Home Blog Page 1187

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kormeer kutagtay ispitaalka keysaney halkaasoo ay kujiraan dumar isku furmay

0

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur , ayaa sheegtay inay Wasaaraddu ka go’an tahay inay Gacanta ku qabato dhammaan Isbitaalladii uu Dalku lahaa.

Wasiiradda, oo ku guda jirtay kormeer ay ku tagtay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta lagu daweeya Haweenka isku furanka ku dhaco ee  (Fistula Department) ayaa ammaan ballaaran usoo jeedisay howl-wadeennada Isbibaalka, waxanay sheegtay inay dedaal ka geysan doonaan sidii loo tayayn lahaa xarunta.

“Wasaaradda caafimaadka waxaa ka go’an in Isbitaalladii guud ay si buuxda ugu maamusho Ganateeda ugu qabato, kaalmo weynna ay u fidiso, marka waa wax noo wada yaalla, aad baanan ugu faraxsanahay inaan idinla kulmo”, ayay tiri Marwo Fowziyo.

Marwo, Fowziyo ayaa u mahad celisay shaqaalaha Isbitaalka iyo hay’adda Bisha Cas oo door Lixaad leh kasoo qaadatay Dawada, shalabaynta iyo Gacan ku haynta howlaha kala duwan ee Isbitaalka.

Wasiirradda ayaa sidoo kale ka hadashay dhibaatooyinka isku furanka uu ku hayo Gabdhaha Soomaaliyeed, waxanay intaa raacisay inay qorsheynayso sidii dhaqaale lagula tacaalo loogu raadin lahaa.

Waxay sheegtay wasiirraddu inay qorsheynayaan sidii siku furanka loogu heli lahaa ka hortag iyo wacyi gelin ballaaran si loo yareeyo Khatarta naf ahaaneed eeka iman karta xanuunkan, iyadoo intaa raacisay inay inay dhibaatadani inta badan soo wajahdo Gabdhaha da’ada yar.

Wasiir Fowziyo ayaa sheegtay in Gabdhaha bukaanka ah ee la Il daran xanuunkan isku furanka ee ku jira Isbitaalka Keysaneey in ay yihiin kuwo aad u da’ yar, isla markaana ka faquuqmay bulshadii ay la noolaayeen, waxanay ku cel-celisay inay xil iska saari doonto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada haysata.

Guddigii golaha Aqalka sare uu u diray Galmudug oo la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada

0

Muqdisho September 20 (SNTV):-Guddi ka kooban xubnaha Aqalka sare ee kasoo jeeda maamul Goboleedka Galmudug oo dhawaan gaaray Dhuusa-mareeb ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degaannadaas.

Xubnahan oo kulamo gaar-gaar ah la yeeshay Bulshada Galmudug ayaa waxay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha asaasiga ah ee ay qabaan Shacabka halkaa ku dhaqan.

Guddigan ayaa sidoo kale wax garadka ka xog-wareeystay wixii ismaan-dhaaf ah ee halkaasi ka jira iyo sida lagu xallin karo Khilaafaadka gudaha ee ka dhex taagan xubnaha maamulka sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Wafdi ka socda wasaaradda qorsheynta Soomaaliya oo la kulmay wasiirka qorsheynta Dalka Qadar

0

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka qorsheynta, horumarinta iyo Tirakoobka Dalka Qadar Dr, Salah Bin Mohamed, ayaa qaabilay wafdi ka socoda wasaaradda Qorsheynta ,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Somalia oo hadda booqasho ku jooga Dalkaasi Qadar.

Kulankaasi dhex maray Labada geesood ayaa waxa ay iskula soo qaadeen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga Labada Dal iyo qorshaha Soomaaliya ee Sanadka 2040, iyo sidii ay Soomaaliya uga faaii’deysaan lahayd waaya aragnimada Qadar ee ku wajahan israaraatiijiyadda xoogagga dhanka arrimaha Bulshada.

Wafdiga ka socda Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ayaa sharraxaad ka dhageystay dhiggooda Dalka Qadar barnaamijyada horumarinta Dalkaasi iyo habka fulinta Qorshayaasha Wasaaradaha iyo ka gudubka caqabadaha hor yaalla.

Wasiirka waxbarashada Xukuumada Soomaaliya oo Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan hay’addaha deeq bixiyaasha

0

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya  mudane Cabdulahi Goodax Barre, ayaa magaalada Nairobi kulamo kala duwan kula qaatay xubno ka socda hay’addaha deeq bixiyaasha.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulanka hore la qaatay Mr. Kevin Smith, Ms. Rina Dhalal iyo Dr. Iiman Yarow, oo ka socda hay’adda USAID, waxana ay ka wada hadleen , sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo sidii looga midho dhalin lahaa mashaariicda waxbarashada.

