Home Blog Page 1196

Al-shabaab “dhiigga shacabka Muqdisho deggan ALLE ayaan ugu dhowaaneynaa”

Shalay gelinkii hore kooxo dhagar-qabeyaal ah oo isku soo xiray walxaha Qarxa iyo baabuur walxahaas laga soo buuxiyey ayaa weeraray xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka dhashay khasaare dad aan waxba galabsan oo rayid ah.

Horjoogaha lagu magacaabo Cabdul-casiis Abuu Muscab ee ay Al-shabaab ku yaqaannaan in uu yahay Afhayeenkooda ayaa yiri hadallada soo socda.

“nin ka tirsan kuwa is qarxiyey ee Al-shabaab, gaari uu waday iyo  rag hubeysan oo la socday ayaa isku qarxiyey xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, kuwaas oo aan ka soo dirnay xarumaheenna, khasaaraha cadowga gaaray waa mid badan dhimashada 20 qof oo aan annaga u naqaanno Murtadiin  ayaana ku geeritootey iyo dhaawac badan, taas waa farxaddeenna waa in aan ALLE ugu dhowaannaa daadinta dhiigga kuwa na diidey” ayuu yiri  Horjooge  Cabdul-casiis Abuu Muscab

Horjooge Cabdul-casiis ayaa sheegay in Al-shabaab aysan aqoonsaneyn shacab deggan magaalada Muqdisho oo ay dhammaantood  u garanayaan Murtadiin, waa hadalladii ay Al-shabaab ka jeediyeen weerarkii shalay

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa shalay yiri hadalladaan “magaca Al-shabaab haddii aad maqashaan waxaa idin ku soo dhacaya dagaal, qarax,  Buundo la dumiyey, qof la dilay shacab la laayey, gargaar waddooyinka loo galay iyo ficillo kale oo badan oo ay ka mid yihiin haddii ay abaaro dhacaan dadka ma gargaaraan ee gurmadka la siiyo ayeey ka qaataan, laakiin dowladnimada waa horumar dhismo daryeelka shacabka iyo in mustaqbalka dalkeenna aan ka wada shaqeynno sidii aan u dhisan lahayn”.

Ciidammada Xoogga dalka oo Al-shabaab ku weeraray aag ku dhow Jammaame

Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbalaan ayaa howlgal sii qorsheysnaa ku qaadey Tuulada Muuse Xaaji oo ku dhow  degmada Jammaame ee gobolka Jubbada Hoose,  halkaas oo ay saldhig ku laahayeen malleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab.

Taliska qeybta 43-aad ee ciimmada Xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyey in si lama filaan ah ay ciidanka ugu galeen Al-shabaab dhowr xarumood oo ay ku sugnaayeen iyagoo aan ka war heyn, taasna ay gaarsiisay jab aad u xooggan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu gaaray Al-shaabab, lagana furtey Gaadiid, Hub iyo Walxaha ay qaraxyada ka sameeyaan.

Wixii ka soo kordha la soco

Kow iyo Toban Arday Soomaali ah oo heley Deeq Waxbrasho Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka

0

USA-(SNTV)-Sanad walba xilligan oo kale waxaa Magaalada Columbus Ohio ee Dalkan Mareykanka lagu qabtaa xaflad loogu talo galay Ardayda dhamaysatay Dugsiyada Sare iyo kulliyadaha kala geddisan ee Gobolka Ohio.

Xafladdan oo ay qeybaha bulashada, madaxda gobolka iyo ardada intuba ka soo qeybgalaan waxaa soo abaabulay isla markaana soo waday mudo 9 Sano ah Hay’adda SomaliCAN, oo ah hay’ad u adeegta bulshada, waxaana laf dhabar u ah Prof. Jibril Mohamed.

Waxaa goobta ka hadlay madaxda Dowladda hoose, tan Gobolka iyo heer Qaran, Cabdikhayr Soofe oo ah xiriiriyaha xafiiska Duqa Magaalada, Abuukar Osman Balle, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay iyo Masuuliyiin kale.

