Wafdi ka socda Golaha Aqalka sare oo maanta gaaray magaaladda Dhuusamareeb

Date:

Dhuusamareeb (SNTV)- Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta  gaaray Maagaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, si ay uga shaqeeyaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana hoggaaminayey oo Guddoomiye u ahaa Sanatar Cabdi Xassan Cawaale Qaad-diid.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhusamareb ayaa waxaa ku soo dhoweeyey Masuuliiin ka tirsan Galmudug Sida Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaana loo gudbiyey Gudaha Magaaladda iyadoo la filayo ina kulamo ay la qaataan Madaxda Galmudug.

Wafdigaan oo ka kooban Sagaal Xubnood ayaa waxay  kala yihiin :-

1)      Cabdi Xassan Cawaale (Qayb-diid)

2)      Jawaahir Axmed Cilmi

3)      Yuusuf Geelle Ugaas

4)      Deeqo Xassan Xuseen

5)      Mustaf Maxamed Qodax

6)      Maxamed Amiin Sheikh Cusmaan

7)      Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere

8)      Abuukar Axxmed Xaashi

9)      Cabdiwaaxid Cilmi Goon-jeex

Golaha Aqalka Sare oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa u istaagay siddii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...