Kulan looga hadlayay xoojinta ammaanka iyo dar-dargelinta howlgalada Ciidamada XDS oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho, Khamiis, 11, Oct 2018 (SNTV)-Wasiirka gaashaan-dhigga Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa shirย  Guddoomiyah kulan looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada Xoogga wadaan kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulankan uu guddoominayay Wasiirka Difaaca ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Abuukar Isloow,taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jen, Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen; Bashiir Cabdi Maxamed, xubno ka tirsan wasaaradda caddaaladda, Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Amb; Francisco Madeira, Xubno ka socday Midowga Yurub iyo saaxiibbada Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (ammar-dambe), ayaa sheegay in ay xubnahaasi ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Gobalada Dalka .

โ€œKulnka waxaa looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Goballada Dalka ,waxaan isla meel dhignay dhammaan qorshayaashii aan ka wada hadalnayโ€ ayuu yiri Wasiirku.

Intii uu kulanka socday ayaa waxay Labada dhinac qiimayn ku sameeyeen horumarka laga gaaray xagga ammaanka Dalka, taasoo qayb ka ahayd qodobbadii kasoo baxay shirkii May 2017-kii ka dhacay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay inay waqtigan Ciidamadu howl-gallo ka wadaan Gobollada Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan, iyagoo garabsanaya AMISOM, halkaasoo ay guulo la taaban karo kasoo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...