Home Blog Page 1150

Xukuumadda FS oo soo dhoweeysay baaritaanka ay ku dhowaaqday Xeer ilaalinta guud Sacuudiga ee ku aadan dilkii Jamaal Khashoggi.

0

Muqdisho (SNTV);- Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweyay baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda Sacuudiga,kaasi oo ku aadan arrinta wariyihii lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leedahay dalka Turkiga ee Jamal Khashoggi.

       Halkaan Hoose Ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay soo dhoweyneysaa baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaas oo lagu xog-wareystay dadka u xirxiran dilka muwaadinka Sucuudiga Jamal Khashoggi.

Soomaaliya waxa ay u aragtaa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan si daaha looga qaado xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan xaaladaha kiiska.

Maamulka Gobolka Banaadir oo dardargeliyey Ololaha Isxilqaan ee Matxafka Qaranka

0

Muqdisho November 17 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta ka qeybgalay dardargelinta Ololaha Is-xilqaanka ee Matxafka Qaranka.

Matxafka Qaranka ayaa dhowaan laga saaray dad shacab ah oo muddo daganaa, iyadoo uu kamid yahay goobaha lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo boqolaal shacab iyo shaqaalaha D/Hoose kula hadlay goobta uu ololahu ka socday ayaa bulshada ugu baaqay in gacmahooda ay ku dhistaan dalkooda, isagoo uga mahadceliyey isu-soo baxan lagu nadiifinayo dibna loogu dhisayo goobtan taariikhiga ah.

Eng. Yarisow ayaa ku ammaanay shacabkii horey u daganaa Matxafka Qaranka sida ay ugu dhego-nuglaadeen baaqii loo jeediyey, isla markaana ku banneeyey waqtigii lagu hashiiyey si dib u dhis loogu bilaabo.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay cid walba oo degan hantida danta guud in ay banneeyaan si dib loogu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

“Isxilqaamayaashu gacan waxay kaga qeyb qaadanayaan howlaha bilicda, faya-dhowrka iyo dib-u-dhiska goobaha muhiimka ah, waana barnaamij ujeedkiisu yahay gacantaada ku dhiso dalkaaga, waad u jeedaan maantana waxaan dardargelinay dib-u-hagaajinta Matxafka Qaranka.”

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Shaqaalaha Gobolka Banaadir ee maanta qeybta ka ahaa Ololahan Isxilqaan in ay hormuud ka noqdaan ka qeyb qaadashada barnaamijyada dib loogu dhisayo dalka, isagoona tilmaamay in ay waajib ku tahay in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed si ay dalkooda u dhistaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta la horgeeyay miisaaniyadda dowladda 2019.

0

Muqdisho November 17 (SNTV):-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka sharaxaad ka siiyay miisaaniyadda dowladda 2019 oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay.

Wasiirka ayaa sheegay in isbadal weyn uu ka muuqdo sanadkan miisaaniyadda, waxa uu soo bandhigay meelaha ay u qorsheeyeen in lagu taageero miisaaniyaddaan.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in miisaaniyaddaan lagu cadeeyo shaqaaleysiinta shaqaale cusub, keenista xisaab xirka 2017 iyo wasaaradda maaliyadda ee golaha horkeento kororka dhaqaale ee la sameeyay.

Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa sheegay in guddiga maaliyadda iyo miiisaaniyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo in ay ka soo shaqeeyaan miisaaniyaddan ka dibna aqrinta labaad ay soo diyaariyaan.

” Arrintaan waxaa ka soo shaqeynaya guddiga inoogu xil saaran arrimaha maaliyadda iyo miisaaniyadda oo aan ka sugeyno iney noo keenaan xisaab xirka 2017 iyo meelaha dhaliilaha laga jeediyay ka dib ayaa xildhibaan walbo fursad loo siinaya inuu ka doodo maadaama maanta aqrin koowaad ay tahay”. ayuu yiri guddoomiye Muudeey.

Dhanka kale xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo maray aqrinta saddexaad.

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay wasaarada Haweenka iyo xuquuql insaanka ee Xukuumada Soomaaliya, waxaa wax ka bedel iyo ku daris ku sameeyay guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka.

