Home Blog Page 1198

a’iisul Wasaare Khayre oo kulan la Qaatay Boqor Salmaan Bin Abdulaziz Al Saud

0

Riyaadh October 10 (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle iyo Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Sacuudiga Mudane Saalim Macow Xaaji

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Ciidammada Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan

0

Muqdisho October 10 (SNTV):-Ciidammada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa Howlgalo kula wareegay deegaano hoostaga degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur.

“Howlgalka Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay ka sameeyeen deegaano u dhow Degmada Jalalasi ee Gobalka Hiiraan waa mid balaaran waxaana Ciidamada ay si nabad galyo ah ula wareegeen deegaano ay Nabad diidka Al shabaab ku dhibaateyn jireen Shacabka oo ay ka mid yihiin Buurweyn, Dibileey, Faaxaale iyo deegaano kale”.

Ciidankan oo ka baxay Degmada Jalalaqsi ayaa isku maray Deegaano dhowr ah, iyagoo aan dagaal kala kulmin Argagaxisada Al shabaab oo ka cararay goobaha ay Ciidammada gaareen.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Shacabka ku nool deegaanadaasi ay cabasho usoo gudbiyeen Ciidammada Xoogga Dalka iyagoo sheegay in Hanjabaadyo joogta ah ay kala kulmaan Al shabaab.

“Howlgalkan waxaa door weyn ka qaatay dadka deegaanka gaar ahaan Dhalinyaro is abaabushay oo dagaalka lagula jiro Al shabaab ka qeyb qaadanaya, Jifileey, Buurweyn iyo Tuulooyinka yaryar oo ciidamada ay tageen shacabka way ka barakaceen ka dib markii Al shabaab ay Boob iyo dil u geysteen, waxaana Shacabka ka go’an inay iska dulqaadaan Argagaxisada iyagoo inoo soo gudbiya xogo dhameystiran”.ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi.

Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo Kaashanaya Dowladaha Saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa Howlgalo joogto ka wada guud ahaan dalka, waxaana lagu burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen Weeraro ay shacabka ku dhibaateeyaan, sidoo kale waxay Ciidammada la wareegeen deegaano dhowr ah, iyagoona dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyo badan oo Nabad diidka ka mid ahaa.

Duqa Muqdisho “Waa in loo midoobaa dagaalka Argagixisada iyadoo maskaxdeena ay weli ka guuxeyso falkii argagaxisada ahaa ee 14 kii Octoober”

0

Muqdisho October 10 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ay qeybaha bulshada Gobolka Banaadir isku-xusuusinayeen musiibadii Qaran 14-kii Octoobar 2017.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusuusiyey bulshada Soomaaliyeed muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada-jeesto kooxaha caadeystay dhibaateynta shacabka, oo weli maskaxda ummadda Soomaaliyeed ay ka guuxeyso falkii argagaxisada ee 14-kii Octoober 2017.

“14-kii Octoober 2017 waxay ahayd maalin madow oo kooxda manaxayaasha ay dhibaato xoog-leh u geysatay shacabka Soomaaliyeed, Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo dadkii naftooda ku waayay, kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo, Waana in loo midoobaa Argagixisada oo caadeysatay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.”

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo diyaar garoobo sidii maalintan loo xusuusin lahaa dadka Soomaaliyeed, isla markaana meel looga soo wada-jeesto dhibaatada ay maleegayaan argagixisadu.

Munaasabadda ayaa waxaa hadallo ka jeediyey qeybaha bulshada ee ka qeybgalay munaasabadda, waxayna dhammaantood caddeeyeen falkii waxashnimo ee dhacay 14-kii Octoober inuu mideeyey quluubta Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya oo la Kulmay wakiilka cusub QM Nicholas Haysom

0

Muqdisho October 10 (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dalka Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka cusub QM Nicholas Haysom waxaana ay ka wada hadleen qodobo dhowr ah ay ka mid yahiin sidii loo dar dargalin lahaa shaqooyinka ay ka wadaan Hay’addaha UN-KA Soomaaliya.

Wakiilka cusub ee Jimciyada Quruumaha midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sheegay in Somaaliya ay horumar badan ka sameysay Arrimaha Buslahda iyo dhaqaalaha, Hergalinta qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliyeed oo uu xusay in Hay’addaha UN-ka ay ku shaqeyn doonaan muhiimada ku dul xusan.

