Home Blog Page 1151

War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Ereteriya

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki, waxay kulamo wadatashi oo labo maalmood socday (13-kii ilaa 14-kii bisha Diseembar, 2018) ku yeesheen magaalada Muqdisho, Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxay wadahadallo ku yeesheen Villa Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyada oo si dhaw la isaga kaashanayo dhammaan dhinacyada danta u ah labada dal sida ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab.

Madaxweyneyaashu waxay ka dhawaajiyeen sida ay uga go’an tahay in la dardargeliyo iskaashiga Geeska Afrika iyada oo xoogga la saarayo iskaashiga heer gobol ee dhinacyada horumarka, horusocodka iyo barwaaqada.

Madaxweyne Isaias waxa uu bogaadinayaa, soona dhaweynayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguma tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan.
Iyaga oo si buuxda u garawsan baahida loo qabo in la helo hannaan lagula tacaalo halista casriga ah ee argagaxisada iyo saboolnimada. Labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka.

Labada Madaxweyne waxay isla qireen inay jiraan caqabado badan oo ay tahay inay si wadajir ah xal ugu raadiyaan. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in ay mideeyaan taageeradooda iyo dadaalkooda wadajirka ah si loo xalliyo caqabadaha ay labada waddan si gaar ah iyo guudba u waajahayaan.

Madaxdu waxay isla garteen in iskaashi heer gobol oo waxtar leh uu muhiim u yahay ka gudubka dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagaxisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee gobolku wajahayo.

Labada Madaxweyne waxay garwaaqsan yihiin in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed iyo gobolka guud ahaan. Isku day kasta oo lagu carqaladaynayo dardarta ka socota gobolka waxay shaki la’aan curyaaminaysaa horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinaca nabadda iyo dib-u-heshiinta. Madaxdu waxay ka midaysan yihiin ka hortagga faafinta xog kasta oo halis ah, raad aan lahayn, siyaasadina dabada ka riixayso, waxayna dhammaan ugu baaqayaan in ay ka qayb-qaataan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Ereteriya oo soo gaba gabeeyey wada hadalladii uga socday Villa Soomaaliya+ Sawirro

0

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, oo kulamo wada tashi ah ku yeeshay Villa Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Labada Dal.

Labada Madaxweyne, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki booqashadan taariikhiga ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee uu u ajiibay martiqaadkii rasmiga ahaa ee uu u fidiyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in booqashadan ay ka tarjumayso dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta iskaashi heer gobol ah oo lagaga gudbayo dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagixisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee uu wajahayo Gobolka Geeska Afrika.

Dhankiisa, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Isaias ayaa bogaadiyey, soona dhaweyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguna tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan Gobolka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyay Turkiga

0

Ankara-(SNTV)-Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi oo Xalay gaaray Magaalada Dalka Turkiga ayaa si diirran waxaa halkaasi ugu soo dhoweeyay xubno ka tirsan Baarlamanka Dalkaasi.

Mudane, Cabdi Xaashi iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Dalka Turkiga waxay kulamo gaar ah kula qaadan doonaan Madaxda Baarlamaanka Adduunka, iyo qaar ka mid ah Madaxda Dalka Turkiga.

Wasiirka Beyle : Sanadka cusub waxaan rajo ka qabnaa in deynta nalaga cafiyo

0

Muqdisho-(SNTV-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka  Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta marti ku ahaa barnaamijka kulanka todabaadka ee kaba Warbaahinta Qaranka ayaa ka war-bixiyay Barnaamijka deyn cafiska Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya.

Barnaamijka deyn cafiska ayuu sheegay wasiirku inuu yahay qorshe loogu tala galay in lagu caawiyo Waddamada aan qaanta bixin karin oo u badan Afrika, kuwaas oo ay Soomaaliyana qayb ka tahay, wuxuuna xusay inay dedaallo xooggan ugu jiraan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen, maaddaama ay Dowladdu kasoo baxday shuruudihii ku hor gudbanaa deyn cafisku, Bankiga Adduunka iyo IMF-tuna ay aamineen.

Wasiir C/raxmaan Beyle, ayaa sheegay in Waddanka deynta lagu leeyahay  aan mid kale loo oggolayn, maalgelinna uusan heleyn, isagoo xusay in markii ugu horreysay ee la dejiyay Tubta deyn cafiska Caalamka 1996-kii, iyo wixii ka dambeeyay ammaah la siiyay  40 Waddan oo Afrikaan ah, iyadoo ay  imminka wax lagu leeyahay oo qura Dalalka Soomaaliya, Eretrea iyo Suudaan , halka inta kalena ay horumarro la taaban karo gaareen.