155 oo madasha fadhiyay ayaa cod wada ogol ah ugu codeeyay, ma jirin xildhibaan diiday ama xildhibaan ka aamusay.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa xildhibaanada kaga mahad celisay ansixinta iyo go’aanka wada ogolka ah oo ay qaateen.

Shirka Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika oo ka furmay Adis-Ababa

0

Muqdisho November 17 (SNTV):-Ra”iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr.Aby Ahmed ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan ay ka qeybgaleen Madaxda dalalka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Adis-ababa ee dalkaasi.

Dr.Aby Ahmed  oo halkaasi ka jeediyay khudbaddii furitaanka ,waxa uu soo dhoweeyay madaxdii ka qeybgashay shirkaasi , isagoo ka warbixiyay in la sii ambaqaado  qodobada muhiimka ah ee  loo baahan yahay in Qaaradda Afrika ay ku tallaabsato .

Ra”iisul wasaaraha Itoobiya, waxa uu caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn laga yeesho aayaha Qaaradda, gaar ahaan sidii loo abuuri lahaa jewi nabadeed iyo  kor u qaadidda dhaqaalaha.

Madaxweynaha dalka  Rwanda Paul Kagame  ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkaan ayaa sheegay in hadafka isbadalka loo baahan yahay uu yahay in la helo Afrika oo xoogan, isla markaana dadkeedu ay helaan mustaqbal wanaagsan .

Kulankaasi waxaa kaloo ka hadlay Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah la guddoomiyaasha guddogga midowga Afrika, isagoo  faahfaahiyay dhaqdhaqaaqyada isbadalada loo baahan yahay.

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Maraykanka

0

Muqdisho November 17 (SNTV):-‪Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Donald Yukio Yamamoto.

Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto.

Hogaamiyaasha Midowga Afrika oo shir muhiim ah ku leh Itoobiya

0

Muqdisho (SNTV)- Hogaamiyeyaasha wadamada Qaaradda Afrika ayaa shir muhiim ah uga furmayaa magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaana Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Itoobiya  ayaa Soomaaliya ku matalaya shirka madaxda Afrika ay leeyihiin.

Ajandayaasha diiradda lagu saarayo shirkani waxaa kamid ah isbedel iyo dib u habayn lagu sameeyo Ururka, si loo horumariyo howlaha horyaala, sidoo kalena waxaa laga hadlaya arrimaah amniga, siyaasadda iyo dhaqalaha Ururka Midowga Afrika.

Dalka Masar ayaa lafilayaa in dhawaam uu qabto hoggaanka Ururka, waxaana haatan haaya madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame, kaasi oo gadaal ka riixaya isbedelo in la sameeyo.

Madaxweynayaasha wadamada Afrika qaarkood ayaa imaanaya, halka kuwa kalena ay soo dirsanayaan wasiiradood arrimaha dibadda.

Wadamada madaxweynayaashooda imaanaya waxaa kamid ah South Africa, Zimbabwe, Botswana, Comoros, Togo and Ghana iyo kuwo kale,halka Nigeria iyo Mozambique ay kamid yihiin wadamada Wasiiradooda arriamaha dibadda u matali doona shirkaasi.

Maleeshiyada Al-shabaab oo jab xoogan uu ka soo gaaray howlgalo ka socda Galgaduud

0

Muqdisho (SNTV)- Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada   Alshabaab jab xoogan uu ka soo gaaray howlgalo ballaaran oo ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Galmudug,kuwaasi oo goobaha alshabaab ay kaga dhuumaalaysanayeen gobolk Galgaduud weerar ku qaaday.

Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu soo waramaya in ayaa laga dilay ku dhowaad Toban Maleeshiyaad ah,waxaana laga qabsaday Deegaano ay ku sugnaayeen,kadib markii 24 saacadood ee ugu dambeyeey ciidamadu ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Goola-Goole oo hoostaga degmada CEel-Buur.

