Home Blog Page 1187

Dhaxal sugaha Sacuudiga oo booqanaya dalalka Uk iyo Mareeykanka

Prince Muxamed Ben Salman, oo booqashadiisa ay qaadan doonto muddo 3-esho ah ayaa la kulamo la qaadanaya madax kala duwan ee dowladda Masar, isagoo ukicitimi doona dalka UK kahor inta uusan tagin magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kusoo afjari doono socdaalkiisa dibadda.

Booqashada Muxamed Ben Salman ayaa timid maalin kadib markii maxkamadda Masar ay ayidday heshiiska ay Sucuudiga kula wareegayaan labo jasiiradood oo kuyaala badda cas.

Heshiiskan ayaa lagu dhawaaqay mar Boqor Salmaan Ben Cabdel-Casiis Al-Sacuud uu booqasho ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, bishii April ee sanadkii 2016-kii, halkaasi oo uu Boqorka Sucuudiga kaga dhawaaqay heshiiskan oo ku kacaya lacago balaayiin doolar ah, waxaana uu heshiisku isagu jiraa mid maalgashi ah iyo qafiifinta deeymaha lagu leeyahay dalka Masar.

Waa markii ugu horreeysay ee uu Amiir Muxamed Ben Salman Ben Cabdel-Casiis socdaal howleed ku tago dibaddaha taniyo markii loo magacaabay xafiiska ugu awoodda badan bishii June ee sanadkii 2017-kii.

shir looga hadlaayo arimaha barakacyaasha oo muqdisho ka furmey

0

Shirkan wadatashi oo looga hadlayo Arrimaha Barakacaayaasha iyo Qaxootiga Soo laabtay ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah,Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Saadaq C/llaahi Cabdi iyo Xubno ka socda Ururada Bulshada rayid.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa sidii wax loogu qaban lahaa Dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku soo laabanaya magaalada Muqdisho iyo sidii xuquudooda saxda ah u heli lahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow), oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii loo garab istaagi lahaa dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Muqdisho kuna heli lahaayeen xuquuda ay leeyihiin.

“Maamulka Gobalka Benaadir, isagoo ka duulaya masuuliyadda ka saaran dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay deegaanadoodii, wuxuu maanta qabtay shir looga tashanayo mustaqbalkooda, maadaama qorshuhu yahay in barakacayaasha Muqdisho sanadka 2020 xal waara loo helo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada iney ka qeybtaan qaataan sidii dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabanaya wax loogu qaban lahaa.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Eng: Saadaq C/llaahi Cabdi oo shirka ka hadlay ayaa Yiri” “Waxaan masuuliyadeeda qaadana doonnaa sidii aan uga shaqeyn laheen qiimeynta dib u dejinta, shuruucda dhulalka ay degi lahaayeen (Land Policy) iyo wixii shaqo ah oo Wasaaradeeda kaga soo aada arimaha barakacayaasha”

Sidoo kale,Wasiirka Ku-xigeenka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse oo shirka ka furmay Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay iney dadka Barakacayaasha ee ku jira Xerooyinka ay u nugul yihiin dhibanayaal,mararka qaarkood iyaga is dhibaateeya,madama u sahlan tahay iney dibada u baxaan iyagoo aan is difaaci Karin.

Maamul Gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira sidii loo maareyn lahaa Barakacayaaasha ku sugan magaalada Muqdisho iyo Qaxootiga dib u soo laabanaya una heli lahaayeen dib u dejin iyo adeegyada asaasiga ah ee nolosha lama huraanka u ah.

Gurmad Qaran oo soo gabagabeeyay howlahii caawinta dhaawacyadii Qaraxii Soobe

Munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay in la soo gabagabeeyay howlihii Gurmadka ahaa ee uu waday Guddiga Gurmad Qaran ee Qaraxii Soobe, kaasi oo lagu caawinayay dadkii uu saameeyay qaraxii 14kii October ee 2017, Kooxaha Argagixisada ay ka fuliyeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gurmadka Qaran C/llaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay iney dadaal dheer ku bixiyeen dhibanayaasha Qaraxii Soobe,wuxuuna sidoo kale sheegay iney aad uga taxadareen sidii loo gaari lahaa dhammaan dadkii Waxyeelada soo gaartay isagana illaalin lahaayeen in dad kale oo dhibanayaal ahayn ku soo dhex dhuuman.

