Home Blog Page 1197

Warbixin Kusaabsan Dhibaatadii u geystay Qaraxii Soobe ee 14-kii Oktoobar

0

Muqdisho October 11 (SNTV);- Iyadoo  cawaaqib-xumadii  laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay gudaha dalka ay sii muuqdaan ,haddana , Waxaa nasiib darro ah in ay weli jiraan kooxo u ooman daadinta dhiigga dadka,isla markaana  doonaya in dalku uu ku sii jiro fowdo iyo qas joogto ah.

Marka laga yimaado rajada iyo calaamadaha ifaya ee  suurtagaliyay in ay dib u soo noqdaan  sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka Somaaliya, waxaa qaati laga joogaa kooxo cusub oo ka been-sheegaya  diinta, iskuna  magacaabay urur diimeedyo,kuwaas oo diidan nidaamka dowladnimo ee dalka,isla markaana faraha la galay dagaallo ay ku hoobteen shacab aad u fara badan oo birimageydo ah.

Haddaba,qaraxii weynaa ee dhacay 14-kii Oktoobar ee sanadkii hore waa wax ma hadho ah oo aan ka go’eyn qalbiyada umad sanado badan ku soo jiray dagaalllo sokeeye oo ka haray kheyrkood ,haatanna  ku howlan  in ay u gudbaan dowladnimo salka ku heysa nabad iyo barwaaqo.

Xasuuqii Soobe wa ficil aan la fileyn oo reebay  naxdin iyo amakaag,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo  iyo burbur hanta ay soo gaartay dad ka badan 1890-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa  isoyska Soobe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

14-kii Oktoobar,waa mid xusuus gaar ah ku leh qalbiyada dadka,isla markaana dhaxalsiisay dhibaatooyin weli u muuqda in aan laga soo kabsan,marka loo eego dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada.

Damiir adag iyo Dadnimada wanaagsan,ayaa looga gudbay dhibaatooyinkii ay reebeen kooxaha qaldan ee adeegsada fikirka guracan,waxaana yar iyo weyn,dowlad iyo dalal shisheeye ay ka qeybgaleen gurmadkii loo fidiyay dadka dhibanayaasha ah ee ku waxyeeloobay qaraxii Sobe.

Tirakoob ay si wadajir ah u soo saareen dowladda iyo guddigga gurmadka ayaa muujinaya in ay dhinteen in kabadan 500, dhaawacana lagu sheegay ku dhawaad 300 ruux,halka la waayey ,dad gaaraya 54-qof oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee soo gaaray dadka ,waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan,taasoo  waxyeelada guud ee soo gaaray dadka ka dhigeysa 1890

Dalku, waxa uu u baahan yahay ciidamo iyo shacab  daacad ah oo ka shaqeeya danta umadda,waxaana  xaqiiqo ah in xaalad kasta looga gudbi karo wadajir Ku saleysan ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed  iyo dhismaha  dalka .

Maamulka  wanaagsan,waa in uu xil iska saara sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,Waxaanna  aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan  horumar leh dhinacyo badan.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobe waa in cid kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan xasiloonida oo si gaar ah u taabaneysa dadka meelna looga soo wada jeesto Aragagixisada Alshabaab ee arxanka daran.

Wakaalada Wararka Qaranka ee SONNA

Laba Milyan oo Doollar oo loo diyaariyay Fulinta Qorshayaasha ugu Horreeya Barnaamijka Is-xilqaan

0

Muqdisho October 11 (SNTV):-Shir ay golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya  ay maanta Muqdisho ku yeesheen ayaa looga dooday dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyo wadooyinka si loo soo nooleeyo bilicda dalka iyo haybadda qarannimo.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Maxamuud Xaamud oo ka war bixiyay qodobadii shirka looga hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku hawlanyihiin bixinta qayb kamid ah hantidooda si ay uga qayb qaataan fulinta dhammaaan qorshayaasha lagu xusay Barnaamijka is-xilqaan, loogana maarmo kaalmo shisheeye.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in gacanta lagu hayo laba milyan oo dollar oo ay bixiyeen mawaadiniin Soomaaliyeed, laguna billaabayo dhismaha Madxafka oo todobaadka soo socda dhismihiisa uu dhagax dhigayo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) .

