in kabadan 130 ruux oo ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka faa,iideystay deeq isugu jirta ulaha ay adeegsadaan dadka aan indhaha wax ka arag,biraha ay ku socdaan dadka naafada ah iyo kuraas,kuwaas oo ay soo dhiibeen muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga oo ku midoobey hay,ad lagu magacaabo Igel oo ka dhisan dalka Switzerland.
deeqdan ayaa waxaa dadka u qeybiyay safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar oo wakiil ka ahaa hay,adda deeqdan bixisay waxaana googjoog ka ahaa halka lagu qeybiyay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.
Duqa Muqdisho ayaa uga mahad celiyay dadkii soo dhiibay iyo walaalaha Turkiga oo mar weliba garab taagan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka gargaarka iyo horumarintaba.
Qore.Bashiir Gaani