Home Blog Page 1150

Dalka Shiinaha waa saaxiib aan hagar aqoon (Warbixin)

Muqdisho(SNTV)–Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jiray muddo dheer  oo soo taxnaa boqolaal sano, waxaase diiwaangashay taariikh ahaan ama lagu xasuustaa in Soomaaliya ay ahayd waddankii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo Shiinaha xiriir toos ah la yeesha, taasi waxay micnaheedu tahay in uusan jirin dal Afrikaan ah oo ka horreeyay Somaaliya ee xiriir la lahaa dawaynaha Shiinaha

Dad badan oo aqoon u leh xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sheegay in wafuud ka socota dalalka Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay ay soo bandhigeen waxa ay ka garanayaan xiriirka labada dalka iyo Shucuubtooda, waxayna xuseen in xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya uu soo bilowdey muddo hadda laga joogo Lix boqol iyo kotan sanno (650 sano), ka hor, balse Xiriirka Diplomacy ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa soo billawday 14-kii Bishii December 1960-kii, waxaa labada Dawladood ay leeyihiin xiriir saaxiibtinimo dheer oo taariikhi ah, isagoo ku saleysan iskaashi siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, waxbarasho iyo dhinacyo kale oo muhiim u ah iskaashiga labada Dawladood.

Haddaba goormuu bilowday xiriirka labada Dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha?

Badmaax u dhashay Shiinaha oo Muqdisho yimid Lix Boqol oo sanno ka hor ayuu ka bilowdey xiriirka labada dal, waxaa toos u hirgalay iskaashi ganacsi oo labada shacab ah, waxayna keentay in ay noqdaan dad si weyn isu dhexgala isla markaana horumar  ka sameeya iskaashigaasi, dadweynaha labada dal ayaa safarro dhinaca badda ah  ku kala bixiyey Soomaaliya iyo Shiinaha,iyagoo is dhaafsanayn xiriirro u badnaa dhinaca ganacsiga.

Waxaa kaloo jira in keydka taariikhda Shiinaha ay ku qoran tahay in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horreeyey ee Xiriir saaxiibnimo iyo diblomaasiyaddeed la sameystay Shiinaha, iyadoo Aqoonyahanno Shiinees ah ay sheegeen in Kheyraadka koowaad ee Soomaaliya uu yahay halka ay Juqraafi  ahaan uga taallo dunida iyo kheyraadka kale ee gudaheeda dhex ceegaaga.

Prof. Wang Xiaohia oo ka mid ah Aqoonyahanada Shiinaha ayaa waxa uu xusay in barnaamijka horumarinta iyo iskaashiga Shiinaha Soomaaliya ay uga jirto safka hore sanadka 2021 ama qarniga 21-aad ee dunida, kaas oo lagu magacaabo Belt And Silk Road oo ka kooban afar qodob oo kala ah

  1. Nabadda iyo taageeradeeda
  2. Iskaashi iyo Furfurnaan
  3. Wadajir dadweyne ama labada shacuur
  4. Iskaashi Dhaqaale, dhismo mashaariic wata iyo diyaarinta istaraatiijiyad weyn oo dhinacyada tiknoolajiyadda iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Dad badan aad uma garanayaan in Soomaaliya ay leedahay taariikhahaas fog ama dheer, waana midda bulshada caalamka ku abuurtay in Soomaalida ay u aqoonsadaan dad ka horreeya Afrikaanka kale.

Soomaaliya ayaa hadda u diyaarsan jawi ay dunida oo dhan mar kale ku tusto wax wada qabsi buuxa, kana turjumaya nabad, iskaashi, dhaqaale wadaag, ganacsi iyo dhismeyaal mahsaariic xambaarsan, taasoo dalkeenna u keeni doonta fursado waa weyn burburka u bedela dib u dhis ,nabad iyo barwaaqo.

