Home Blog Page 1149

Ra’iisul wasaare Khayre oo ka qeybgalay barnaamijka isxil qaan oo Studium Muqdisho lagu nadiifinayay

Muqdisho (SNTV)- Garoonka ciyaaraha kubadda Cagta ee Muqdisho Studium Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya olole balaaran oo dhanka nadaafadda ah kaasi oo qeyb ka ah barnaamijka isxilqaan si dib loogu so celiyo bilicdii garoonkaasi uu lahaa,waxaana manata ka qeybgalay mas’uuliyiin uu hoggaaminayay raiiusl wasaaraha XUkuumadda Soomaaliya.

Xubnaha maanta ka qeybgalay ololahaasi nadaafadeed waxaa kamid ah raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka,xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda,maamulka Gobolka Banaadir,ciidanka Qalabka sida,fanaaniin iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Raiisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay howlaha nadaafadeed oo ay maanta kaga qeybgaleen garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa sheegay in barnaamijka isxilqaan dib laagu dhisayo garoonkaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay raiisul wasaaraha Soomaaliya shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalkooda,si looga maarmo gacmo shisheeye,wuxuuna intaasi ku daray in la wareegitaanka garoonkaasi ay qeyb ka tahay balanqaad ay sameysay dowladda,islamarkaana haatan uu dhalinyarada gacanta u soo galayo.

Muddo ku siman 10 sano kadib ayaa dhawaan waxaa halkaasi ka guuray ciidamadii midowga Africa ee AMISOM,kuwaasi oo ku wareejiyay dowladda Soomaaliya,maadaama haatan la joogo xiligii dib u dhis lagu sameyn lahaa kaabayaashi dhaqaalaha ee dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho (SNTV)-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayey ciidamada Xoogga Dalka waxa ay gacanta ku dhigeen koox Amniyaad ah oo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo iyo Shabakad qaraxyada Al-shabaab ee ku diyaariyaan gudaha Magaalada.

Taliyaha ururka 49Aad guutada 10Aad ee ciidanka Xoogga Dalka Xidigle Faarax Maxamed turbac ayaa Idaacada u sheegay in ragga ay ciidamada Xoogga dalka ay howlgalka kusoo qabteen ay Al-shabaab u qaabilsanayeen Amniyaadka dilalka qorsheysan fuliya iyo shabakad qaraxyada Maleeyshiyada  Al-shabaab u diyaarisa oo ka kooban Ajaanib iyo Soomaali.

Sidoo kale Xidigle Faarax Maxamed turbac ayaa sheegay in hada gacanta ciidamada xoogga dalka ay ku jiraan 10 dhagarqabe oo ka tirsan maleyshiyada Al-shabaab.

Ganacsato Soomaaliyeed oo hantidooda lagu boobay Koonfur Afrika

0

Muqdisho(SNTV):-Rabshado looga soo horjeedo ganacsatada ajaaniibta ah ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ka socda magaalooyinka qaaar ee dalkaasi ,dukaamo qaar oo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah ayaa lagu boobay xaafada lagu magacaabo Saweto ee ka tirsan magaalada Johannesburg,xaalad kacsanaan iyo cabsi ah ayaa halkaasi ka jirta waxaana laga cabsi qabaa in rabshadaha ay sii bataan oo ay kusii fidaan xaafado kale.

Goobaha ganacsi oo ku yaalla xaafadaha ku dhex yaal isku raarantaas ayaa waxa leh dad shisheeye ah oo ka tagay dalalka Afrika waxaana ka mid ah dad u dhashay dalalka Soomaalia,Itoobiya, Zimbabwe iyo Pakistan. Kuwo badan oo ganacsatadaas ka mid ah ayaa durba xidhxidhay agabkoodii oo ka baxaya xaafadda isku raranta ah iyagoo ka cabsi qaba in qalalaasuhu ka sii daro.