Mr Nicholas Haysom ayaa uga mahadceliyay Wasiir Jamaal Maxamed Xasan dadaalada kala duwan ee wasaaradiisa ay ka wado dhinaca horuamrinta iyo jiheenta tubta horumarka Soomaaliya oo wasaaradda ay door muuqda ka qaadanayso, wuxuuna intaasi ku daray in wada shaqeynta balaaran ee ka dhaxeyso Hay’addaha UN-ka iyo Wasaaradda qorsheynta in mudada xil hayntiisa ku egtahay in uu dar dargalin doona.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa Wakiilkan ku bogaadiyay sida ay uga go,antahay xoojinta wada shaqeynta uu la yeelanayo Hay’addaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka rajeeyay inuu door weyn ku yeesho Isbedelada Hormarka ah ee ka socda Soomaaliya.

Wariye Abdirahsiid Nuur Ibraahiim.

Wardoonayaal ka tirsan Alshabaab oo la xukumay.

Muqdisho (SNTV)- Maxamed Cabdi Salaad Nuur  iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa loo heystaa in ay ka wada tirsan yihiin maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan kooxda ay ugu yeeraan Amniyaadka, waxaana ciidamada amniga ka soo kala qabteen degmooyinka Cabdiczaziiz iyo Wartanabadda.

Eedeysanaha koowaa ayaa Alshabaab kaga biiray gobalka Shabeelaha Dhexe sanadii 2015 gaar ahaan halka loo yaqaano Gamboole, waxa uu tababar seddax bil ah ku soo qaatay xero ku taalo duleedka Gamboole halkaasi uu ku bartay isticmaalka hubka fudud iyo tuurista bam gacmeedka (F1).

Intii uu joogay Shabeelah Dhexe ayuu ku fashilmay isku dayo dhowr ah oo loo diray balse waxaa loo soo bedelay  magaalada Muqdisho, waxaana loo diray shaqa kale oo ku saabsan indha-indheynta goobaha dadka isugu yimaadaan ee ku dhirirsan xeebta Liido  ee  magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale hordhac sahmin u ahaa weeraro  ismiidaamin ah oo badi fashil ku dhamaaday kuwaasi oo ay ciidamada amniga fashiliyaan sida kuwa lagu doonayay in lagu galo gudaha Madaxtooyada.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale qiray in uu aqoon u leeyahay eedeysanaha labaad Gacal Maxamed Cali Maxamed  oo ay ka wada tirsanaayeen maleeshiyada Alshabaab, sidoo kale ay kawada tirsanaayeen hal koox oo ay ku sheegeen in uu horjoogahooda joogo halka loo yaqaan Sabiid,  waxa uu qiray in  ay wada degnanaan jireen degmada Kaaraan  balse Gacal uu isku qariyo shaqada tima jaraha, Maxamed Cabdi Salaad Nuur oo ah eedeysanaha koowaad ayay ciidamada amniga soo xireen  13-ka Bishii labaad (2)- ee sanadkan.

Gacal Maxamed Cali Maxamed oo ah eedeysanaha labaad ayaa iska diiday dhammaan eedaha loo jeediyay oo ay kamid ahaayeen in uu magaalada ku soo dhaweeyay eedeysanaha koowaad  ayna wada deganaayeen hal guri  sidoo kale ay  lahaayeen hal horjooge oo isagana ugu war dambeysay isagoo joogay halka loo yaqaano Sabiid, Gacal ayaa gacanta  ciidamada amniga soo galay sidaad iyo tobanka (18) bishii Afaraad (4) ee sanadkan.

Labadii (2) bishii Sideedaad ee sanadkan ayay u soo wareegtay  eedda labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa ayna xilligaas weydiisteen Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada in xabsiga lagu hayo eedeysanayaasha garsuge ahaan.

Bilowga fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa si wada jir ah loo dhageystay eedda ay soo diyaariyeen xafiiska xeer ilaalinta iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay eedeysanayaasha in ay ka hadlaan goobta maxkamadeyntooda.

Koowdii bishan aynu  ku jirno ayaa la soo gaba-gabeeyay dhageysiga qeybta labaad ee Maxkamadda.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay in labada eedeysane lagu kala xukumo

  • Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysana
  • Gacal Maxamed Cali Maxamed Sedax sano (3) oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaasha ayaa heysta  fursad kale oo ay  ku dalban karo Rafcaan.

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay dhaqan gelinta Heshiiyo kal hore ay kala saxiixdeen

0

Ankara (SNTV)- Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim  oo howlo shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa Magaaladda Ankara kulan kula qaatay Wasiir ku-xiggeenka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalkaasi, waxaama ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dal oo  Saaxiibtinimo  iyoWalaaltinmo ay ka dhaxeyso iyo arrim kale.

