Home Blog Page 1198

Maamulka Gobolka Banaadir oo daah furay Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Caasimadda ee shanta Sano

0

Muqdisho-(SNTV)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa daah furay shir soconaya muddo shan casho ah oo looga hadlayo qorshaha horumarinta Caasimadda ee shanta sano ee soo socoto, kaa soo ujeedku yahay in Caasimaddu ay yeelato qorshe ku saleysan baahida degmooyinka si loo fuliyo adeegyo bulsho oo huffan.

Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ayaa diiradda saaraya qodobo lagu maalgelinayo kaabayaasha bulshada, sida waxbarshada,caafimaadka ,bilicda magaalada, Waddooyinka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah, si looga hortago hoos u dhac ku yimaado howllaha uu maamulku u hayo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo furitaanka shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay kii ugu horeeyey ee Gobolka Banaadir uu yeesho, isagoo dhabaha u xaaraya hannaan lagu wada xisaabtamo oo bulshada 17-ka degmo u sahalaya in ay helaan adeegyada aasaasiga ah ee xaqa u leeyihiin kuna saleysan baahiyo la isla wada og yahay.

“Inaan maanta daah-furno barnaamijkan muhiimka ah ee qorshaha horumarinta Caasimadda shanta sano ee soo socota waa guul taariikhi ah oo muujinaysa soo kabasha horumarka Caasimadda, ma jiro maamul shaqeyn kara haddii uusan lahayn qorshe cad oo qeexaya hawllaha uu qabanayo.”Ayuu yiri Guddoomiye Xuseen Maxamed Nuur.

Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in barnaamijka horumarinta Caasimadda uu muhiim u yahay horumar waara oo la gaarsiiyo bulshada, iyadoo sameyntiisa la geliyey wakhti, maal iyo feker, si looga miro-dhaliyo looguna guuleysto qorshe u sameynta Gobolka Banaadir. Waxuna ka codsaday ka qeyb galayaasha shirka in talooyinkooda ay ku biiriyaan si uu uga tarjuma baahida ka jirta dhammaan degmooyinka Muqdisho.

Qorshaha Horumarinta Caasimadda oo socon doona muddo 5 sanno ah ayaa hadafkiisu yahay dhimista fakhriga, dib-u-dhiska iyo dib-u-habeynta kaabayaasha maamulka.

Madaxweynaha oo Casho Sharaf u Sameeyay Guddigii Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa waxa uu Xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay casho sharaf Guddigii Qabanqaabada Munaasabadihii 26ka Juunyo iyo 1-da Luuliyo.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban oo mahadnaq ah goobta ka jeediyay ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay Guddiga Qabanqaabada, oo uu hormuud u ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Daahir Maxamuud Geelle, sidii habsamida lahayd ee ay uga soo dhalaaleen hawlihii loo igmaday.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay jiraan shakhsiyaad Soomaaliyeed oo naftooda u huray sidii ay u ilaalin lahaayeen taariikhda umadda Soomaaliyeed kuwaas oo mudan in mar walba la xuso si jiilka dambe ay u helaan dad ay kaga daydaan waddaniyadda iyo dal jacaylka.

Madaxweynaha ayaa xusay saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo badbaadiyay dukumintiyadii yaallay Xarumihii Dowladda ee ay ka tirsanaayeen, wuxuuna ku sifeeyay saraakiishan in ay tusaale nool u yihiin waddaniyiin badan oo dhiig iyo dhaqaale usoo huray badbaadinta dalka.

Saraakiishan oo kala ah G/ Sare Jaamac Cilmi (Timir) oo badbaadiyay kaydka Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/ Sare Abshir Xaashi Cali oo gacanta ku hayay kaydka heesaha ee Radio Muqdisho iyo Dhamme Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi Dheere) oo isna ilaaliyay dukumintiyadii muhiimka ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dallacsiiyay min hal darajo.

