Goormaa la qabanaya ciyaarta kama dambeysta ah ee degmooyinka Caasimadda?

Date:

Muqdisho (SNTV)- Sebteembar 18, 2018:Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan wadatashi ah oo looga hadlayay mudeynta tartanta Finalka ee Cayaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir kula yeeshay xarunta Dawladda Hoose bahda Cayaaraha heer Gobol iyo heer Qaran.

Kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in habeenka Isniinta ah ee 24-ka bishan la qabto dhammaadka tartanka dhexmari doona degmooyinka Shibis iyo Waaberi oo iyagu isugu soo haray dhammaadka cayaarta.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay qabsoomidda xili habeen ah tartanka cayaaraha Gobolka Banaadir ay muujinayso nabadda iyo dib u soo kabashada Caasimadda.

Sidoo kale, Eng. Yarisow ayaa sheegtay in tartankan si wanaagsan uu ku bilowday ayna rajeynayaan inuu ku soo dhammaado si xamaasad leh, maadaama ay labada degmo ee isugu soo haray ay kamid tahay degmada Waaberi oo horey koobka u qaaday sanadkii hore.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, hadallo ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Xoghayaha Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...