“ Waxa ugu muhiimsan oo horta aan qabanay waxaa waaye dad gaaraya 1,357-Qof  ayaan gaarnay oo aan isleeyahay waa tiradii ugu badneyd oo dadka dhibaatada gaartay ah,waxaan kale oo aan u gargaarnay dad kale oo shaqo abuur loo sameeyay oo iyagana gaaraya 234-Qof oo ganacsatada yar yarka iyo warantada u badan,Qoysas aad u liitana oo labaatameeyo ku dhow iyagana shaqo abuur ayaan u sameynay si carruurtooda biil u hesho,waxaynu tira koobnay dadkaasi aan kuu sheegayo oo noogu kala qeybsan siyaabooyin kala duwan Agoon,dhaawac,dhimasho iyo dad shaqo abuur u baahan ayaan sameynay,” ayuu Yiri Guddoomiyaha Gurmad Qaran C/llaahi Maxamed Shirwac.

Sidoo kale,Guddoomiye shirwac ayaa sheegay in shaqada ugu muhiimsan ay qabteen ahayd iney u dhaxeeyeen dadka Soomaaliyeed ee deeqda soo dhiibay iyo dadkii u baahnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay iney Guddiga Gurmad Qaran ay ku ammaanan yihiin sida xilkasnimada leh ay uga soo baxeen mas’uuliyadii cusleyd ee la saaray.

“ Waxay na tuseen Guddiga iney yihiin dad ammaana leh,shacabka Soomaaliyeed waxay u dhiibteena ku soo celiyay shacabkii,natusay sidii deeqihii soo gaaray u bixiyeen,kana waa Soomaali oo iney aamin tahay awalba waa la ogaa laakiin hadda xaqiiqo ayay noqotay,waxaana si gaar ah ugu mahad celineynaa Guddiga ammaanadaasi ay gaarka iska saareen,waxaana ugu mahad celineynaa sida quruxda iyo kalsoonida ku jirya ay ummada ugu celiyeen” ayuu Yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ku simaha Ra’iisal wasaaraha dalka ahna Ra’iisal wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka hadlay Arrinta gurmadka ayaa sheegay iney ahayd howl culus una baahan in si daacadnimo ku dheehan tahay loo guto,islamarkaana si waafi ah ummada Khasaaraha ka soo gaaray Qaraxii Soobe si siman wax loo wada gaarsiiyo.

“ Markii ay dhacdadaasi dhacday madaxweynaha shir buu isugu yeeray deg deg ah oo amni iyo Gurmad intaba wuxuuna Xukuumadda faray oo uu hormuud u yahay Ra’iisal wasaaruhu in wax loo qabto Shacabka Soomaaliyeed ee wax ku noqday dhacdadii 14-kii October,waad ogeydeen gurmadkii caafimaadka ee dhaawaca wadamada saaxiibada nahay aan uga mahad celineyno Turkiga,Jabuuti,Kenya,Qadar iyo imaaraadka inoo soo gurmaday oo aan dhaawacii u daad gureynay,daawooyin iyo xirfadlayaal caafimaad inagula soo gurmaday,taasi oo ay dheertahay markii shacab weynaha Soomaaliya isu tashaday in dibad iyo gudaha la isu gurmado,qiiradii dhalinyarada Soomaaliyeed ee maalin kasta shaqeyneysay iyo culimada oo aan ku aaminay oo gacan aamina ah wixii la uruurinayo maadama culimadeena ay yihiin,” ayuu Munaasadda ka sheegay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Ugu danbeyntii,Waxaa munaasabada lagu soo gabagabeynayay Howlihii Gurmadka Qaran ee Qaraxii Soobe ayaa waxaa soo xiray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,wuxuuna marka hore u mahad celiyay Xubnaha Guddiga oo uu sheegay iney howl wanaagsan ummada Soomaaliyeed  u soo qabteen.

Guddooniyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa yiri“ Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Guddiga Gurmadka Masiibadii 14kii October ee caawa halkaan nala jooga ayaan aad iyo ada ugu mahad celinayaa,shaqo fiican bey ummadda Soomaaliyeed u qabteen Illaahey Abaal haka siiyo shirka waa inoo xiran yahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin,”

Dhammaan dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ka fulisay Isgoyska Soobe 14kii October ee sanadkii 2017dii,ayaa ka mahad celiyay deeqda la gaarsiyay,waxayna sheegeen in loo muujiyay walaalnimo iyo garab istaagi aan hagar lahayn.

Somalia and Turkey sign agreement to rebuild water reservoir in Middle Shabelle region.

0

Turkey and Somalia on Sunday signed an agreement to reconstruct storage reservoir in Middle Shabelle region.