Dawladda Soomaaliya oo dardar-gelinaysa soo kabashada dawladnimada, adkaynta midnimada iyo kou u qaadidda karaamada ummadda Soomaaliyeed ayaa Barnaamijka Is-xilqaan ugu tala gashay in lagu dhiso dhammaan xarumaha danta guud iyada oo la adeegsanayo hantida, waqtiga iyo quwadda ummadda Soomaaliyeed.

Kulan looga hadlayay xoojinta ammaanka iyo dar-dargelinta howlgalada Ciidamada XDS oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

0

Muqdisho, Khamiis, 11, Oct 2018 (SNTV)-Wasiirka gaashaan-dhigga Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa shir  Guddoomiyah kulan looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada Xoogga wadaan kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulankan uu guddoominayay Wasiirka Difaaca ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Abuukar Isloow,taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jen, Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen; Bashiir Cabdi Maxamed, xubno ka tirsan wasaaradda caddaaladda, Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Amb; Francisco Madeira, Xubno ka socday Midowga Yurub iyo saaxiibbada Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (ammar-dambe), ayaa sheegay in ay xubnahaasi ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Gobalada Dalka .

“Kulnka waxaa looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Goballada Dalka ,waxaan isla meel dhignay dhammaan qorshayaashii aan ka wada hadalnay” ayuu yiri Wasiirku.

Intii uu kulanka socday ayaa waxay Labada dhinac qiimayn ku sameeyeen horumarka laga gaaray xagga ammaanka Dalka, taasoo qayb ka ahayd qodobbadii kasoo baxay shirkii May 2017-kii ka dhacay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay inay waqtigan Ciidamadu howl-gallo ka wadaan Gobollada Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan, iyagoo garabsanaya AMISOM, halkaasoo ay guulo la taaban karo kasoo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha oo tababar u qabatay Ururrada Dhalinyarada

0

Muqdisho, Khamiis 11, Oct 2018 (SNTV)-Wasaaradda Dhallinyaradda iyo ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta tababar u furtay xubno mid ah Ururrada Dhalin-yarada iyo kuwa wax ka barta Jaamacadaha Dalka.

Ujeedada tababarkan ayaa ahaa wacyi galin ku saabsan mideynta afkaarta Dhallin-yarada iyo inay wasaaraddu faah-faahinno ka siiso siyaasadda Qaran ee ay wasaraddu dhameystirtay isla markaana ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaraha Soomaaliya, Isaaq Xaashi Jimcaale oo tababarkan u daah-furay Dhallinyarada ayaa sheegay in ay wasaaraddu la wadaageyso Dhallinyarada qorshaha Qaran ee Wasaaradda ee ay Bishii September 2017-kii ansixiyeen Golaha Wasiirarrada.

“Ujeedka Siminaarkan waa sidii Ururrada Dhallinyarada ay fikir iyo aragti uga dhiiban lahaayeen qormada siyaasadda Qaran ee Dhalliyarada Soomaaliyeed ee ay diyaarisay Wasaraada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ay Bishii Septembar ee Sanadkii 2017-kii ansixiyeen Golaha Wasiirrada, haddana waxyaabihii aad ku talisaan dib in loogu laabto ee aad aqoontiina ku baartaan aanu dib u badali doono” ayuu yiri IsaaqXaashi.

Sida ku cad xog uruurin la sameeyey Sanadkii 2014-kii Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasay in ay Bulshada ka yihiin 75%, kuwaas oo ay da’doodu ka yar tahay 30 Sano,waxanay taasi ka dhigan tahay in sibeddelka Dalku uu ku xiran yahay hadsa sida loo jiheeyo Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Benaadir oo xalay kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Benaadir “SAWIRRO”

0

Muqdisho, Khamiis 11, 2018 (SNTV) Kormeer  uu Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ku tagay xarunta Degmadda Hiliwaa, Saldhigga Booliska, iyo fariisimaha Ciidamada Booliska ee heeganka ku jira wuxu u jeedkiisu ahaa sidii uu ugu kuur gali lahaa xaaladda Amni iyo sida ay iskula shaqeeyaan Shacabka iyo Ciidamada Amaanka.