Mudane, Beyle , ayaa sheegay in Imtixaanka laga qaadayay Soomaaliya ay qodobbadiisu ka koobnaayeen 18, balse intoodii badnayd ay kasoo baxeen, wixii ka dambeeya Bisha March ee Sanadka 2019-kana ay soo gabagabaynayaan ka dibna ay xigto in guud ahaan laga cafiyo Soomaaliya deymaha lagu leeyahay.

Wuxuu sheegay Wasiirka C/raxmaan Ducaale Beyle, in deymaha lagu yeeshay Soomaaliya ay galeen Dowladihii hore, iyadoo shuruudda lagu xiray Dowladda imminka jirtana ay tahay inaad deymo kale lagu yeelan, taasina ay ka soo baxeen.

Aqalka sare oo Guddi u saaray xallinta kala feker duwanaanshaha u dhaxeeya hey’adaha fulinta iyo Golaha Shacabka

0

Muqdisho-(SNTV)-Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa magacaabay Guddi xalliya kala fikir duwanaanshaha ka dhextaagan hey’adaha fulinta iyo Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Xog-hayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cali Maxamed Jaamac ,ayaa Warbaahinta Qaranka uga warramay Guddigaas lamagacaabay iyo Shaqooyinka uu qabanayo, wuxuuna Xubnaha Guddigan kula dardaarmay in ay la yimaaddaan isku-duubni, dhex-dhexaadnimo wax ku ool ah iyo inay u howl-galaan caddaalad.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare Waxaan xubnaha Guddigan kula dardaarmayaa isku duubni, dhexdhexaadnimo wax ku ool ah iyo inay u howl galaan si aan dhinac raac laheyn caaddaaladna ku shaqeeyaan” sidaas waxaa sheegay Xogayaha Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac.

Xubnaha Guddigan uu ka kooban yahay ayaa kala ah Sanater, Cabdirisaaq Cismaan Xasan Guurinle Gudoomiye, Cabdi kaafi Macallin Xasan , xubin, Cabdi Axmed Dhuxulow, Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex, Cabdullaahi Cabdi Garoon ,Yuusuf Geelle Ugaas ,iyo Sanater Cabdirisaaq Axmed Cali.

Dawladda Qatar oo Bilaabaysa dhismaha Dekadda Hobyo

0

Doha-(SNTV):-Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dawladdiisu bilaabayso mashruuca dhismaha dekadda Hobyo ee gobalka Mudug.

Wasiirka ayaa qorshaha billaabidda mashruucaan ka sheegay kulan gaar ah oo ay wada qaateen ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Cali Khayre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in wasiirka dekaduhu uu ra’iisul wasaare Khayre ka ballan qaaday in sida uga dhaqsaha badan ay u bilaabmayso dhismaha dekadda si ay uga faa’iisaystaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayaa bishii Jannaayo ee sannadkaan ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha dekadda Hobyo, waxaana horraantii bishii July qiimayn ku tegay wadfi ay hoggaaminayo wasiirka dekadaha XFS, Maryan Aways, oo ay qayb ka ahaayeen khuburo ka socoto dalka Qatar.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Casha shafar u sameeyay Xalay dhiggiisa Eretrea

0

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xalay Casha sharaf ugu sameeyay xarunta madaxtooda Qaranka, dhiggiisa Dalka Eretrea, Isaias Afwerki.

Casha sharafta oo ay kasoo qayb galeen, madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno qayb ka ahaa wafdiga Madaxweyne Afwerki iyo marti sharaf kale, ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ciyaaro Hiddo iyo dhaqan ah, Heeso , Suugaan ka tarjumaysa xiriirka Walaaltinimo ee Labada Dal iyo horumarka ka socda Dalalka Geeska Afrika.

Madaxweyne, Isaias Afwerki, oo shalayto ku yimid Dalka Soomaaliya booqasho Laba Cisho ah, ayaa inta uu jooga Muqdisho waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda Dalka ugu sarreysa, iyagoo ka wada hadli doona sidii loo dar-dar gelin lahaa xiriirka is-kaashi ee Waddamada Gobolka.

