Buug laga qoray tayada badeecadaha Soomaaliya Dibadda ay u dhoofiso oo lasoo bandhigay

Date:

Muqdisho (SNTV) Buugan ayaa waxaa uu iftiiminayaa Tayada badeecadaha Soomaaliya Dibadda kala soo dagto iyo kuwa ay u dhuufiso.

Buugan ayaa waxaa qoray Cabdiqaadir Ibraahim Sheekh Nuur oo ah aqoonyahan da’yar ah waxaana Munaasabadda lagu soo bandhigayey kala qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Aqoonyahano iyo dhalinyaro.

Cabdirqaadir Ibraahim Qoraaga Buugan ayaa waxaaa uu sheegay in tayo dhowrka Soomaaliya qabado badan hortaagan yihiin buugana ay ku cadahay sidda qabadahaas looga hortagi karo.

“Buugan waxaa uu dul istaagayaa badeecadaha Soomaaliya dhanka Dibadda kala soo dagto iyo tayadooda waxaa kale oo uu ka hadlayaa xaaladda wadankeena hadda ku sugan yahay dhanka Faayo dhowrka kaas oo aan ka rabno in uu noqdo mid dhowrsan”

Sidoo kale Qoraa Cabdiqaadir Ibraahim  ayaa sheegay in Buugisii ay kucadahay Cilmi baaris lagu sameeyey qaabka dalka lasoo galiyo Badeecooyinka dhacay iyo meelaha laga keeno.

Cumar Ali Rooble kamid ah lataliyaasha Madaxweynaha ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan in ladhiiro galiyo dhalinyaradda Soomaaliyeed kuwaas oo ka shaqeynaya siddii ay u soo saari lahaayeen wax anfaca dalka iyo dadka.

Gudoomiye ku xigeenka Hey’adda qaabilsan Faayo Dhowrka Soomaaliya Cabdullaahi Salaad ayaa dhankiisa sheegay in toosin faayo dhowrka meel wanaagsan marayo.

“Hey’ada Faayo Dhowrka Soomaaliya waa mid madax banaan taas oo dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda waxaana dooneynaa in aan qabo shaqooyin badan kuwaas oo laxiriira dhanka Faayo dhowr”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...