Wasiirka Ganacsiga xukuumada soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka turkiga

Date:

Istanbul (SNTV)–Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Maxamed Xayir Maareeye oo ka qaybgelaya shirweynaha Africa/Turkish Business Forum ayaa la kulmay Wasiirka Ganacsiga ee Dalka Turkiga.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadleen sii xoojinta Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa in wax soosaarka Soomaaliya oo Canshuur dhaaf loo sameeyey loo keeni lahaa Suuqyada Turkey.

Shirkaasi oo ah kii 2-aad oo ay ku kulmaan Turkiga iyo Wadamada Afrika ayaa soconaya 10- 11 bishan Oktoobar, loogana hadlayo dhaqaalaha iyo ganacsiga, kaasi oo ka soconaya Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkani ayaa waxaa badanaa loogu talagalay dhiirrigelinta Afrika iyo maalgashiga Turkiga, iyada oo la falanqeynayo xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Afrika iyo Turkiga, waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu muujiyo rajada laga filayo Agenda 2063 oo ah barnaamij loogu talagalay isbedelka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed, taas oo Afrika ka dhigaysa mid ah barwaaqo, midnimo iyo dhaqaale oo madax-bannaan.

Shirkaasi oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Ordegan, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasiirada Dalalka Afrika, NGO-yada, Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Golaha Ganacsiga, Ururada, Ururada Xirfadleyda iyo Ganacsatada ka kala socda Turkiga, Safiirada Safaarada Afrika ee Turkiya iyo Warbaahinta Turkiga iyo Afrika.

Shirkani ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo Maanta oo khamiis ah, lana rajeynayo inay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Afrika iyo Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray...

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed...

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Xeryaha Ciidamada ee Baydhabo

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi...

Taliyaha CXD oo kormeeray Xerada Ciidanka DANAB ee Galmudug

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka S/Guuto Ibrahim Maxamed ayaa Kormeer...