Gudoomiyaha Degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle oo xaruunta Degmadda kusoo dhaweeyay gudoomiye ku-xigeenka ayaa uga warbixiyey xaaladaha guud ee degmadda iyo qaabka ay Ciidamadu u sugayaan Amaanka Shacabka.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax Gudoomiye ku-xigenka Amniga iyo Siyaasadda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kormeerkaan uu qeyb ka yahay kor joogteynta xaaladda isagoo maamulka Degmadda iyo Ciidamada Amniga kula dardaarmay in ay sii laba laabaan dadaalkooda si shacabka Soomaaliyeed ay u heleen Amni.

“Waxaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku amaaneynaa Shaqadda adag oo ay hayaan waxaana rabnaa inay sii-labo jibaaraan arrintan markasta Ciidanku waa harka shacabk”

Gudoomiye ku-xigeenka iyo Saraaikiisha ayaa sidoo kale kormeer ku tagay isgoosyada Baar-ubax iyo Cali kamiin waxeyna halkaasi kula kulmeen dad shacab ah oo xilligaasi ku sugnaa Goobahooda Ganacsi iyagoo ka xogwareystay xaalada Amniga iyo hadii ay jiraan caqabado ay la kulmaan.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa wada howlgalo lagu dar dargelinayo Amniga Caasimadda waxaana dhawaan qorshuhu yahay in la kordhiyo  ciidamadda Booliska ah ee howlgaladda wada kuwaas oo qeyb ka noqon doono Qorsha Amniga Caasimadda.

Wasiirka Ganacsiga xukuumada soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka turkiga

0

Istanbul (SNTV)–Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Maxamed Xayir Maareeye oo ka qaybgelaya shirweynaha Africa/Turkish Business Forum ayaa la kulmay Wasiirka Ganacsiga ee Dalka Turkiga.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadleen sii xoojinta Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa in wax soosaarka Soomaaliya oo Canshuur dhaaf loo sameeyey loo keeni lahaa Suuqyada Turkey.

Shirkaasi oo ah kii 2-aad oo ay ku kulmaan Turkiga iyo Wadamada Afrika ayaa soconaya 10- 11 bishan Oktoobar, loogana hadlayo dhaqaalaha iyo ganacsiga, kaasi oo ka soconaya Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkani ayaa waxaa badanaa loogu talagalay dhiirrigelinta Afrika iyo maalgashiga Turkiga, iyada oo la falanqeynayo xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Afrika iyo Turkiga, waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu muujiyo rajada laga filayo Agenda 2063 oo ah barnaamij loogu talagalay isbedelka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed, taas oo Afrika ka dhigaysa mid ah barwaaqo, midnimo iyo dhaqaale oo madax-bannaan.

Shirkaasi oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Ordegan, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasiirada Dalalka Afrika, NGO-yada, Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Golaha Ganacsiga, Ururada, Ururada Xirfadleyda iyo Ganacsatada ka kala socda Turkiga, Safiirada Safaarada Afrika ee Turkiya iyo Warbaahinta Turkiga iyo Afrika.

Shirkani ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo Maanta oo khamiis ah, lana rajeynayo inay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Afrika iyo Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga

0

Riyadh(SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khaye, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo dhaxal-suge Mohammed bin Salman bin Abdulaziz uga wada hadleen danaha labada qaran.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa Boqortooyada uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman bin Abdulaziz ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb-galaysa Shirka labaad ee Afrika iyo Turkiga

0

Istanbul (SONNA)–Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Maxamed Xayir Maareeye oo ka qaybgelaya shirweynaha Africa/Turkish Business Forum ayaa la kulmay Wasiirka Ganacsiga ee Dalka Turkiga.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadleen sii xoojinta Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa in wax soosaarka Soomaaliya oo Canshuur dhaaf loo sameeyey loo keeni lahaa Suuqyada Turkey.