Xirrirka qotada dheer ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka marqaati kacaya dadaalkii Diblomaasiyadeed  iyo kaalintii lama iloobaanka  ahayd ee  Soomaaliya ay ka cayaartay Fagaaraha Caalamka (Q/M) taasi oo ay marqaati u tahay  hadalkii Raiisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya ee Dowladdii Rayidka ahayd ee Kacaanka ka horaysay, Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu khudbad dheer ka jeediyay Shirkii Qaramada midoobay bishii Oktoobar todobadeedii sanadkii  1969-kii taasi oo uu kaga hadlaayay arrimo ku saabsan qadiyadaha  Dadyowga falastiiniyiinta iyo in Dalweynaha Shiinaha loo ogolaado Xaqa uu u leeyahay ka mid noqoshada  Golaha guud ee Qaramada  midoobay, iyadoo uu Shiinuhu waagaas uusan ka mid aheyn golaha loo dhan yahay ee Qaramada midoobay,waxaana xusid mudan in dalkaasi uu haatan ka mid yahay 5ta dowladood ee awoodda codka diidmada qayaxan (Vito).

Haddaba qormadaani iyo kuwa kaleba oo aan kaga hadleyno xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxa uu ku soo beegmaysaa xilli uu dhawaan Wafdi ballaaran uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo uu booqasho rasmi ah ku tagayo dalka Shiinaha, si loo sii adkeeyo  Xiriirka soo jirenka ah ee u dhaxeeya labada dal , waxaana  madaxwaynaha Soomaaliya uu ka qeybgalayaa Shirwaynaha Shiinaha iyo Afrika dhanka kalena wuxuu  kullammo rasmi ah oo gaar ah la yeelan doona madaxda Jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha, waxaana dhihi karnaa Shiinuhu waa saaxiib aan hagar aqoon.

W.D: C/laahi Ruush

Dhalinyaro is abaabulay oo la dagaalamaya Al-Shabaab

Muqdisho(SNTV):–Wararka naga soo gaaraya degmada aadan Yabaal ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dhalinyaro si iskood ah isku abaabulay ay bilaabeen inay beegsadaan oo ay ka hortagaan Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab.

Dhalinyaradaan ayaa is abaabulay ka dib markii Argagixisadaan ay sii laba jibaareen tacadiyada ay u gaysanayaan Bulshada ku nool degmadaasi oo ay ka mitahay Dhac, dil iyo Afduub ay kula kacayaan dadka qaar.

Qaar ka mid ah dhalinyaradaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inaysan u dul qaadanayn in maalin kasta ay dadkooda dhibaato u gaystaan maleeshiyaadkaan Arxanka daran ee Al-Shabaab.

Sidoo kale masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Shabeellaha Dhexe oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa iyana sheegay inay ka war haayaan dhalinyaradaasi is abaabulay, haatana ay qorshaynayaan in ciidamo ka tirsan dowladda ay gaaraan degmadaasi Aadan Yabaal.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa haatan sii xoojiyay howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab, iyagoo khasaaro badan gaarsiiyay Argagixisada Al-Shabaab.

Wasiir Beyle oo Shir Guddoomiyey Kulanka Billaha ee Guddiga Dhaqaalaha  

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa shir guddoomiyay Kulanka Billaha ee Guddiga Dhaqaalaha oo ay ka qeyb galeen Xubno ka socday IMF, Africa iyo World Bank.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay horumarka dhaqaalaha, qorshayaasha dagsan iyo wax kaqabadka caqabadaha dhaqaalaha Dalka sida uu sheegay Wasiir Beyle

“Waxaan shirgudoomiyay kulanka Billaha ah ee Guddiga Dhaqaalaha #FGC_Meeting’ kaasoo aan uga hadalnay horumarka dhaqaalaha, qorshayaasha noo dagsan iyo wax kaqabadka caqabadaha dhaqaalaha Dalka. Waxaa shirka nagala qeybgalay xubno ka socday IMF Africa, World Bank”.ayuu yiri Wasiir Bayle

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadda dardar gelinta howlaha Maamulka iyo Maaliyadda dalka oo ay Hay’adaha dhaqaalaha aduunka ay ku qanceen sida ay hadda wax u socdaan.

