Warbixin Kusaabsan Dhibaatadii u geystay Qaraxii Soobe ee 14-kii Oktoobar

Date:

Muqdisho October 11 (SNTV);- Iyadoo  cawaaqib-xumadii  laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay gudaha dalka ay sii muuqdaan ,haddana , Waxaa nasiib darro ah in ay weli jiraan kooxo u ooman daadinta dhiigga dadka,isla markaana  doonaya in dalku uu ku sii jiro fowdo iyo qas joogto ah.

Marka laga yimaado rajada iyo calaamadaha ifaya ee  suurtagaliyay in ay dib u soo noqdaan  sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka Somaaliya, waxaa qaati laga joogaa kooxo cusub oo ka been-sheegaya  diinta, iskuna  magacaabay urur diimeedyo,kuwaas oo diidan nidaamka dowladnimo ee dalka,isla markaana faraha la galay dagaallo ay ku hoobteen shacab aad u fara badan oo birimageydo ah.

Haddaba,qaraxii weynaa ee dhacay 14-kii Oktoobar ee sanadkii hore waa wax ma hadho ah oo aan ka go’eyn qalbiyada umad sanado badan ku soo jiray dagaalllo sokeeye oo ka haray kheyrkood ,haatanna  ku howlan  in ay u gudbaan dowladnimo salka ku heysa nabad iyo barwaaqo.

Xasuuqii Soobe wa ficil aan la fileyn oo reebay  naxdin iyo amakaag,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo  iyo burbur hanta ay soo gaartay dad ka badan 1890-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa  isoyska Soobe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

14-kii Oktoobar,waa mid xusuus gaar ah ku leh qalbiyada dadka,isla markaana dhaxalsiisay dhibaatooyin weli u muuqda in aan laga soo kabsan,marka loo eego dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada.

Damiir adag iyo Dadnimada wanaagsan,ayaa looga gudbay dhibaatooyinkii ay reebeen kooxaha qaldan ee adeegsada fikirka guracan,waxaana yar iyo weyn,dowlad iyo dalal shisheeye ay ka qeybgaleen gurmadkii loo fidiyay dadka dhibanayaasha ah ee ku waxyeeloobay qaraxii Sobe.

Tirakoob ay si wadajir ah u soo saareen dowladda iyo guddigga gurmadka ayaa muujinaya in ay dhinteen in kabadan 500, dhaawacana lagu sheegay ku dhawaad 300 ruux,halka la waayey ,dad gaaraya 54-qof oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee soo gaaray dadka ,waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan,taasoo  waxyeelada guud ee soo gaaray dadka ka dhigeysa 1890

Dalku, waxa uu u baahan yahay ciidamo iyo shacab  daacad ah oo ka shaqeeya danta umadda,waxaana  xaqiiqo ah in xaalad kasta looga gudbi karo wadajir Ku saleysan ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed  iyo dhismaha  dalka .

Maamulka  wanaagsan,waa in uu xil iska saara sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,Waxaanna  aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan  horumar leh dhinacyo badan.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobe waa in cid kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan xasiloonida oo si gaar ah u taabaneysa dadka meelna looga soo wada jeesto Aragagixisada Alshabaab ee arxanka daran.

Wakaalada Wararka Qaranka ee SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa...