Muqdisho September 19 (SNTV):-kulanย ย looga hadlayay Wadatashiga Siyaasada ilaalinta Bulshada ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho, waxaanaย ย ka qeyb galay wakiilo matalayey
Wadamada deeq bixiyaasha muslimka ย ah, Hayโadaha gaarka loo leeyahay, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururada Bulshada rayidka.
Waxaa barnaamijkaan iska kaashanayay wasaaradaha Shaqada iyo arrimaha bulshada, Gargaarka iyo Wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya, waxaanaย suโaalo la iska weydiinayey habka loo wajahayoย sida dadka danyarta ah ee u nugul dhibaatoyinka looga samata bixin lahaa, looguna sameeyn lahaa maalgelin iyo shaqo abuur.
Mudane Maxamned Yuusuf Ibraahim ku-simaha Safiirka Dowlada Suudan u fadhiyo Soomaaliya ayaa sheegay in dadka danyarta la garab istaago, maadaama lagu guda jira bisha Seko, loogana faaโiideysto kheyrka ku jira.
โWaxaan habboon in dadka dan yarta ah loo gargaaro loogana faaโiideysto inta lagu guda jira bisha Seko, islmarkaana muuhimad gaar ah ay tahay in la caawiyo dadka u nugul dhibaatooyinkaโย Ayuu yiri Danjire Maxamned Yuusuf Ibraahim.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsaย Saciid Xamsa ayaa xusay in Wasaaradda ay ka sheqeyso gargaarka iyo horumarinta dadka barkacayaasha ah, siyaasadda illaalinta bulshadana ay muhiim u tahay dadka barkacayaasha ah.
Saalax Axmed Jaamac Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ay qeyb weyn ku leeyihiin dhaqaalaha soo gala dalka, waxaana lagu qiyaasayaa lacagaha ay usoo diraan Eheladooda ku nool gudaha Dalka ku dhawaad Labo Milyan oo Dollar iyo lacago kabadan.
Sidoo kale intii uu kulanka socday Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa lagu ammaanay shaqooyinka iyo fursadaha ay u abuureen qeybaha kala duwan ee Bulshadooda.
Hayโadaha gar gaarka ee ka howl galo gudaha Dalka ayaa la aaminsanyahay in sanad walba Soomaaliya ay ku bixiyaan lacago farabadan, hase ahaate meelihii loogu talagalay siddii loogu talo galay aan wax loogu qaban, waxaana masโuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ay balan qaadeen in ay ka goโantahay ogaanshaha iyo la socodka ilaalinta siyaasadda Bulshada danta yar.