“Hada yacni qaab aan wax u sharaxo maba aaqaano,wixii hanti ahaa  ayaa nalaga dhacay,waxaan xitaa bad baadsan la’nahay dhalinyaradii goobahaasi ku sugnaa,tukaamada maant ala boobay way badan yihiin ilaa 10 way ka badan yihiin waxaana kamid ah dukaankeyga,beryahanba waxaa jiray eedeymo hadal hayn ah oo ku aadan in badeecooyin dhacay ay gadaan dadka ajaanibta ah ee kunool Koonfur Afrika”. Ayuu yiri Maxamed Mocow Xasan.

Saraakiisha Booliska Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyey in laba qof lagu dilay isku dhacyo dhex maray dadka wadanka iyo ajaanibka ku nool isku raranta Soweto,waxaana ay sheegeen in ay jiraan dadaallo lagu xakamaynayo qalalaasahaasi ka taagan dalkaasi Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal amni daro iyo qalalaasiyo ka dhan ah dadka Ajaanibta ah ee kunool dalkaasi,kuwaasi oo loo geysto Dil iyo boob ganacsigooda ah.

Madaxweynaha JFS iyo wafdigiisa oo gaaray Magaalada Beijing

0

Beijing(SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee Caasimadda dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdinuur Axmed Maxamed ayaa sheegay in halkaasi madaxweynaha uu wada hadallo kula yeelan doono maalinta barri ah dhigiisa Dalka Shiinaha Xi Jinping.

“Waxaan goor dhaw soo gaarnay magaalada Beijing, halkaas oo uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wada hadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalka Shiinaha Xi Jinping maalinta berri ah, Sidoo kale inta uu Shiinaha ku suganyahay Madaxweynaha ayaa waxa uu ka qeyb gali doona Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.”ayuu yiri Cabdinuur Axmed Maxamed

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo uu hoggaminayo ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Shiinaha waxa ay wadatashi iyo wadahadallo la qaadanayaan dhiggooda ka socda dalalka ka soo qayb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Wasiirka Amniga, Duqa Muqdisho iyo Taliyeyaasha Ciidamadda oo kormeeray Stadium Muqdisho.

Muqdisho(SNTV):– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo weheliyaan, Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga dalka, Booliska, saraakiil iyo La-taliyeyaasha dhinaca ammaanka ee Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayaa kormeer qiimeyn ah ku sameeyey Stadium Muqdisho oo dhowaan ay Ciidanka AMISOM ku wareejiyeey DFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabada dib loogu soo celiyey Stadium Muqdisho gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya ay muujinayso sida ay uga go’an tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan fursad ay ku soo bandhigaan xirafadahooda, gaar ahaan dhanka cayaaraha oo garoonka kaalin muhiim ah ka qaadan jiray.

“In gacanteena uu ku soo laabto Stadium Muqdisho waa calaamad muujinaysa sida ay nooga go’an tahay dib u howlgelinta xarumihii muhiimka ahaa, maantana waxaan u nimid inaan qiimeyno, si isbadal loogu sameeyo, kaalintii uu ka qaadan jiray horumarka dalkana dib loogu soo celiyo”

Duqa Muqdisho iyo Taliyeyaasha Ciidamadda ayaa kormeeray guud ahaan qeybaha uu ka koobnaa garoonka oo burbur xoogan ka muuqday. Iyagoo dhinaca kale kormeer ku tagey qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Booliska ee degmooyinka dhaca hareeraha Caasimadda, si loo xaqiijiyo sugidda amniga magaalada.

Garoonka Stadium Muqdisho oo la dhisay Sanaddii 1978-dii ayaa lagu qaban jiray in badan oo ka mid ah ciyaaraha Sportiga sida Kubbadda Cagta, Kolayga, Miiska, Dabaasha iyo kuwo kale oo badan, iyadoo sidoo kalena ahayd goob muhiim u ah isu imaatinka Bulshada xilliyada ay jiraan Munaasabadaha.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Muqdisho (SNTV), Ogoosto 29, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).

Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaanka Madasha ka hor waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona dardar-gelinta xiriirka taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya, kaas oo ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka qayb galka DFS ee shirkan uu muhiimad u leeyahay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira dalkeenna.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kala arrinsan doontaa Shiinaha sidii ay qayb muhiim ah uga qaadan lahayd maalgashiga dalka iyo soo celinta kaalinta soo jireenka ah ee ay ku lahaayeen dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha.”

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Shiinaha waxa ay wadatashi iyo wadahadallo la qaadanayaan dhiggooda ka socda dalalka ka soo qayb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

 

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo looga hadlay Dardargelinta Amniga Caasimadda

0

Muqdisho (SNTV), Ogoosto 29, 2018–Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa looga hadlay dardargelinta amniga Caasimadda, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta iyo Canshuuraha.

Ugu horeyn, ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha degmooyinka laga dhageystay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyagoona ka hadlay xaaladda degmooyinkooda, islamarkaana tilmaamay in meel wanaagsan uu marayo daadajinta adeegyada iyo wada shaqeynta bulshada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo kulanka ka qeyb galay ayaa boggaadiyey isku duubnida dhinaca amniga ee shacabka iyo hay’adaha amniga, waxuuna tilmaamay ka sakow falalka kooban ee dhaca xiliyada qaar in amnigu soo hagaagayo.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisu uu mudnaanta siiyey sidii amni buuxa loogu heli lahaa Caasimadda, kaas oo horseed u yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka, Taliyeyaasha ciidamadda iyo shacabka oo iskaashanaya.

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ayaa intii uu socday waxuu Duqa Muqdisho warbixinno la xiriira Nadaafadda, bilicda iyo dakhliga, ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku-xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed.

 

 

Shir lagula Xisaabtamayo Hay’addaha Caalamiga ah oo Muqdisho lagu qabtay

0

Arbaco, August 29, 2018 Muqdisho (SNTV);- Ujeedada shirkaan wadatashiga ayaa ahaa siddii loo la xisaabtami lahaa hay’daha NGO-yada Caalamiga ah ee mashaaracida horumarineed  ka fuliyo gudaha dalka, kuwaasi oo fadhiigooda yahay wadanka Kenya.

Dawladda Soomaaliya, ayaa hey’addahaasi ku wargalisay in xarumahooda ay ka dhigtaan Soomaaliya, ayna shaqaaleysiiyaan muwadiniinta Soomaaliyeed, waxaana shirka si wadajir ah uu so qaban qaabiyey Wasaaradda Qorsheynta maalgashiga  iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Hay’adda isu-taga ururadda aan Dowliga aheyn.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga  iyo horumarinta dhaqaalaha  XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo daah furay shrikaan, ayaa sheegay in loo baahan yahay siddii hay’addaha caalamiga ah ay ula shaqeyn lahaayeen dawladda Soomaaliya, iyaggoo ku shaqeynayo gudaha dalka.

“sababta aan ula shirnay waxay tahay in aan uu sheegno in dawladda Soomaaliya ay rabto hay’adaha caalmiga ee mashaaricada ka shaqeeyo inay Soomaaliya joogaan, inay qortaan shaqaale Soomaaliyeed, canshuurtana ay bixiyaan” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta XFS.

Wasiirka,  ayaa xusay in aysan la shaqeyn doonin hay’adaha  xarumahooda aan aheyn gudaha dalka, ayna kala noqonayaan Ruqsada, isaggoo  faray dhammaan hay’adaha caalamiga ah in sanadka cusub ay dhaqan galiyaan awaamirta la faray.

