Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Kormeeray Xarunta Tababarada General Gordan ee Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed oo ay wehliso Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Marwo Aamina Siciid ayaa Kormeer ku Tagay Xarunta Tababarada General Gordan ee Muqdisho Taas oo Hore Gacanta ay ugu heysay Dowladda Imaaraadka Carabta Balse ay la Wareegtay Dowladda Somaliya.

Wasiirka ayaa Warbixin ka dhageystay Taliska Guutada 14 Octoobar Ee Degan Xaruntaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Saraakiisha u sheegay in Dowlada Federaalka ay ku dadaaleyso sidii ciidammada u heli lahaayeen Tababaro iyo Qalab Casri ah, liyadoo ku guuleysatay inay daboosho howlihii Imaaraadka ka waday xaruntaasi, waana balanqaad uu hore u sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dhanka kale Marwa Aamina Siciid ayaa Xustay in Madaxtooyadu ay kala Shaqeyn doonto Taliska Xaruntaas Bilicda iyo qalabeynta Xarunta.

Ciidammada 14-ka Octoobar ayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose waxay kala wareegeen Argagaxisada Al shabaab, iyagoo burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen Maleeshiyada Al shabaab Weeraro ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...