Hay’adda Lacagta Aduunka ay hore u sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu horeeya ee is hormarinaya, sababtaas darteedna Dalal badan ay Casuumaad u fidinayaan Soomaaliya, si ay hormarkeeda kaga qeyb galaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shir-guddoomiyay Kulanka Dardar-gelinta Qorshaha Daabacaadda Shilin Soomaaliga Cusub

0

Muqdisho(SNTV): — Ra’iisul wasaaraha xukuummadda fereraalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-guddomiyay kulan Muqdisho lagu qabtay oo looga hadlay dhaqaalaha dalka kaas oo ka qayb galeen xubna ka socda hay’ado caalami iyo dawladaha ay Soomaaliya bah-wadaagta yihiin.

kulanka ayaa ajandayaashiisa ugu waawayn waxaa kamid ahaa dardar-galinta qorshaha samaynta lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ah, waxaana dhammaan dhinacyadii kasoo qayb galay kulanka ay isla garteen in dawladihii iyo hay’adihii ballan qaaday in ay dawladda ka taageerayaan dhaqaalaha lagu daabacayo lacagta oo dhan $41 milyan ay si dhaqsa ah u bixiyaan, maadaama ay Soomaaliya soo buuxisay shuruudihii laga doonayay si lacag loogu daabaco.

“Waxaa nalaku xiray shuruudo badan si lacagta cusub ee Soomaaliya loo soo daabaco, waana soo buuxinnay. Waxaa haray uun in dalkeenna lacagtiisii soo noqoto, waxa ayna u baahantahay lacag lagu daabaco laguna maamulo oo dhan $41 Milyan. Lacagtaas dawladdu ma bixin karto oo dawlado iyo hay’ado ayaa ballan qaaday in ay ku taageerayaan maadaama shuruudihii aan soo buuxinnay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliyan, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka war bixiyay kulanka.

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa caddeeyay in la qaban doono kulan kale oo ballaaran kaas oo looga hadlayo gebagabaynta qorshaha daabacaadda lacagta cusub, kadibna la hawl gelinayo shirkaddii lacagta daabici lahayd.

Qorshaha daabacaadda lacagta cusub ee Soomaaliya ah oo socday waqti dheer, shuruuda bandanna lagu xirnay ayaa qayb ka ah hannaanka dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo dardar-gelinta Barnaamijka xukuummadda.

Ciidamada Boliiska Soomaaliya oo la wareegay Amniga Garoonka Stadium Muqdisho

Muqdisho (SNTV)- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta garoonka Kubadda Cagta Stadium muqdisho.

Muddo waxa ay xarun u aheyd Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, waxaa dadaal dheer u gashay dowladda Soomaaliya si loogu soo celiyo gacanta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha si’ ay qeyb uga noqoto meelaha dadweynaha isugu yimaadan.

Garoonka ayaa ahaa garoonkii ugu weynaa Soomaaliya isagoo xilliyadii Nabadda Marti geliyay ciyaaro heer Caalami ah.

Dadweyne kala duwan oo isaga kala yimid qeybaha gobalka Benaadir, Saraakiil Ciidan, Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobalka Benaadir ayaa ka qeyb galay xafladda  Ku wareejinta masuuliyadda Amni ee Garoonka Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo Qabatay kulan looga hadlayay Dardar galinta howlaha horyaala

0

Muqdisho (SNTV) Kulankan ayaa looga hadlayay sidii loo dardarlin galin lahaa Shaqooyinka horyaala Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Hanaanka dib u Heshsiinta, Xaslinta, Doorashooyinka, Arrimaha gudaha iyo Federaalka iyo Fulinta Mashaariicyada, iyadoo kulanka uu daah furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya.

Agaasimaha Maamulka iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka XFS Nuur Axmed Diiriye ayaa sheegay in Ujeedada kulanka ay tahay wax iska weydiinta Howlaha horyaala Wasaaradda iyo Waxyaabihii u qabsoomay.