“Saddexdan sarkaal waxa ay qabteen in ay xafidaan taariikhda Soomaaliya oo ay ilaaliyaan sharafka iyo qarannimada Soomaaliyeed, xitaa in ay naftooda u huraan. Waa mahadsanyihiin, mana idin ilaawi doonno, qarankuna waa idiin abaal gudi doonaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cashadan mahadnaqa ah ee uu Madaxweynuhu u sameeyay Guddigii Qaban-qaabada maalmaha xorriyadda waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, xubnaha Guddiga Qabanqaabada, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida, Hobollada Waaberi iyo Horseed iyo marti sharaf kale.

Dagaal culus oo Maleeshiyada Al-shabaab iyo dad shacab ah ku dhex maray G Mudug

Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyada Alshabaab iyo dadka deegaanka ayaa ka dhacay Tuulada Caad oo hoos timaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa xalay laga saary deegaanka, ka dib dagaal culus oo ay ku qaadeen dadka deegaanku, balse saaka ayay mar kale maleeshiyadu soo weerareen deegaanka, iyagoo doonaya inay dadka ka qaadaan xoolo baad ah.

Dad ku sugan magaalada Camaara oo u dhaw deegaanka Caad ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in wali xaalad dagaal ay ka jirto deegaankaas, waxaana ay ka dalbadeen maamulka Galmudug inuu dadka deegaanka ku gacansiiyo dagaalka ay kula jiraan maleeshiyada xagjirk ah ee Al-shabaab.

Dhawr jeer oo hore ayay dadka deegaanka iyo maleeshiyada Al-shabaab ku dagaalameen tuulooyin hoos yimaada degmada Xarardheere, ka dib markii dadka shacabka ah ee aagaasi ku nool ay diideen in laga qaado xoolo baad ah Carruurtoodana la askareeyo.

Wadfi ka socda Dawladda Qatar Oo Qiimayn Ku Sameynaya Dekadaha Soomaaliya Ayaa la Kulmay Ra’iisul Wasaare Khayre

0

Muqdisho, July 03, 2018 –Wafdi ka socda dawladda Qatar oo maanta soo gaaray Caasimmadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha
Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen horumarinta dekadaha Soomaaliya.

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Xukuummadda Federaalka
Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo kulanka qeyb ka aheyd ayaa
sheegay in ujeedka wafdiga ay aheyd in daraasad iyo kormeer ay ku
sameeyaan dekada Soomaaliya si loo ogaado dekadaha dayactirka u
baahan iyo dekadaha Dhismaha cusub lagu sameynayo.

Wasiir Maryan ayaa sheegtay in booqashada wafdiga Qatar uu ku yimid Muqdisho ay fursad wanaagan oo dhanka shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha ah u tahay ummadda Soomaaliyeed, loona baahanyahay in looga faa’iideeyo.

Booqashada Wafdiga Qatar ka socda ay ku yimaadeen Muqdisho ayaa ka dambaysay booqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi la socday ay ku tageen magaalada Dooxa halkaas oo leeskula soo af-gartay
in la fuliyo Mashruucyo dhawr ah oo khuseeya dekadaha Soomaaliya .

Wafdiga ka socda dawladda Qatar ayaa inta ay joogaan dalka waxa ay
booqashooyin ku tagi doonaan maamul goboleedyada dalka si ay u tagaan
dekadaha ay qiimeynta ku sameynayaan.

Qodobo laga soo saaray Shir looga hadlayay arrimaha maalgashiga dalka oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho(SNTV) Kulankaan maanta ay iskugu yimaadeen xubnaha guddiga maalgashiga shesheeye ayaa looga doodey 4 qodob oo muhiim u ahaa fadhigoodan oo bishiiba mar qabsooma,waxaana ka mid ahaa qodobada laga doodey maanta In la sameeyo siyaasada maalgashiga shisheeye.

Markii kulanka gudigu soo geba geboobay ayaa waxaa laga soo saaray illaa sided qodob oo muhiim ah,waxaana ay kala ahaayeen sidan.