Doorka waalidiinta Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamay mid aan qarsoomi karin, iyada oo loo mahad celiyay waalid walba oo Ubadkiisa gaarsiiyay meel uu ka sii socon karo isla markaana Tusaale wanaagsan u noqon kara Jiilasha la siman.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo qeybgasha xafladan Sanad walba waxa ay ka helaan deeqo waxbarasho iyo dhiirranaan ay ku sii wataan waxbarashadooda.

Deeqaha waxbarasho waxaa Gacan weyn ka geysta qareennada Flickinger Legal Group oo muddo dheer la shaqaynayay bulshada Soomaaliyeed.

Sanadkan waxaa abaalmarin la gudoonsiiyay 11 Arday oo kala ahaa Shan wiil iyo Lix gabdhood, waxayna qeyb ka ahayeen Arday badan oo aan ku soo bixin Qori-tuurkii loo sameeyay Ardayda.

1      Sumayah Aden, Dublin Coffman High School

2      Salma Mohamed, Westerville Central High School

3      Safia Hersi, Westerville Central High School

4      Omar Jeylani, South-Western Career Academy

5      Mohamed Awil, Mifflin High School

6      Mohamed Abdulahi, Horizon Science Academy

7      Maryam Bafadal, Franklin Heights High School

8      Kiin Ali, Franklin Heights High High School

9      Fardowsa Dahir, Hilliard Bradley High School

10   Abdulkhabir Hassan, Connections Academy

11   Abdifatah Warsame, Franklin Heights High School

Taageerada iyo deeqaha waxbarasho ee ardaydan la siiyay waxaa gacan ka geystan meherado Soomaaliyeed iyo kuwo Soomaalida la shaqeeya oo ay ka mid yihiin:

Flickinger Legal Group, Fifth Third Bank, Focus, FCCS, CareSource, Columbus CRC, OSU AAAS, the Buckeye Ranch, Zenith Academy, OSU Social Work, Denison University, Hiiraan Online, Midnimo Middle,  MAS, Twinkle Star, Enhanced, iyo kuwo kale oo baddan

Barnaamijka qalin-jebinta iyo deeqaha waxbarashada Ohio ayaa loogu talagalay in lagu muujiyo dedaalka dheeriga ah ee Ardayda iyo waaliddiinta Soomaaliyeed ka sameeyaan dhanka waxbarashada taas oo si weyn uga dhex muuqata marka loo eego qowmiyadaha soo galootiga ah.

Dhiira-gelinta iyo qabashada xafladaha noocan oo kale ah ee Sanad walbala qabto waxay niyad dhis iyo baraarug u noqotaa dhallinyaro badan oo ku dhiirraday in ay dib ugu laabtaan waxbarashadoodii ay ka tageen kal hore.

Xafladda qalin-jebinta ayaa ku soo dhammaatay farxad iyo rayrayn iyada oo waaliddiinta iyo madaxda bulshadu hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen Ardada ku guulaysatay deeqaha waxbarasho iyo dhammaan Ardada ka baxday Dugsiyada sare iyo jaamacadaha Ohio Sannadkan 2018.

Deeqo Shire (SONNA)

Columbus Ohio

Dowladda Turkiga oo cambaaraysay qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho

Ankara-(SNTV)-War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Turkiga ayaa lagu cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee Shalay lala eegtay xarunta wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya ee Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay ka murugoonayaan Shacabkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii gardarrada ahaa ee ay argagixisadu ka geysteen Muqdisha, iyadoo ehelada Dadkii ku Naf waayay Alle ugu bariday samair inuu ka siiyo, kuwa dhaawaca ahna uu bogsiiyo.

“Waxaannu cambaaraynaynaa weerarkii bahalnimada ahaa ee ay argagixisadu ugu dan lahaayeen iney ku carqaladeeyaan ammaanka iyo xasilooniga Soomaaliya, waxaannu ugu tacsiyadeynaynaa qaraabada Dadkii ku dhintay, kuwa dhaawacana waxaannu u rajeynaynaa Caafimaad” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Turkiga.

