Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha oo tababar u qabatay Ururrada Dhalinyarada

Date:

Muqdisho, Khamiis 11, Oct 2018 (SNTV)-Wasaaradda Dhallinyaradda iyo ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta tababar u furtay xubno mid ah Ururrada Dhalin-yarada iyo kuwa wax ka barta Jaamacadaha Dalka.

Ujeedada tababarkan ayaa ahaa wacyi galin ku saabsan mideynta afkaarta Dhallin-yarada iyo inay wasaaraddu faah-faahinno ka siiso siyaasadda Qaran ee ay wasaraddu dhameystirtay isla markaana ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaraha Soomaaliya, Isaaq Xaashi Jimcaale oo tababarkan u daah-furay Dhallinyarada ayaa sheegay in ay wasaaraddu la wadaageyso Dhallinyarada qorshaha Qaran ee Wasaaradda ee ay Bishii September 2017-kii ansixiyeen Golaha Wasiirarrada.

“Ujeedka Siminaarkan waa sidii Ururrada Dhallinyarada ay fikir iyo aragti uga dhiiban lahaayeen qormada siyaasadda Qaran ee Dhalliyarada Soomaaliyeed ee ay diyaarisay Wasaraada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ay Bishii Septembar ee Sanadkii 2017-kii ansixiyeen Golaha Wasiirrada, haddana waxyaabihii aad ku talisaan dib in loogu laabto ee aad aqoontiina ku baartaan aanu dib u badali doono” ayuu yiri IsaaqXaashi.

Sida ku cad xog uruurin la sameeyey Sanadkii 2014-kii Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasay in ay Bulshada ka yihiin 75%, kuwaas oo ay da’doodu ka yar tahay 30 Sano,waxanay taasi ka dhigan tahay in sibeddelka Dalku uu ku xiran yahay hadsa sida loo jiheeyo Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka...

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...