The project which will be implemented Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) aims to rebuild the Jowhar Off-Stream Storage Reservoir which will be used for irrigation and flood management.

Somalia’s minister of Agriculture, Saeed Hussein said the deal will help Somalia in the agricultural production.

“This landmark pact will help the farmers in their productions by providing adequate water for irrigation. The project will also manage to reduce the floods,” Hussein said.

The TIKA coordinator, Gilib Yilmaz who spoke at the signing ceremony which took place in Somali capital, Mogadishu said the project will focus on the rehabilitation of the reservoir which colloects water for future use.

” This project will deal with reconstruction of reservoir to collect the water from River Shabelle for irrigation when the level of river water decreases, it will easy for the formers to continue the production. This will help Somalia to increase the farm production,” Yilmaz said.

Turkish Ambassador to Somalia, Olgan Baker, who attended the signing ceremony said his country is commited to support Somalia and its people.

” Turkey plans to complete the implementation of several development projects in Somalia  before the end of this year,” Bekar pledged.

Somali deputy prime minister, Mahdi Mohamed  Guled who also witnessed the signing of the deal said the nation will benifit from reconstruction of Hawaadley and Sabuni reservoirs.

” The project will inject the nation over ten beneficial programmes including increasing food production which lowers food shortages and the hunger,  availability of adequate water for irrigation, flood management and exportation of the country’s farm products,” Guled explained.

Somalia and Turkey have signed several deals including trade, agricultural, education and among others.

Last Month, Turkish delegation led by ambassador Baker had toured Somalia’s southern regional state, Jubbaland for assessment ahead of Turkey’s investment in Jubbaland.

The ambassador and delegation who visited Goobweyn town had pledged to implement development projects in the town which is famous fish and farm products

Maamulka hirshabelle oo hub ku wareejiyey ciidamada Amisom

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku wareejiyay hub ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka soo badbaadiyeen weerar gaadmo ah oo Jimcihii aynu ka soo gudubnay Al-Shabaab ku qaadeen lagu qaadeen kolonyo saad u sidey ciidamada AMISOM duleedka magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Munaasabad lagu qabtay maanta Madaxtooyada Maamulka Hirshabelle ayuu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare u mahadceliyay qaar kamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya oo gurmad u fidiyay ciidamo ka tirsan AMISOM oo jimcihii aynu ka soo gudubnay lagu weeraray duleedka degmada Balcad.

Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay taliyaha ciidamada booliska Hirshabelle Cornel Xasan Dhicisow waxana uu sheegay in gurmad ay sameeyeen ciidamada booliska iyo kuwa Milatarigaba ay ka soo qabteen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaan ugu tagnay iyadoo ciidamadii Alshabaab ay joogaan goobtii dagaalku ka dhacay,waxaan ka soo badbaadinay qaar ka mid ah qoryihii ku xirnaa hubka ay AMISOM wateen,ciidamo go’odoomay”ayuu yiri taliye Xasan Dhicisow.

Munaasabadan ayaa lagu wareejiyay saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM labo qori oo noocoodu yahay Dhashiike oo laga soo furay gaadiid tikniko ah oo lagu gubay duleedka Balcad, waxana ay saraakiisha ciidamada AMISOM u mahadceliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Waxaan halkan aan u joogaa in aan dib ula wareegno hub lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen walaalaheena.”ayuu yiri sarkaalka u sareeya ciidamada AMISOM ee ka howlgala dowlad goboleedka Hirshabelle.

“Tan waxa ay cadeyn u tahay in aan iskaashanayno oo aan si wadajir ah oo walaatinimo leh aad inoola shaqeyneysaan.”ayuu sii raaciyay sarkaalkan.

Madaxweyne Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ciidamada gurmadka fidiyay ay ahaayeen kuwo muujiyay geesinimo isla markaana maamulka uu abaalmarinayo.

“Sharafta iyo geesinimada aad muujiseen kuwii gurmaday iyo kuwii taakuleeyay intaba waa mid muujineysa Wadaninimo iyo Soomaalinimo.”ayuu yiri Madaxweyne Waare oo ka hadlayay munaasabad lagu wareejinayay hub ay ciidamada dowlada federalka ka soo badbaadiyeen weerar ay ku qaadeen kolonyo saad u sidey ciidamada AMISOM duleedka magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Munaasabadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,wasiiro,xildhibaano iyo maamulka gobolka Sh/dhexe.

Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab waxaa ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ay ilaalinayeen ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaasoo saad u sidey ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Jowhar.

