Duqa Muqdisho oo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in la garab istaago Caruurta Agoonta ah

Date:

Muqdisho (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo booqday Xarunta Agoonta Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la garab istaago Agoonta.

Eng. Yarisow ayaa mid mid u gacan qaaday dhammaan caruurta agoonta ah ee ku nool xarunta, waxuna ka waraystay xaalkoodu sida uu yahay iyo waxbarashada ay helaan heerka ay tahay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in agoontu ay u baahanyihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir mar walba diyaar u yahay sidii ay caruurta ku nool Caasimadda, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanaagsan.

“Mamulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay gacan siinta bulshada Caasimadda, gaar ahaan waxaan xil gaar ah iska saaraynaa agoonta oo xiligan u baahan daryeel, gaar ahaan Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo waqti la qaatay caruurta agoonta ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xarunta xanaanaynta caruurta, waxana kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska S/G Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliye ku xigeenka Booliska Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu

1- President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the historic...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kuna...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo guddoomiyay shirka 6aad ee wasiirrada A3 ah

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ADDIS-ABABA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA MADAXDA AFRIKA

Addis ababa, Febaraayo,13, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...