Raโ€™iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Amiirka Qatar

Date:

Dooxa (SNTV):- Raโ€™iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than

Raโ€™iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dal ee walaalaha ah.

Raโ€™iisul wasaare Khayre ayaa amiirka Qatar uga mahadceliyay soo dhawayntii ballaarnayd iyo marti soorka Dooxa loogu sameeyay wadfiga uu hoggaanayo.

Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than, ayaa ballan qaaday in ay sii wadayaan xoojinta xariirka laba dal iyo taageeradooda shacaka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalmihii uu dalkaasi joogay la kulmay dhiggiisa dalkaasi, waxa uuna maanta ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Dooxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...