Madaxweyne Waare oo sheegay in laga Heshiiyay Tabashooyinkii Hirshabeelle u qabtay Dowlada Dhexe

Date:

Muqdisho September 19 (SNTV):-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in laga heshiiyay Tabashooyinkii gaarka ahaa ee Hirshabeelle ay u qabtay Dowlada Federaalka, sidaa darteedna ay wada shaqeyn la yeelan doonaan Dowlada dhexe.

Madaxweyne Waare ayaa Dowlada Federaalka ugu baaqay inay ka mira dhaliso wada hadalada xalka loogu raadinayo Tabashooyinka ay qabaan Maamulada hoostaga Dowlada dhexe.

“Dowlada waa inay ka mira dhaliso wada hadalada socda, dhibaatooyinka aan sheeganana ay wax nagala qabtaan, hadii arrimaha jiro ay xaliyaan Maamulada kalena waxay dhihi doonaan Wada hadalka faa’iido ayaa ku jirta”.ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay Madaxweynaha inuu ka gacan geysan doono isu soo dhaweynta Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada si loosoo afjaro isfaham waaga taagan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...