“Waa kulan howleed ku saabsan howlwadeena Wasaaradda inay isku arkaan loogana hadli doono waxqabadka Wasaaradda iyo Howlaha ay dooneyso inay hada qabato oo ka mid yihiin kuwa Federaalka, Dib u heshiisiinta, Doorashooyinka, barnaamijyada Odayaasha dhaqanka iyo howlo kale oo Wasaarada qabaneyso oo lagu falanqeynayo”.ayuu yiri Agaasimaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka sheegay kulanka in loo bahan yahay sidii loo fulin lahaa shaqooyinka iyo Waajibaadka Qaran ee horyaala Wasaaradda, wuxuuna soo jeediyay in la qiimeeyo sida lagu gaari karo Hadafyada ay hiigsaneyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Cadaado oo lagu soo gabagabeeyay tababar ku saabsan waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka

0

Muqdisho (SNTV)- Tababarkan oo socday muddo afar maalin ah oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka XFS iyo wasaaradda dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug oo lagu baranayay waxbarashada madaniga ah ee dastuurka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Cadaaado ee ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ujeedada tabarkan ayaa ahayd in dadka loo tababaro waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweynaha ay sii gaarsiiyaan dadka ku nool deeganada Galmudug iyaga oo kaashanaya wasaradda arrimaha dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Tababarkan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 70 qof oo ka kala yimid bulshada rayidka ah iyo shaqaalaha wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug waxaa lagu baranayay casharro ka hadlaya waxbarsahada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweyanaha ee arrimaha dastuurka, waxaana dadka ka soo qayb galay ay ka doodeen mowduucyo ay ka mid yihiin tallaabooyinka ugu haboon ee loo mari karo fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha ee deegaanada hoos yimaada Galmudug iyo sida loo wajihi karo caqabadaha lala kulmi karo inta lagu guda jiro fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadwaynaha.

Ugu horrayn, waxaa kulanka xiritaanka ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Galmudug mudane Zakarie Mohamed Ahmed waxa uuna ku booriyay dadka ka faa’iidaystay tababrkan in ay sii gaarsiiyaan waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta bulshada ee arrimaha dastuurka dadka kunool deegaanada iyo tuulooyinka hoos yimaada Galmudug si loo helo bulsho aqoon u leh dastuurkooda.

Dhanka kale, agaasimaha wacyigalinta ee wasaaradda arrimaha dastuurka XFS mudane Abdikani Ali Adan oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay dadka qaatay tababarka in ay u sii gudbiyaan risaalada loo dhiibay dadka kale ee aan fursadda u helin in ay tababrkaan qaataan. Sidoo kake, agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda Dastuurka XFS Mohamed Bashiir Omar oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu qorshayaasheeda ay ka mid tahay in la gaaro dhammaan dadka Soomaaliyeed si loogu wacyi galiyo arrimaha dastuurka.

Waxaa kulanka si rasmi ah u soo xiray wasiirka dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug Mudane, Maxamed Colaad isagoo ku dhiiragaliyay ka soo qaybgalayaasha in ay doorkooda ka qaataan sidii loogu wacyigalin lahaa bulshada Galmudug ka qaybgalka Dib-u-Eegista Dastuurka.

Gabagabadii, dadkii ka soo qaybgalay tababarka ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin ka tarjumaya in ay qaaateen tababarka waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha.

Shacabka Soomaaliyeed oo soo Dhaweeyay ka bixista AMISOM ee Garoonka Muqdisho Stadium

0

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shacab aad u badan ayaa hadda ku sugan Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, iyagoo soo dhaweeyay Cutubyadii ugu dambeeyay Ciidamada AMISOM oo ka baxay garoonka.