“ Waxaan kulan la qaatay Mr. Kevin Smith, Ms. Rina Dhalal iyo Dr. Iiman Yarow, oo ka socda hay’adda USAID, waxaan ka wada hadalnay, sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo sidii looga midho dhalin lahaa mashaariicda waxbarashada,waxaan si gaar ah uga wada hadalnay mashruuc waxbarasho oo ku saabsan xoolo dhaqatada iyo meelaha miyiga ah kana socda gobolada sida Gedo, Bay iyo Bakool oo ay maalgalisay USAID ayna hirgelinayso UNICEF, mashruucan oo  ah  mid tijaabo ah  ayaan qorsheyneynaa inaan ka hirgelino gobollada dalka”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa  sheegay in bisha October magaalada Muqdisho lagu qaban doono shir  lagu lafa guri doono waxqabadka iyo waxa uu soo kordhiyey mashruuca tijaabada ah ee hirgelinta waxbarashada xoolo dhaqatada iyo reer miyiga, kadibna laga fuliyo dhamaan gobolada dalka.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa kulmay  Phuong T Nguyen oo ah madaxa qaybta waxbarashada UNICEF  ee Soomaaliya, waxana ay ka wada arinsadeen , mashaariicda UNICEF kala shaqeyso dowladda.

“Waxaan la kulmay Phuong T Nguyen oo ah madaxa qaybta waxbarashada UNICEF Soomaaliya, waxaan  ka arinsanay, mashaariicda UNICEF kala shaqeyso dowladda,sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimo ku saabsan warmurtiyeedkii shirkii Brussels lagu qabtay ee golaha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) July 16 -17, Iyadoo lagu go’aamiyay in bisha November ee sanadka la qabto shir looga hadlayo waxbarashada Soomaaliya, waxaan isla garanay in wasaaradda waxbarashada iyo UNICEF inay u diyaar garooban shirkan ka faa’ideystan fursadaha jira” ayuu yiri Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Nairobi kulamo kula qaatay xubno ka socda Bangiga Adduunka kuwaasoo uu hogaaminayay Mr, John Randa ku simaha u qeybsanaha Banka Adduunka ee Soomaaliya iyo madaxda mashariicda Geoff Handley, waxana labada dhinac ka wada hadleen fulinta mashaariicda waxbarashada.

“Waxaa sidoo kale Nairobi kula kulmay xubno ka socda Bangiga Adduunka oo uu hogaaminayo Mr, John Randa ku simaha u qeybsanaha Banka Adduunka ee Soomaaliya iyo madaxda mashariicda Geoff Handley, waxaan ka wada hadalnay, Mashruuca RCRFka oo ka taageera dawlada dhanka mushaarka shaqaalaha dawlada sidoo kalana waxbarashada iyo caafimaadka ka taageera dhanka bixinta gunooyin macalimiinta iyo xirfadle yaasha caafimadka,mashruucan waxa uu taageeraa in kabadan 2,000 oo macalin oo ku kala sugan Puntland, 300 ,Jubaland, 300 Banaadir iyo 900 oo kale oo u qorshaysan sadexda dawlad goboleed ee kale, sidoo kale waxa uu ka shaqayn doonaa taakulaynta gunada macalinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mushaarkooda iyada oo macalimiinta la qiimeyn doono,  iyo dhanka xogta waxbarashada sidii loo hagaajin lahaa”ayuu intaasi raaciyay wasiir Goodax.

Ugu dambeyn  Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa la kulmay madax ka tirsan hay’adda VCT  oo GPE da u qaabilsan dhanka gabadha Soomaaliya Ms. Josephine Lutta Kiyenje iyada oo ku sugan Washington DC, kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda  midowga yurub iyo USAID.