Hadalkankan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay Dowladda Turkigu sii wadi doonto is Garab taagga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

Isha/ Anadolu

Kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xalay isbitaalada ku booqday dadkii dhaawacmay

Muqdisho(SNTV) Ku Simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaliyeed Mudane  Amb Maxamed Mursal SHeekh C/raxmaan Ayaa xalay Isbitaalada Ku Booqday Dadkii Ku Dhaawacymay weerarkii argagixisanimo ee shalay ka dhacay xarunta wasaaradd arrimaha gudaha

Guddomiyaha Ayaa Booqday Isbitaalka Digfer iyo Isbitaalka Madiina,Isagoona warbixin ku aadan xaaladda bukaanada isbitaalada la dhigay uu ka dhageystay maamulada iyo dhaqaatiirka isbitaalada lagu dabiibayo dhaawacyadaasi.

Mudane Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa alle uga baryay dadka bukaanada ah in uu bogsiiyo,isagoona dhanka kale eleda iyo dhacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii ku nafwaayay weerarkaasi bahalnimada ahaa.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ugu baaqay shacabka in hay’adaha amnigu ay gacan ka siiyaan sidii looga hortagi lahaa falalka argagixisanimo.

Ra’iisul Wasaare kheyre oo booqday dhaawacyada qaraxii Shalay

0

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Xalay Isbitaallada Muqdisho ku booqday Dadkii ku dhaawacmay qarixii Shalay lala beegsaday Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga.

Ra’iisul wasaaraha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Tacsi u diray eheladda Dadkii ku Naf-waayay qaraxaas ay arxanlaawayaashu u qorsheeyeen inay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Mudane; Kheyre ayaa sheegay in dhaawacyada aan Dalka waxba lagaga qaban karin ay Dowladdu u qaadayso Dalka dibeddiisa.

Wuxuuna ugu dambayn Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka Dalka looga saarayo kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

Wasiir Geelle “Dowladda waxa ay ku mashquulsan tahay badbaadinta dadkeedii lagu dhaawacay weerarkii wasaaradda Arrimaha Gudaha”

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Daahir Maxamuud Geelle wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa hadalkiisa ku billaabay “ kooxdii argagixisada aheyd maanta waxa ay weerar ku qaadeen xarunta wasaaradda Arrimaga Gudaha, weerarka waxa uu ahaa mid Qarax lagu bilaabay kaddibna malleeshiyo hubeysan ayaa gudaha wasaaradda gashay, ciidammada amniga ayaa  isla markiiba  la fal falgashay dhagarta cadowga, waxaana la laayey dhammaan malleeshiyadii weerarka soo qaaday”.

Wasiir Geelle ayaa sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, dowladda Soomaaliyana ay ku mashquulsan tahay sidii gurmad caafimaad loogu  fidin lahaa dadkii masaakiinta ah ee ay Al-shabaab ku dhaawaceen xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dadkii waddada marayey, ciddii caafimaad dibedda ah u baahanna u diyaar  ula tahay dowladda Soomaaliya.

“ciidammada amniga saacado yar bey ku qaadatay in ay soo afjaraan cadowga, waxaana deggan xaaladda goobtii uu qaraxa ka dhacay, marnaba kama niyad jebi doonaan dowladda iyo shacabkeeda ficillada cadowga mar walbana dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii waddo dedaalka loogu jiro in dalka oo dhan laga nadiifiyo kooxahan argagixsada ah” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

“magaca Al-shabaab haddii aad maqashaan waxaa idin ku soo dhacaya dagaal, qarax,  Buundo la dumiyey, qof la dilay shacab la laayey, gargaar waddooyinka loo galay iyo ficillo kale oo badan oo ay ka mid yihiin haddii ay abaaro dhacaan dadka ma gargaaraan ee gurmadka la siiyo ayeey ka qaataan, laakiin dowladnimada waa horumar dhismo daryeelka shacabka iyo in mustaqbalka dalkeenna aan ka wada shaqeynno sidii aan u dhisan lahayn. Waxaa yiri wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in weli lagu howlan yahay dhammeystirka macluumaadka ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkii Argagixiso, wixii faah-faahin ahna ay dib ka soo sheegi doonto dowladda.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Sheegay In Dhallinyaradu Ay Yihiin Maskaxda, Xoogga Iyo Dhaqaalaha Dalka

Muqdisho(SNTV):-.Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay soo xiray Shirweynaha 3-aad ee Hoggaanka iyo Hal-abuurka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xoogga, maskaxda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamaayo aduunyada kale ay yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si awoodaha dhalinyarada looga faa’iideeso ay tahay in dhalinyadu waxbarashada ku dadaalaan, isu abaabulaan sidii awoodda dalka gacantooda ugu soo noqon laheyd, caawiyaan laamaha amniga, ka qeyb qaataan kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqmaasuqa, una dul qaataan xanuunka la maraayo si mutqabal wanaagan loo gaaro.