Shacabka ayaa ku damaashaadaya qeybaha kala duwan ee garoonka oo mudo 7-sano ah ay gacanta ku hayeen Ciidanka Nabad galyada Midowga Afrika AMISOM oo shalay ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ay ka baxaan ciidamada AMISOM, iyagoo sheegay in garoonkan uu ad u weyn yahay isla markaana looga faa’iideysan karo qeybaha kala duwan ee Ciyaaraha.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Dowlada ay diyaar u tahay dayactirka iyo soo celinta bilicdii uu lahaa garoonkan

“Dowlada waxay diyaar u tahay dayactirkiisa, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goordhow waa la howl bilaabayaa, kuligeen waan bishaareysaneynaa, Ciidanka Booliska Jamhuuriyada ayaa la wareegaya si loo sugo amnigiisa iyo Nadaafadiisa”.ayay yiri Khadiijo.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kaga mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM in garoonkan dib loogu wareejiyo Shacabka maadaama uu laf dhabar u yahay Ciyaaraha Dalka.

Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyay la xisaabtanka Hey’adaha Dowladda

0

Muqdisho(SNTV)–Shacbiga ku nool Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay la xisaabtanka Hey’adaha Dowladda, kadib markii uu Raiisul-wasaaraha Dalka uu dhawaan soo gabagabeeyay la xisaabtan uu la sameeynayay Hey’adaha Dowladda.

Qaar Ka mid ah shacabka Caasimadda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay inay si weyn u soo dhaweeynayaan la xisaabtanka masuuliyiinta Hey’adaha Dalka, iyagoo ra’yigooda cabiraya ayaa yiri ” waxaan soo dhaweyneynaa la xisaabtanka Hey’adaha Xukuumadda, sababtoo ah isla xisaabtanku waxa uu keenayaa horumar, wuxuuna ka hortagayaa dib u dhac,isagoo meesha ka saarayaa musuqa”

Xukuummadda Soomaaliya oo hadafyadeeda ugu weyn ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo kobcinta dhaqaalaha dalka ayaa dardar gelisay qorshaha lagu baarayo shaqsiyaadka dowladda u shaqeeya ee looga shakisan yahay xatooyada xoolaha dad-weynaha, waxaana dhawaan la xiray 10 sarkaal oo ka mid yahay madaxii canshuurta dekadda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay musuqmaasuq geysteen.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan sameeyay la xisaabtanka Wasiirrada Wasaaradaha Dowladda ee sannadlaha ah, si loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan, waxaana Wasiir waliba oo ka mid ah la soo hor-dhigay qorshayaashii lagu balamay in uu fuliyo, iyada oo Wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkiisa.

Howlgalo laga sameeyay Magaalada Marka oo lagu soo qabtay Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab

0

Maxamed Cismaan Yariisow oo ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ka warbixiyay Howlgalo ciidammada Xoogga Dalka ay ku qabteen in ka badan Labaatameeyo ka tirsan Maleeshiyadda Al shabaab.

“Qaar badan oo ka mid ah Nabad diika ayaa lagu soo qabtay howlgalo ciidammada Xoogga Dalka ay ka sameeyen Magaalada Marka, ciidamadana waxaa la shaqeeya kuwa deegaanka oo Al shabaab kala yaqaan, Howlgalada la sameeyay waxaa lagu qabtay 40 qof iyo ka badan, waxaana Al shabaabnimo ay ku cadaatay 20 ka mid ah dadkii lasoo qabtay”.

Yariisow ayaa sheegay in amniga Magaalada uu aad u wanaagsan yahay, ka dib wada shaqeyn xoogan oo dhex martay Ciidammada Xoogga iyo Shacabka magaalada Marka.

“Magaalada Marka markii hore Al shabaab dhinac ayay ka joogeen, waxayna dhibaateyn jireen dadka Shacabka oo fahmay dhagarta Argagaxisada, laakiin hada waxaa yimid Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa 14-ka Octoobar iyo Danab, shacabkana aad ayay ugu farxeen ciidan dowlad oo kala dambeyn leh, tababaro fiicana soo qaatay, Magaalada waa nabad galyo wax dhib ah ma jiraan”.

Saraakiisha Amniga ee ku sugan Magaalada Marka ayaa la wareegay ragan Shabaabka ah ee la qabtay, waxaana door weyn ka qaatay in lasoo qabto maleeshiyadan ku dhuumaneysay magaalada Shacabka oo soo gudbiyay xogtooda, iyagoona u tilmaamay Ciidammada Amniga goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen Argagaxisada Al shabaab.