadii ay u qaban jireen walaalahood Soomaaliyeed.