  1. Guddigu waxa uu u madax bannaan yahay  oo uu ka masuul ah Maalgashiga Shisheeye
  2. Guddigu si uu u shaqeeyo wuxuu dhamaystiri doonaa qabyo-tirka baahidiisa.
  3. Guddigu waxa ay soo jeedinayaan in Maalgashiga lagu ogaado Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo madmadawga laga saaro oo arrintaasna lasoo afjaro.
  4. Guddigu waxa uu isla qaatay inuu yeesho xafiis u gaar ah oo uu ku shaqeeyo kaas oo ku dhexyaalla Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
  5. Guddigu wuxuu isla qaatay in si degdeg ah English iyo Arabic loogu turjumo Xeerka Maalgaashiga Shisheeye ee AfSomaaliga ku qoran.
  6. Sida xeerku dhigayo, waxa guddigu isla qaatay in meeqaamka shirku noqdo sida xeerku qoran.
  7. Guddigu wuxuu isla qaatay in la sameeyo xoghaymo hoosaadyo iyo sharci yaqaanno ka hoos shaqeeya Guddiga.
  8. Guddigu wuxuu hagi doonaa isla markaana farsamo ka gaysan doonaa dhamaan shirarka maalgashiga Shisheeye ee Soomaaliya ee ka dhici doona dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba

R/wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socda dowladda Qadar

Muqdisho(SNTV) Mas’uuliyiintaan oo ka socotay Wasaaradda Dekadaha dowladda Qatar ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiirka dekadaha iyo Gadiidka Badda Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socota Madaxtooyadad.

Ujeedada wafdigaan ayaa ahaa in ay sahmin iyo qiimayn ku sameeyaan qaar ka mid ah Dekadaha dalka taas oo qayb ka ah heshiisyo dhex maray dowlaha Soomaaliya iyo Qatar kadib booqashadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku tagay maagaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xubnahaan ku qaabilay xafiiskiisa waxuuna uga mahadceliyey boqashada ay Muqdisho ku yimaeen, isagoo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhawaynayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa dalka, iyadoo loo marayo habrac shariciga ee u yaalla Soomaaliya.

Wasiirka dekadaha iyo gadiidka Badda ee xukumadda Federalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo warbaahinta qaranka kula hadashay xafiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadcelisay wafdiga ka socda Qadar, waxaana ay sheegtay in labada waddan uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo xariga ka jaray Saldhigga Degmada Boondheere

0

Muqdisho(SNTV) Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Saldhigga degmada Boondheere oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey, waxana munaasabadda xarig jarka kala qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Bashiir Cabdi Maxamad Ameeriko.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku ammaanay shacabka iyo maamulka degmada Boondheere iskutashiga ay sameeyeen ee lagu dhisay saldhigga iyo sida ay diyaarka ugu yihiin horumarinta degmadooda.

“Saldhiggan wuxuu kaalin wanaagsan ka qaadanayaa amniga iyo caddaaladda deegaanka, dadka Boondheere waxaan ku ammaanayaa iskutashiga ay sameeyeen iyo sida ay uga fekerayaan horumarka deegaankooda, degmo walba oo ku taalla Caasimadda waa in ay iskutashataa oo la dhisaa magaalada.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad Ameeriko ayaa boggaadiyey wada shaqeynta ka dhaxeysa Maamulka Gobolka iyo Hay’adaha ammaanka, isagoo xusay in dhismaha saldhigga degmada Boondheere tusaale u yahay isku xirnaanta shacabka iyo maamulka.

Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho ayaa dhinaca kale kormeer ku sameeyey MHC ka degmada Boondheere, isagoo la kulmay qaar kamid ah dadkii lagu daaweynayey. Waxuna ku dhiirigeliyey maamulka in la sii xoojiyo dhismaha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee degmada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraatka ee Soomaaliya

0

Muqdisho(SNTV):–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Cusmaan.

Intii uu socday kulanka Mudane Axmed Ciisa Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda uu la qaatay Safiirka ayaa la iskula eeggay xiriirka laba geesoodka ee labada dal u dhexeeya.