Shirkaasi oo ah kii 2-aad oo ay ku kulmaan Turkiga iyo Wadamada Afrika ayaa soconaya 10- 11 bishan Oktoobar, loogana hadlayo dhaqaalaha iyo ganacsiga, kaasi oo ka soconaya Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkani ayaa waxaa badanaa loogu talagalay dhiirrigelinta Afrika iyo maalgashiga Turkiga, iyada oo la falanqeynayo xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Afrika iyo Turkiga, waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu muujiyo rajada laga filayo Agenda 2063 oo ah barnaamij loogu talagalay isbedelka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed, taas oo Afrika ka dhigaysa mid ah barwaaqo, midnimo iyo dhaqaale oo madax-bannaan.

Shirkaasi oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Ordegan, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasiirada Dalalka Afrika, NGO-yada, Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Golaha Ganacsiga, Ururada, Ururada Xirfadleyda iyo Ganacsatada ka kala socda Turkiga, Safiirada Safaarada Afrika ee Turkiya iyo Warbaahinta Turkiga iyo Afrika.

Shirkani ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo Maanta oo khamiis ah, lana rajeynayo inay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Afrika iyo Turkiga.

SAWIRRO.Xildhibaano dhiiri gelin ugu tagey dad iskood ula dagaalamay Shabaab.

0

Dhowr mudane oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho dhiirigelin ah ku tagey islamarkaana deeq raashin ah gaarsiiyay dadka deegaanka Guullane oo si iskood ah isku abaabulay islamarkaana dagaal kala soo hor jeeda maleeshiyada Shabaab oo ay dhowr dagaal la galeen.

Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca ciidamada deegaanka ee is abaabulay ayaa xubnahan warbixin ka siiyay dagaaladii ay la galeen Argagaxisada iyo sida uu abaabulkoodu ku bilowday.

Xubnahan ayaa waxaa socdaalkooda ku wehlinayay mas,uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo ballan qaaday iney ku taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada iyagoo ku dhiiri geliyay ineysan ka niyad jebin sii wadistiisa,sida uu sheegay Cusmaan Xaadoole oo ah wasiiru dowlaha gaadiidka Badda ee Hirshabeelle.

Xildhibaan C/qaadir Carabow oo ka mid ah xubnaha deeqdan raashinka ah gaarsiiyay ayaa sheegay in dowladda federaalku gacan ku siin doonto sidii ay kooxaha argagaxisada ah uga xoreyn lahaayeen dhamaan deegaanada u dhow degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe.

Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon oo isna goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay isku day loo baahnaa oo waqtigiisa kusoo beegmay waxa uuna xusay in dagaalkan uu gaari doono ilaa gobolka Mudug qeybaha ay Al Shabaab ka joogaan.

Dadkan oo xoolo dhaqato u badan ayaa bilaabay abaabulkan kadib markii ay Shabaab joogteeyeen xoolo boobid iyo cadaadis joogto ah iyadoo xiisado arintaasi ka dhashay lagu dilay dhowr iyo toban katirsan maleeshiyada Shabaab.

 

Qore.Bashiir Gaani.

 

 

Deeq loo qeybiyay dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool Muqdisho.

0

in kabadan 130 ruux oo ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka faa,iideystay deeq isugu jirta ulaha ay adeegsadaan dadka aan indhaha wax ka arag,biraha ay ku socdaan dadka naafada ah iyo kuraas,kuwaas oo ay soo dhiibeen muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga oo ku midoobey hay,ad lagu magacaabo Igel oo ka dhisan dalka Switzerland.

deeqdan ayaa waxaa dadka u qeybiyay safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar oo wakiil ka ahaa hay,adda deeqdan bixisay waxaana googjoog ka ahaa halka lagu qeybiyay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahad celiyay dadkii soo dhiibay iyo walaalaha Turkiga  oo mar weliba garab taagan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka gargaarka iyo horumarintaba.

Qore.Bashiir Gaani