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo hormarineed

Munaasabadan oo  ku saabsaneyd mid Mashaariic  horumarineed ay  ku kala  saxixanayeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hay”adda  Horumarinta dalka Turkiga ee  TiKA ayaa   ujeedada tahay  wax ka qabadashada biya xireenada wabiga shabeelle, Saabuuni  iyo keydka  Biyaha Xawaadleey,waxaana goobjoog ka ahaa Ku simaha Ra”iisul Wasaaraha ahna Ra”iisul Wasaare Ku_xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Ganacstada beeraleyda dalka,Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo  Madaxda Hay’adda TIKA.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid  ayaa  muhiimada uu leeyahay heshiiskan faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in mashruucaan faa’ido weyn u yeelan doono Beeraleyda,wuxuuna biyo ku filan siin doonaa dhul ku dhow boqol kun oo Hectar.

Sidoo kale,Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Heshiiskaan uu wax badan ka tari doono Fatahaada uu sameeyo Wabiga,islamarkaana dhibaato geystay dhul beereed iyo sidoo kale deegaano badan oo dad degan yihiin.

Isku xiraha Hay”adda TIKA Galib Yilmaz ayaa sheegay in mashaaricdan horumarineed  ay  ka shaqeyn doonann sidii wax looga qaban lahaa biyaha xireenka Wabiga shabeele iyo keydka biyaha, wuxuuna saxiixa maanta wada gaarnay Wasaaradda Beeraha Dowladda soomaaliya muhiimad siinayaa horumarka  wax soo saarka Soomaaliya.

Safiirka dalka Turkiga  Soomaaliya  olgan Baker  oo munaasbada ka hadlay ayaa waxuu tilmaayay in ay dowladda Turkiga ay  go’an tahay gacansiinta shacabka Somaaliyeed iyo Dowladda.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Olgan Bakar iney rajeynayaan in sanad gudihiisa mashruucani ku soo dhamaado.

Ra’iisal Wasaare ku_xigeenka dalka ahna ku_simaha  Ra”iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuled (khaddar).  Wuxuu sheegay hadii uu hirgalo mashruucaan in 10 qodob oo muhiim ah dalka in uu wax ka qaban doona.

Wuxuu Sheegay ku simaha Ra’iisal wasaaraha ahna Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), in ugu yaraan 10-sheey oo 8-ka mid ah uu xusi doono laga faa’idi doono Biyo Xireenkaa Saabuuni iyo Keydka Biyaha Xawaadley.

  1. In Wax soo saarka dalka Kordho lana yareeyo Cunada yarida iyo Gaajada.
  2.  Helitaanka Biyo joogta ah Waraab ha noqoto ama Xoolaha oo ka faa’idaya ha noqoto.
  3.  in la maareeyo Fatahaada Wabiga marka uu soo jabo baabi’inaya Beerihii dalagii,gurihii u gudbaya baa’i’inaya isku socodkii kala xiraya,taa iyana wax badan ayay ka tareysaa.
  4. dhaqaalihii baa korayaa marka ay beeraha soo go’aan, shaqaa abuuranta ee wax soo saarkii kordho.
  5. Dhoofkii baa iyana oo wax soo saarka aanu soo saarno suuqooda inuu furaan kala hadalnay ayay wax badan ka tareysaa.

Heshiiskan ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaa  heshiisyo noocan oo kale ah oo Wasaaradda Beeraha dalka ay hore ula soo  gashay dalal dhowr ah oo ay ka mid yahiin Masar, Suudan iyo Turkiga wuxuuna dhamaantood ay qeexayaan sidii  loo horumarin lahaa Beerlayada Somaaliyeed iyo kobcinta  wax soo saarka dalkeeena.

Al Shabaab Bomb target diffused before exploding.

0

Puntland Security Forces (PSF) destroyed four roadside bombs in Galgala Mountains. The roadside bombs planted by the Islamist Al-Shabaab militants were targeting convoy of the security forces or security mobile patrols vehicle.

In the statement, PSF bomb team said they successfully defused the bombs that were planted on a road in the Bali-khadar area of Galgala Mountains, where Puntland forces are battling Al-Shabab militants.

The Al-Qaeda branch in Somalia has resulted to planting of roadside bombs on military supply routes targeting government forces and AMISOM troops.

In December 2017, Puntland bomb expert, Colonel Osman Abshir Omar was killed while trying to defuse a roadside bomb in Galgala Mountains; Al-Shabab militant claimed the responsibility for the attack.