Maxamed Sh Maxamuud Maxamed ( Dhoobooy) oo ah Madaxa Arimaha BulshadaDegmada Ceel-buur ayaa Warbaahinta Qaranka uga Warbixiyey sida Dagaalku u dhacay iyo Halka uu ka dhacay waxa uuna sheegay inay u Gurmadeen Dadkaasi ku dhiiraday inay la dagaalamaan Kooxaha Nabadiidka ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabka deegaanku ay ka qeyb qaadanayaan dagaalkaasi oo Khasaaraha lagu gaarsiiyey Maleeshiyaadka Alshabaab,kaasoo ku dhow ilaa Toban Maleeshiyaad ah lagana qabsaday Goobo Saldhigyo u ahaa,wuxuuna ugu baaqay Maamulka Galmudug iyo Dowlada Soomaaliya in Dadkaan laga gacansiiyo  dagaalka ay kula jiraan alshabaab.

Dagaalkan ayaa waxa uu salka ku hayaa Kacdoon ka yimid Dadka Deegaanka ku waa soo dhibaato Xoogan kala kulamay Maleeshiyaadka balse waxaa hada muuqata in Dadku ka hor imaanayaan Alshabaab kuwaa soo Awoodooda
la sii wiiqayo.

Tan ayaa noqonaysaa dharbaaxo ay wajahayaan maleeshiyada Alshabaab,kuwaasi oo awoodoodi sii wiiqmaysa marba marka ka dambeeya.

By: Maxamed Cabdi

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Somalia iyo Kenya oo Adis Ababa ku kulmay

0

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dhiggiisa Kenya wada hadal ku saabsan xiriirka labada dal kula yeeshay magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wasiir Cawad iyo dhiggiisa Kenya Monica Juma ayaa goonni u kulmay ka dib markii ay ka qeyb galeen fadhiga 20aad ee aan caadiga ahayn ee golaha fulinta Midowga Afrika oo ka dhacay Adis Ababa.

Labada wasiir  ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo horumarinta iskaashiga ka dhexeeya ee dhinacyada oo dhan,iyadoo loo marayo guddiga iskaashi ee labada dal horay u dhisteen.

Sidoo kale labada wasiir waxay isla soo qaadeen arrinta ammaanka iyo nabadda gobolka Geeska Afrika iyo howlaha nabad ilaalinta midowga Afrika.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay madaxda Jasiiradda Cyprus

Muqdisho (SNTV)- Gudoomiyaha Golaha Shacabka Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo maalmahanba booqasho Ku Joogay Isaga Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyprus  ayaa la kulmaya madaxda Cyprus.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa La kulmey Madaxweyne Mustafa Akinci, Ra’isulwasaare Mudane Erhurman, iyo Ra’isulwasaare ku-Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Mudane Kudret Özersay ee dalkaan.

Kulankoodi ayaa waxaa ay diradda ku saariin xiriirka ka dhexeeya Cyprus iyo Soomaaliya iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya.

Sidoo kale Wuxuu Ka qeyb galay Munaasabadda 35-Sano guurada aasaska Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyrprus.

Waxaa ku wehliya socdaalkiisa xubno ka tirsan Golaha SHacabka.

Taliyaha ciidanka Booliska oo sheegay in ay maxakamad soo taagayaan 5 askari oo lagu heley fal sharci darro ah

0

Muqdisho (SNTV)- Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo lahadlay Warbaahinta Qaranka waxaa uu sheegay in laxiray Shan Askari oo kamid ah Ciidanka Booliska Soomaaliya kuwaas oo magacyo kala duwan oo aysan laheyn Mushaar ku qaadanayey.

Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed waxaa kale oo uu sheegay in Askartaas dhawaan lasoo saari doono Maxkamad Ciidan maadaama ay sameeyeen wax ka baxsan Sharciga.

“Booliska waxaa uu Todobaadyada soo socda Baaritaan ku sameyn doonaa dadka Dowladda xaquuq uga qaata si’aan sharciga waafaqsaneyn ama sharci darro ah, cidii arrintaas lagu helaana waxaa la horkeeni doonaa sharciga iyada oo aanan ka ganbasho laheyn” Sidaas waxaa sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in arrintani ay ku guuleysteen kadib baaritaano in muddo ah lagu hayaya raga la soo xiray,wuxuuna intaasi ku daray in ay ka kala tirsanaayeen ciidanka Booliska iyo kuwa Xoogga Dalka,islamarkaana ay mushaharaad ay ku qaadan jireen magacyo iyo darajooyin kala duwan.