W/Kuuriya oo ka jawaab celisay xayiraad uu Mareykanka ku soo rogay saraakiil Pyongyang ka tirsan

Date:

Iyadoo xukuumadda Washington ay xayiraad ku soo sogtay saraakiil sar sare oo ka tirsan Pyongyang ayaa jawaab kulul waxaa ay ka soo baxaysaa Kuuriyada Waqooyi oo ka walaacsan go’aanka Mareykanka.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa ay soo saartay digniino ku aadan xayiraada Mareykanka,iyadoo sheegtay in ay saameyn doonto arrimaha la xiriira barnaamijkeeda Nuclearka ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donalda Jey Trump ayaa ayaa cunqabatayn cusub ku soo rogay 3 saraakiil oo ka tirsan Xukuumadda  Pyongyang,wuxuuna wacad ku maray Mareykanku in ay xannibi doonaan hantida Choe Ryong-hae, oo ah nin ay si aad ah isugu dhaw yihiin Kim Jong Un,wasiirka amniga Jong Kyong-thaek iyo sarkaalka dhanka dacaayadaha u qaabilsan Dowladda Dalkaasi Kuuriyada Waqooyi Pak Kwang-ho,taasi oo sare u qaadi karta khilaaf diplomaasiyadeed labada dhinac.

Dowladda mareykanka aya arrintani ku sababaysay kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay xanibaad ku soo rogtay dad daawaday aflaan cusub oo ajinabi ah,balse Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegaysa in Mareykanka uusan ku qasbi Karin in ay wax ka bedesho barnamijkeeda Nuclearka ah.

Kim Jong Unoo ah hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya iyo Madaxweyne Trump ayaa dhawaan kulan ay wad qaateen ayaa kala saxiixday heshiisyo,kuwaasi aan la faah faahin ujeedkooda,taasi oo u muuqata mid aan weli waxba soo kordhinin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...