Sidoo kale waxyaabihii looga hadlay inta uu socday kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ayaa waxaa kimid ahaa waxa ka cusub xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo warbixin ka bixisay dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

0

 

(Muqdisho, Luulyo 3, 2018) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa ka warbixiyay guulaha laga gaaray dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo dhowaan loo sameeyay Hay’ad Maamul (Borad of Directors), taasoo ahayd tallaabo kale oo loo qaaday in nidaam iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu yimid muddo 6 bilood ah ka dib oo ay Wasaaraddu wada-tashiyo caddeymo leh la yeelanaysay dhinacyada uu sharcigu dhigayo oo kala ah dawladda, dhinacyada isgaarsiinta (sectorka), iyo xubno ka kala imanaya bulshada rayidka iyo bahda sharci-yaqaannada, si loo dhiso guddi dhammeystiran. Wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha guddigan ka dib markii uu la kulmay dhammaadkii bishii hore, isagoo intaasi ku daray in guddigan uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid farsamo oo aqoon iyo waayo-aragnimo lagu xushay.

Wasiirka oo uu dhinaciisa fadhiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, wuxuu sheegay in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay gacan ka geysan doonto sidii loo fulin lahaa sharciga isgaarsiinta, isagoo xusay in loo baahan yahay in fursad la siiyo si ay u gutaan waajibaadkooda.

Isaga oo ka hadlayay ahmiyadda Hay’addan, ayaa Wasiirku waxa uu sheegay in uu culeys badan kala kulmay ansixintii sharcigan oo muddo 12 sano ah soo jiitamayay, balse aysan Xukuumaddu oggolaan doonin in sanado kale ay qaadato dhaqan-gelinta sharcigan maadaama ujeeddada ansixinta sharcigan aysan ahayn inuu warqado ku qornaado.

Wasiirka oo ka hadlayay farqiga u dhexeeya nuqulka ku soo baxay faafinta rasmiga iyo asalkii ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, gaar ahaan xubinta ka imanaysa sharciyaqaannada, ayaa sheegay in khaladka uu yimid kadib markii nuqulka uu Golaha Shacabka soo gudbiyay uu soo xigtay asalkii sharciga ay Xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka, balse isbeddelkii uu sameeyay Baarlamaanka aan lagu xusin. “Waxaa asal ah nuqulka ay ansixiyeen Golayaasha Baarlamaanka, sixitaanka arrintaana waxay u taallaa xafiisyada ay khuseyso, kuwaasoo haatan ku hawlan,” ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyntii Wasiirku wuxuu sheegay in albaabka Wasaaradda uu u furan yahay ciddii tabasho qabta oo soo mareysa nidaamka dawladeed. “Waxaan ogsoonnahay in sharciga la ansixiyay iyo guddiganba aysan ahayn kuwo aan ceeb lahayn. Laakiin si loo gaaro wax dhammeystiran waa in meel eber ah laga billaabo oo sanad walba la horumariyo. Haddiise laga fekerayo in laga billaabo 100%, waxaa cad inaan joogeyno halkii aan joognay intii aan sharciga la ansixinin,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaan rajeynayaa in waxqabadka Hay’addan iyo Guddiga la magacaabayba la mahadin doono mustaqbalka, waayo hadda dadka uma muuqan karaan faa’iidooyinka sharciga iyo Hay’addaba. Marka waxaan leeyahay yaan laga hordhicin oo waqti ha la siiyo, hana lala shaqeeyo Hay’adda.”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo la Kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika

0

Nouakchott(SNTV:-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uga qeyb galay shir madaxeedkii Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Moussa Faki Mahamat ayaa ka wada halay nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya iyo sida Midawga Afrika ay usii wadi lahaayeen taageerada Dawladda Soomaaliya la siiyo iyo hannaanka Soomaaliya ay amnigeeda kala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethioipia Hailemariam Desalegn, waxa ayna isla soo hadal qaadeen arrimo ay kamid yihiin adkaynta xariirka labada dal.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa labadii maalin ee tagtay magaalada Nouakchott uga qeyb gelay shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika oo looga hadlay sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa, furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuqa iyo Caqabadaha jira.