Kulan-howleed ku saabsan Hannaanka Maaliyadda ee Federaalka ee la waafajinayo Dastuurka oo la soo gabagabeeyay-Sawirro

0
Muqdisho-(SNTV)-Waxaa Nagaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay kulan-howleed ku saabsanaa hannaanka Maaliyadda ee Federaalka oo la waafajinayo Dastuurka Dalka.Kulan howleedkan oo ku saabsanaa hannaanka Maaliyadda ee federaalka iyadoo loo eegayo dib-u-eegista Dastuurka oo muddo laba maalin ah ka socday magaalada muqdisho ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana kulankan soo wada qabanqaabiyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii loo heli lahaa hannaan maaliyadeed oo ku salaysan nidaamka federaalka si loogu qoro dastuurka ku meel gaarka ah ee ay dib u-Eegistu ku socoto, maadaama Hannaanka Maaliyadda ee feederaalka ku salaysan uu yahay mid ka mida waxyaabaha u baahan in wada xaajood siyaasadeed laga galo.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Dastuurka, Arrimaha
Gudaha, Petroolka, Hantidhowraha Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad goboleedyada, Guddiga Farsamo ee wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka, aqoonyahanno, Rugta ganacsiga iyo xeeldheerayaal arrimaha maaliyadda; waxaa intii uu socday lagu lafa guray arrimo ay kamid yihiin Wadaagga Dakhliga, Maamulka Miisaaniyadda, Hannaanka maaliyadeed ee federaalka ku haboon Soomaaliya, qoondaynta awoodaha heer federaaal iyo heer dowladgoboleed ee maamulka dakhliga iyo maaliyadda guud.

Aqoonyahhanadii ka qayb galay kulan howleedkan ayaa ka dooday arrimo badan waxayna soo bandhigeen nuucyo badan oo ah hannaanka maaliyadeed ee ay ku dhaqmaan dowladaha federaalka ka jira adduunka waxayna ku taliyeen in Soomaaliya ay yeelato Hannaan maaliyadeed oo Federaal ah ku haboon Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka Soo xiray ayaa Sheegay in heshiis syaasadeed laga gaari doono arrinta ku saabsan Hannaanka Maaliyadeed ee federaalka ku haboon Soomaaliya balse hadda ay sii diyaarinayaan talooyinkooda ku aadan arrintaas isla markaana la horgayn doono golaha amniga qaranka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan.

“Waxaan isla falanqaynay sidii hannaan maaliyadeed Federal ah oo ku haboon Soomaaliya loo heli lahaa, waxaad soo bandhigteen howl fiican muddadii labada maalin ee aan halkaan joognay, wixii ka soo baxay kulankaanna waxaan ka diyaarin doonnaa warbixin islamarkaanna waxaan horgayn doonnaa Golaha Amniga Qaranka si Heshiis-Siyaasadeed looga gaaro islamarkaana loogu qoro Dastuurka” Ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS oo daahfurtay shir wdatashi ah oo ku saabsan hormarinta beeraleyda Soomaaliyed “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)- Wadatashiga iyo horumarinta siyaasadda guud ee iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyed ayuu ku saabsanaa shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Beeraha iyo Waraabka isla markaana ay ka qeyb galeyn Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha guud ee Wasaarada , xubno ka socday iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed iyo qaar kamida ardayda wax ka barata kuliyadda Beeraha ee jaamacada Umadda Soomaaliyeed.

Shirka ayaa la isku weedaarsaday talooyin ku saabsan Horumarinta beeraha , kordhinta wax soo saarka iyo sidii loo laba jibaari lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa iskaashatooyinka iyo Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS Mudane Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa sheegay sababta shirkan loo qabtay in ay tahay in la sameeyo nidaamkii lagu shaqeyn lahaa iyo sidii la isku weedaarsan lahaa talooyin ku saabsan horumarinta wax soo saarka dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Xaamud XFS Mudane  Cali Xasan oo shirka daahfuray ayaa sheegay in ay wasaaradu ka go’antahay balaarinta Iskaashatooyinka beeraleyda Soomaaliyeed oo qiimo weyn dalka ugu fadhiya.

Qaar kamida iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay barnaamijkan oo ay ku tilmaameen inuu sal dhig u noqon doona horumarinta iyo wax soo saarka Beeraleyda soomaaliyeed.

 

Dawladaha Soomaaliya Iyo Qatar oo Kala Saxiixday Heshiisyo Muhiim Ah

0

Dooxa (SNTV):-Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Dooxa ku kala saxiixday shan heshiis iyo Sedex is-afgarad oo khuseeya arrimha maalgashiga, ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya iyo Qatar ayaa lagu heshiiyay in ay ka shaqeeyaan dhamaystirka heshiisyada la kala saxiixday si fulintooda loo boobsiiyo, dadka Soomaaliyeedna dhawaan u helaan faa’iidooyinka kasoo baxa.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka warbixiyay heshiisyada ayaa sheegay in dhammaan heshiisyada ay dawladda iyo dadka Soomaaliyeed ay dani ugu jirto.

Wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha iyo wasiir ku-xigeenka maaliaydda oo qayb ka ah wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka Soomaaliya heshiiska u saxiixay.

Heshiisyada waxaa sidoo kale kamid in diyaaradda Qatar airways ay billaawdo bartamaha sannadka 2019 duullimaado ay ku imaanayso magaalada Muqdisho.