“Waxaan la kulmay  madax ka tirsan hay’adda VCT  oo GPE da u qaabilsan dhanka gabadha Soomaaliya Ms. Josephine Lutta Kiyenje iyada oo ku sugan Washington DC, kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda  midowga yurub iyo USAID,arrimaha aan xooga saarnay waxaa ka mid ah  Halka uu marayo fulinta mashruuca GPE ga oo dhan USD 17.9 million, Fulinta mashruuca oo bilaabatay bishan September 2018-ka waxana uu ku eegyahay September 2021, waxaa la samayn doonaa daahfur balaaran bisha Octoober oo lagu qaban doono Muqdisho kana soo qayb gali doonaan wufuud ka socota GPE, Midowga Yurub, USAID iyo Dowlada heerarkeeda kala duwan”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay qaabka looga faaiidaysanayo qoondada cusub ee GPE ga oo dhan USD 27.9 million, wasiirka waxbarashada ayaa u  sheegay xubnaha deeq bixiyaasha in wasaaradda ay dadaal ugu jirto sidii ahmiyadda koowad loo siin lahaa waxbarashada islamarkana  la kordhiyo miisaaniyada dowlada ee dhanka waxbarashada lana gaarsiin doon inta udhaxaysa 7% ilaa 10% sandka 2019-ka.

Ciidamada ammaanka oo Gacanta kusoo dhigay Laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

0

Muqdisho September 20 (SNTV):-Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay Labo xubnood oo ka tirsanaa amniyaadka kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku dhuumaalaysanayeen qaybo ka mid ah Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxay ku sheegtay inay Ciidamada ammaanku soo qabteen shaqsiyaadkan markii ay heleen xog ku aaddan xubnahan la qabtay.

Howlgalka lagu soo qabanayay Labadan xubnood ee ka tirsan kooxda nabad-diidka Al-Shabaab ayaa ahaa mid qorsheysan, kaas oo aysan cidina wax ku noqon, waxanay hay’addu fartay Bulsho weynta Soomaaliyeed inay ku Garab istaagaan difaaca Shacabka.

“ciidamada amniga ayaa Labo shakhsi oo amniyaat-ka Al-shabaab ah kasoo qabtay Degmada Dharkeynleey ee Magaalada Muqdusho, howl-galka cidi wax kuma noqon, Nagu Garab istaaga si aan u difaacno dhammaan shacabkeenna.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa indhawaalaba ku howlanaa sidii ay u Laba laabi lahaayeen sugidda ammaanka Dalka, iyagoo Bulshada qaybaheeda kala duwanna ku boorrinayo inay Garab istaagaan layskana kaashado cadawga Ummadda iyo Qarannimada Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale

0

Muqdisho September 20 (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed  ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa Safiirka Dawladda Talyaaniga u Fadhiya Soomaliya oo uu wehliyo u qeybsanaha  Arrimaha Ciiidamada Ee Safaarada Talyaaniga oo Dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga Soo Magacowday .

kulanka Waxaa looga Hadlay arrimo la Xiriira Iskaashiga Milatari ee ka Dhexeeya Dawladaha Soomaaliya iyoTalyaaniga.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Ayaa uga mahad celiyay Kaalintii ay ka qaadatay Dowladda Talyaaniga Dib-u-howlgalinta Isbitaalka Xoogga  iyo ka qeyb qaadashada dib  udhiska Ciidanka Xoogga dalka.

Dhanka kale Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in uu muuqdo qorsheyaal dib loogu dhisayo Ciidanka Xoogga dalka oo ay wado dawladda Soomaaliya, isaggoo xusay in dhankooda ay ka qeyb qaadanayaa dib udhiskaasi iyo horumarada kale ee Soomaaliya ka socda.

Taliyaha Booliska oo sheegay in lasoo qabtay Afar qof oo ku eedeysan dilka Gabadhii Ardayada aheyd

0

Muqdisho (SNTV)- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay Ciidamada ammaanka in gacanta ay kusoo dhigeen Afar qof oo u eedeysan dilka Deeqo Daahir Cali oo aheyd Ardayad sagaalsano jir ah, islamarkaana dhiganeysay Iskuulka Hoyga Xamar ee magaaladda Muqdisho.

Taliyaha ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkaan ku eedeysan dilka Deeqo baaris lagu sameynayo si Maxkamad loo soo taago, lagana abaal marin doono dambiga ay geeysteen, isaggoo carabaabay in marnaba aysan oggolaan doonin in lagu xad gudbo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa sidoo kale sheegay inay dhammaatay in shacabka la dilo, lagana cararo, waxaana uu xusay in dhowaan Maxkamadda ay ku hubsan doonaan eedeesanayaashan.