Maxaabiistii laga soo daayay Dalka India oo soo gaarey magallada Muqdisho

0

Maxaabiistan oo maanta laga soo dejiyay Goraanka Aadan Cadde ayaa tiradooda gaareysa ilaa 76,kuwaasi oo laga soo daayay xabsiyada Dalka India oo ay ku jireen in muddo ah .

R/wasaare ku-xigeenka Dalka ahna kusimaha R/wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Cadaaladda  ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

Maxaabiistani Soomaaliyeed ayaa markii ay ka soo degeen Garoonka waxaa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay yimaadaan dhulkooda Hooyo,iyagoo uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya dadaalka ay u gashay siideynta muwaadiniinteeda oo ku xir-xiran xabsiyada caalamka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare kuxigenka Dalka oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay yihiin maxaabiistan tiradii ugu dambeysay ee Ku harsaneyd Hindiya,wuxuu xusay in guud ahaan 120 ay ahaayeen,horey waxaa loo soo daayay 41 qof,3 kalena ay xabsiyada ku geeriyoodeen,76-na maanta la keenay,sidaasina ay noqonayso in gebi ahaanba maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirtay Xabsiyada Dalkaasi la soo daayay.

Dhawaan ayaa xabsiyada kuyaalla dalka Liibiya waxaa laga soo daayay maxaabiis farabadan oo Soomaali ah,kuwaasi oo gacanta ugu jiray kooxaha looyaqaanno Magafayaasha Dalkaasi, oo dhibaatooyin u geysta dadka Tahriibayaasha ah.

Dowladdad Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii guud ahaan loo soo dayn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan ugu kala xiran xabsiyo kuyaal wadamada Caalamka.

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo kulan la qaatey odeyaasha dhaqanka

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay horumarka iyo amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka Gobolka sida ay ugu taaganyihiin horumarinta iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoona u ballan qaaday in tallooyinka iyo qorsheyaasha horumarineed ee ay soo bandhigeen Maamulka Gobolku uu siin doono mudnaan iyo tix-gelin.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Shirkadaha gaarka loo leeyahy iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay kaalin mug leh ka qaataan dhisidda iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdisho maadaama ay muhiim u tahay bilicda caasimadda, sidoo kalena goobaha laga hirgeliyo jidadka laamiga ah ay ka abuurmeen fursado shaqo iyo dhaq dhaqaaq ganacsi oo mug weyn.

“In Laamiga aan gaarsiinno isgooyska Fagax iyo Xaawo Casir waan balan qaadnay anaga oo isku tashanayna dhawaan ayaana dhagax dhigi doonaa, balse qorshahaan iyo qorsheyaasha kale waxa ay u baahanyihiin in bulshadu kaalintooda ka qaataan, dibna aan u soo nooleyno isku tashigii ay ku tilmaamnaayeen shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Guddoomaha oo la hadlayey odayaasha dhaqanka.

Odayaasha dhaqanka oo dhankooda uga mahad celiyey Maamulka Gobolka sida wanaagsan ee loo tixgeliyey soo jeedintooda, ayaa ballan qaaday in kaalin muhiim ah ay ka qaadan doonaan sidii looga mira dhalin lahaa dadaallada isku tashiga ah ee lagu hormarinayo Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa ka guddoomay odayaasha dhaqanka codsi ay soo gudbiyeen bulshada ku dhaqan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa kaas oo ku saabsanaa in loo hirgeliyo dayac tirka laamiyada mara isgoyska Fagaxda iyo deegaanka Caawo Casir, iyadoona bulshadu ay soo bandhigeen in ay kaalintooda ka qaadanyaan.

Wasaaradda Howlaha Guud oo ka qeyb qaadaneysa Bilicda Xarunta Tababarada Ciidanka Xoogga ee Turky-Som

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo  dib u Dhiska Xukumadda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Shaqalaha Wasaaradda Howlaha Guud ayaa iska kaashaday ka qeyb qaadashada hagaajinta iyo ka shaqeynta bilicda xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Xogga ee Turk-Som,  iyaagona gaarsiyey caro loogu tala galay beeridda dhirta.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukumadda Soomaaliya Eng Saadaq Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay iney caraddaan tahay mid ay baahi u qabeen islmarkaana madaxda Dugsiga ay ay ka codsadeen iney ka caawiyaan, si kor loogu qaado  hagaajinta iyo bilicda Dugsiga oo ah xarun ay wax ku bartaan ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney kaalin muuqata ka qaataan sidii  bilicda dugsiga loo tayeyn lahaa maadaama dowlada Turkiga ay qeyb weyn mar walibo ka qaataan hormarka dalka.