Labada masuul ayaa kulankooda waxay si weyn uga hadleen qodobada kala ah siddii dhaqan galintiisa si wanaagsan looga shaqeyn lahaa heshiis iskaashi oo labo sano ka hor ay kala saxiixdeen Wasaaraddaha Tamarta Soomaaliya iyo Turkiga iyo siddii ay u yeelan lahaayeen labada dhinac Maalgashi dhinaca Tamarta ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay siddii ay u yeelan lahaayen wada shaqeyn buuxada oo dhex marta Labad wasaaradood, is dhaafsiga aqoonta iyo Qibradaha shaqo iyo kobicinta tayada shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS.

Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane  Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in Wasaaradda  Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Wadanka Turkiga ay ka  gacan siin doonta  Soomaaliya taageero  ku aadan sharciga Tamarta ee horyaalo Golaha wasiiradda.

Mudane Cismaan Libaax ayaa xusay  dawladda Turkiga  in dalka ay ka hirgelin doonto maalgashi dhanaca Tamarta iyo kheyraadka Dabiiciga ah, kaasi oo muhiim u ah howlgalka Wasaaradda ay ka qabanayso dhinacyada Tamarta  iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS  ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu kulamo la qaadan doonaa masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga iyo madaxda Shirkadaha gaarka ah ee ka shaqeeya horumarinta Biyaha iyo Tamarta.

Waxaa dhawaan dalka Turkiga lagu qaban doonaa shir looga hadlayo siddii ay iskaashi u yeelan lahaayeen shirkadaha gaarka ah ee Tamarta, kuwaasi oo ka shaqeeya  labada dal, taasi oo sahalayso in iskaashi wanaagan ay yeeshaan shirkadahaasi.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sucuudiga

0

Riyadh, October 09, 2018 —Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha XFS uu yeelanayo  madaxda sare ee  boqortooyada Saudi Arabia.

Kulanka ay wada qaaateen ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada iyo warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

–DHAMMAAD—-

Ciidanka Xoogga dalka oo Weerar ku qaaday Xarumo Nabad diidka ay ku lahaayeen Tuulooyin hoos taga degmadda Jammaame

0

Muqdisho (SNTV)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan Qeybta 43aad  ayaa maanta Waxay Weerar ku qaadeen tuulooyin hoostaga Degmadda Jammaame oo ay ka mid tahay tuulada Kawan oo u dhaw deegaanka Araare ee gobolka Jubadda Hoose.

Deegaanka Kawan oo ay isku Uruursanayeen Maleeyshiyada Kooxda Arxanka darran ee Al-Shabaab ayaa Waxaa Ka War Helay Taliska Qeybta 43aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka, Waxaana Halkaasi ka dhacay Dagaal Nabad Diidka Al-Shabaab Qaasaro xooggan lagu gaarsiiyey, isla markaasna looga saaray tuulada kawan oo hadda ay gacanta ku hayaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa la gaarsiiyay Nabad diidka Kooxda Al-Shabaab, sidoo kale Waxaa dagaalka looga qabsaday Seddex Qori oo  AK47 ah.

Ku-simaha Taliyaha Qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa Warbaahinta Qaranka uga Warbixiyay Dagaalkaasi Nabad diidka Al-Shabaab looga Saaray Tuulada Kawan, isaggoo xusay in nabad diidka halkaasi lagu gaarsiiyey Qasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqasho rasmi ah ay uga Bilaabatay Dalka Sucuudiga

0

Riyadh (SNTV): —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Riyaadh ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ra’iisulwsaaruhu ka helay dalka aan walaalaha nahay.

Ra’iisulwsaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Boqortooyada, iyada oo booqasho laba maalmood ah ay halkaas uga billaabaneyso.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dowladda aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo aminga.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la Kulmay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Kaaliyihiisa gaarka ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  iyo Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa ka wada hadlay wada shaqeynta QM iyo Golaha Shacabka gaar ahaan sidii baarlamaanka looga taageeri lahaa dhinaca sharci dejinta.

Waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah sidii wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen baarlamaanka dhexe iyo Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada iyo sidii sanadka 2020-ka ay doorasho qof iyo cod ah uga dhici laheyd Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa guddoomiyaha uga mahad celiyay xoojintiisa la xiriirta wada shaqeynta golaha shacabka iyo Qaramada Midoobay isagoo balan qaaday wad shaqeynta labada dhinac la xoojin doono.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Nicholas Haysom Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay isagoo ka rajeeyay in halkiisa kasii wado wada shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa golaha shacabka e Baarlamaanka iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.