“Waxaa lagu jiraaa qarni aadan noolaan karin hadii aadan aqoon laheyn. Si aqoonta dadka Soomaaliyeed loo dhiso oo aan ula tartanno bulshada adduunka waa in aan leenahay iskuullo iyo jaamacado soo saara dad Soomaaliyeed. Waa in aan kobcinnaa dhaqaalaha dalka, la dagaalnaa Musuqmaasuqa, amniga wax ka qabannaa, si aduunyadu noo aaminto waa in aan xanuun marnaa. Xanuunka cidda mareysa ee u adkeysanaysa waa cidda dooneysa in ay Mustaqbal yeelato, cidda mustaqbalka lehna waa adinka. Waa in aad isu abaabushaan qaabkii awoodda dalku gacantiinna ugu soo noqon laheyd”, ayuu dhallinyarada ku yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaaraha waxa uu dhalliyada ku dhiirri geliyay in aysan u dhaqmin sida qof gurigiisa marti ku ah, dhex-dhexaadna aysan ka noqon mustaqbalka dalka Soomaaliyeed isaga oo ku adkeeyay in si dalka loo gaarsiiyo Mustaqbal wanaagsan ay tahay in dhaqankii hore la bedelo, doodana laga furo dhibka dalku soo maray, sababta ay ku timid, sababta xilliga dheer ay ugu qaadatay dadka Sooomaaliyeed in ay ku jiraan dhibka iyo sida looga bixi karo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoosta ka xarriiqay in lagu qasbanyahay in la dhagaysto codka iyo talada milkiilayaasha dalka oo ah dhallinyarada hase yeeshee ay tahay in dhallinyardu ka shaqeeyaan qaabkii ay kula xisaabtami lahaayeen madaxda dalka.

Shirkii u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Hay’adaha ku shaqada leh siyaasadda oo soo xirmay

Muqdisho-(SNTV)-Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Dastuurka, Federaaleynta dalka, Doorashooyinka, Hanaanka Cadaaladda ee Federaalka iyo Awood Qeybsiga.

Khubaro ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa ka doodeen arimihiima uu ku saabsanaa shirka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo gebagebada shirka ka hadlay ayaa ka mahadnaqay talooyinka ay soo jeediyeen khubarada.

“Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo aqoonyahanada ka soo qeybgaleen shirkan oo runtii soo jeediyeen talooyin wanaagsan oo ku saabsan arimihii looga hadlay shirka ee uu ka mid ahaa Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambayn, waxaa kulanka soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye isagoo uga mahadceliyay Wasaaraddda Arrimaha Dastuurka doorkeeda qabanqaabineed ee shirka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO GAARAY MAGAALADA CARTA EE DALKA JABUUTI (SAWIRRO)

0

 

CARTA, 6da Luuliyo, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray Carta oo ah magaaladii marti galisay shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu yagleelay Dowladdii kumeel gaarka ahayd sanadkii 2000.

Madaxweynaha oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Carta ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Jabuuti, waxgaradka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Carta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka Carta martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

“Magaaladan waxay quluubta shacabka Soomaaliyeed uga taallaa meel wayn. Waa magaalo soo celisay rajadii shacabka Soomaaliyeed. Waa magaalo astaan u noqotay Soomaalinimo iyo deeqsinimo.”

“Waxaan guud ahaan reer Jabuuti iyo gaar ahaan reer Carta uga mahadcelinaynaa sidii niyadsamida lahayd ee ay shacabka Soomaaliyeed u garab istaageen xilli adduunyada oo idil ay kasii jeesatay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa caawa ku hoyan magaalada Carta si uu kulamo gooni gooni ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladan.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ee Carta waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro ka tirsan Dowladda Jabuuti oo kala ah Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Xasan Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Cilmi Baarista Mudane Mustafe Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabeynta Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Wasiirka Dhaqanka iyo Diinta Mudane Muumin Xasan Barre iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadam Xasan Aadam (Beleloo).