“Shalay maanta maahan, Waxbaan dilayaa waan cararayaa ma soconeyso, waxaan soo qabanay Afar qof oo ku eedeysan dambigaasi, waxaana dooneynaa in aan maxkamad hortaagno, marnaba uma dulqaadaneyno in qori lagu gaday canshuurta Shacabka lagu laayo Ummadda Soomaaliyeed, Insha allah kuwii falkaan geeystay waa laga jeeseynayaa  dambiga ay galeyn” ayuu yiri Gen. Bashiir

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo soo gabogabeeyey doodii ku saabsaneyd Xaaladda Amni ee dalka

0

Muqdisho (SNTV), Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay doodii ku saabsaneyd xaalada amni ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

Kulanka waxa shir guddoominaayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey), iyaddoo ay soo xaadireen 150 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in talooyinkii ay soo gudbiyeen Xildhibaanada loo gudbinayo guddiga amniga iyo guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye Mursal ayaa labada guddi faray iney la wareegaan oo ay ka soo shaqeeyaan arrimahaan ku saabsan amniga ee Xildhibaanada ay ka doodayeen labadii maalin ee la soo dhaafay.

 

Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland oo kulan la qaatay Wafdigii ka socday Golaha Aqalka sare

0

Garowe (SNTV)– Madaxweyne ku-xggeenka dawlad goboleedka Puntland mudane C/xakiin Cabdullaahi Cumar oo maanta Qado sharaf u sameeyey  Xubnaha ka socda Golaha Aqalka sare ee ku sugan magaaladda Garowe, ayaa xubnahaasi kala sheekeystay Xaaladda dalka iyo shaqadii ay u tageen halkaasi sida ay u socoto.

Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo xubnaha Golaha Aqalka sare ka socda ee magaaladda Garowe u tagay xal u helida kala aragti duwanaanshiyaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Mudane C/xakiin Cameey Madaxweyne ku-xiggeenka Dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa Xubnaha Golaha Aqalka sare ka socday ku booriyey inaysan ka daalin howsha ay bilaabeen ee ah dhamistirka xalinta is afgaran waaga jira.

“Xubnihiina  Golaha Aqalka Sare ee BFS  ee gaaray dowlad goboleedyada haka daalina in aad howshan Dhamaystirtaan meelaha qaar adeeg waad kala kulmaysaan balse muujiya dhabar adeeg si waxa jira aad u Xalisaan” ayuu yiri Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland

Xubnaha Ka socday Golaha Aqalka Sare ayaa bilaabay Diyaarinta Qoraalka Xog Uruurinta Kulamadii Kala duwnaa ee ay La yeesheen Madaxda Puntland iyo qeybaha kala gedisan ee bulshadda.

Shir looga hadlayay tayo dhowrka kalluunka Soomaaliya laga dhoofiyo oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho (SNTV)- Shirkan oo looga hadlayay tayada qeyraadka badda sida Kalluunka,loona iibgeeyo caalamka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya,shirkadah kalluunka ee dalka iyo madaxda shirkadda SGS oo ah shirkadda caalamiga ah ee bixisa shahaadooyinka sahlaya in kaluunka o tayaysan loogu iibgeyn karto caalamka intiisa kale iyo madaxda barnaamijka Gee loo ah isku xirka arrimahani.

Abdi Cali Gabeyre oo ah guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo kahadlay kulankaasi oo la isku dhafasaday afkaar ku aadan tayada kaluunka Soomaaliya ayaa faah faahiyay ahmiyadda ay arrintaasi leedahay.

“Waan u mahadcelinayna dadkii ka soo shaqeeyey qorshahan oo ah mid aad u muhiimsan,waxayna naga caawinayaan Geel iyo SGS dhinacyada Beeraha,xoolaha Khyaraadka badda,hadda waxyaabah ugu sahlan Soomaaliya waa ka ganacsiga Kalluunka,marka waa muhiim tayo dhowrka kaluunka si loogu iibgeeyo wadamada caalamka maadaama aqoonsi ahaan aad baahi loogu qabay”. Ayuu yiri Gabeyre.

Alberto stockel oo ah mas’uul sare oo ka socday shirkadda Caalamiga SGS oo bixisa aqoonsiga tayo dhowrka kaluunka ayaa dhankiisa ka hadlay hadafka ay ka leeyihiin shirkan,waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay ka caawiyaan tayo dhowrka khyaraadka badda gaar ahaan kalluunka ayna qaabilsan yihiin tayo dhowrka,waxaana uu xusay in ay ka howlgalaan in kabadan 100 dal oo caalamka ka mid ah.

Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Abshirow oo furay shirkaasi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii wax soo saarka dalka loo horumarin lahaa.

Mudane C/llaahi Abshirow ayaa sidoo kale ku tilmaamay barnaamijka lagu xaqiijinayo tayo dhowrka kalluunka Soomaaliya,taasi oo sahlaysa in si fudud kalluunka Soomaaliya loogu iib geeyo caalamka,ayna qeyb ka tahay horumarka dhaqaale ee dalka.