“waa dhammaatay in hay’addaha sanadka cusub dalka dibadiisa ay kusii shaqeeyaan, dawladda Soomaaliya lama shaqeyn doonto haddii dalka gudagiisa aysan ku shaqeyneynin, waxyna kala noqon doontaa ruqsada shaqada” ayuu yiri Wasii Jamaal.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo maanta Kormeeray Kawaanka Kalluunka ee Degmada Xamarweyne

0

Arbaco, August 29, 2018 Muqdisho (SNTV) Wasiirka cusub ee Wasaaraddda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Bidhaan Warsame ayaa kormeer shaqo ku tagay Kawaanka ugu weyn ee Malaayga Degmada Xamarweyne, isagoona u kuur galay marxalada ay ku sugan yihiin dadka ka ganacsada Kalluunka, isagoona mid mid uga dhageystay Warbixino ku saabsan dhaqdhaqaaqa Suuqa.

Guddoomiyaha Iskaashatooyinka Kalluunka Xasan Maxamed Rooble ayaa Wasiirka u sheegay in ay u baahan yihiin in la balaariyo Kawaanadda, si ay u gaarsiiyaan dhamaan Degmooyin ku yaala Gobalka Banaadir.

“Waxaan u baahannahay Kawaano badan si bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Duleedka Magaalada iyo Qaar ka mid Degmooyinka Gobolka uu u gaaro kalluunka si ay kalluumeysatada dhiiri galin ugu noqoto”

Wasiir Cabdulaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay in Wasaaradu ay ka shaqeyneyso Joojinta Maraakiibta Shisheeye ee sida sharci darada ah uga jalaabta Xeebaheena Soomaaliya si ganacsatada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysataan

“Waxaan la dagaaleynaa kuwa sida sharci darada uga kallumeysta Xeebaheena si Ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ayu helaan fursadaha ugu badan waana ahmiyadeyna koowaad inaan hormarino Kalluunka hadii aan nahay Soomaali”ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa kaloo Wasiirku uu sheegay in ay ka shaqeyn doonaaan sidii loo sameyn lahaa Kawaano aad u badan oo Shacabka u suurtgalin kara in Deegaanadooda ay ka iibsadaan Kalluunka.

Kalluunka waa qeyb ka mid Waxsoosaarka ugu badan Faa’iidada badan ee dalkeenu leeyahay, islamarkaana u baahan in kor loo qaado, Maalgelin balaaran lagu sameeyo, iyadoo xiligan inta badan dadka Soomaaliyeed ay aad u isticmaaleen kalluunka, waxaana Suuqyada waa weyn ee Maagalada Muqdisho ka ganacsiga kalluunka uu yahay mid ku xoogan.

 

 

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo bandhigay Habka Electroniga oo fududeynaya Maareynta Dacwadaha & Cadaaladda.

0

Arbaco, August 29, 2018 Muqdisho (SNTV) Munaasabad weyn oo lagu daah furayay Habka Electroniga ee dacwadaha uu hir geliyaay Xafiiska Xeer- ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

Munaasabadan oo ay ka qayb galeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Xeer-ilaaliyaha Guud  Dr. Axmed Cali Daahir , Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyayaasha Maxkamddaha Rafcaanka iyo Gobolka Banaadir, ku xigeenada Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud, Taliyayaasha Ciidanka Asluubta iyo Booliska iyo dhammaan Howl-wadeenada Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guudee Qaranka.

Dr. Axmed Cali Daahir oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in talaabadan ay tahay Guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, ayna ahmiyad gaar ah u leedahay Habka Electroniga ee dacwadaha Xafiiska xeer-ilaalinta.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa bogaadiyay Habkan cusub, isagoona sheegay in arrintan ay cadeyn u tahay horumarka badan ee laga gaaray dib u habeynta cadaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed  oo soo xiray Munaasabadda ayaa sheegay in hanaanka electroniga ah ee Maamulka iyo Maaraynta dacwadaha in uu qayb ka yahay dib-u-habeynta Garsoorka iyo Xoojinta isla xisaabtanka Garsoorka dhexdiisa si loo xaqiijiyo in ummadda Soomaaliyeed cadaalad loogu adeego.