Home Blog Page 1149

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada XFS oo maanta kormeeray 24- Dugsi oo ay gacanta ku heyso Dowladda

0

Muqdisho (SNTV):- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Maxamed cali ayaa maanta kormeer ku tagay 24- Dugsi waxbarasho oo ay dhawaan lasoo wareegtay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya .

Kormeerka agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa qeyb ka ahaa kormeer guud oo ay shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ay maanta ka sameyeen dhammaan Dugsiyada Waxbarasho Dowladu maamusho.

72-ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ayaa tagay Dugsiyada si ay u soo ogadaan habka uu u shaqeeyo manhajka Waxbarashada oo ay dhawaan diyaarisay Wasaaradda Waxbarshada inta macallim ee soo xaadirtay casharada la siiyo ardayda iyo sida loo isticmaalay buugaagta .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in kormeerkii maanta ay ku sameyeen Dugsiyada uu ahaa mid ku soo dhammaaday sidii loogu talagalay, islamarkaan kormeerayaasha laga sugayo macluumaadkii ay ka soo aruuriyeen Dugsiyada Waxbarasho.

Wasaaradda waxbarashada waxa ay diyaarisay wax yaabahii looga baahnaa in lagu sameeyo kormeer iyo agabkii lagu qaban lahaa kormeerka u jeedada ugu weyna waxa ay aheyd in loo kuurgalo Dugsiyada Wasaaradda Waxbarashada ay lasoo wareegtay tirada macalimiinta soo xaadirta in lasoo hubiyo iyo in la ogaado manhajka waxbarashada buugaagtii Wasaarada ay bixisay in ardaydu isticmaalaan kormeerka saakay waxa uu ahaa mid dhammeystiran sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali.

Wasaaradda Waxbarshadda Xukuumadda Soomaliya ayaa dadaal ugu jirto horumarinta Waxbarashada dalka iyo la xisaabtanka macalimiinta iyo maamulayaasha Dugsiyada dowladda ay maamusho.

AUN Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxman Adan Wabiyow oo Muqdisho lagu aasay

0

Muqdisho (SNTV)- Allaha Unaxariisto waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxman Adan Wabiyow oo u geeriyooday xanuun hayay.

Wabiyow ayaa garsoorka Ciidamada Qalabka Side ku jiray  tan  iyo dowladii dhexe, waxa uu soo noqday kaaliye, Karaani ilaa uu ugu dambeyn noqday garsoore katirsan Maxkamadda Ciidamada.

Waxa uu waqtigiisa badi ku qaatay garsoorka dhexdiisa, weliba waxa uu kamid ahaa dad yar oo u baraarey qatirihii dalka ka jiray oo uu ku dhiiraday in uu u shaqeeyo qarankiisa.

Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada iyo Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darjada koowaad  ayaa si wada jir ah uga tacsiyeeyay Qaranka iyo Ehelkiisa geerida Marxuumka, waxa ayna Allah uga baryeen Naxariistiisa Janno.

Allaha Unaxariisto Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow ayaa lagu xasuusan doonaa u adeegidda qaranka iyo u hiilinta cadaaladda.

Gudoomiyaha Guddiga shaqaalaha rayidka ee dowlada oo ka hadlay tirakoobkii shaqaalaha Rayidka

0

Muqdisho November 18 (SNTV):-Iyadoo dhawaan dowlada soomaaliya ay sameysay Tirakoob lagu ogaanayey tirada iyo tayada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliyeed ayaa gudoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Soomaaliyed Mudane Xasan Abshirow Maxamed waxa uu kaga  warbixiyey halka uu marayo iyo waxa kasoo baxay tirakoobkaas.

Mudane Abshirow oo wareysi gaar ah xafiiskiisa kusiiyey warbaahinta qaranka ayaa  ka hadlay arimo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qabto guddiga shaqaalaha rayidka, waajiibaadkiisa, tirada shaqaalaha rayidka, rag iyo dumar waxay kala yihiin xuquuqahooda.iyo waxa kasoo baxay tirakoobki dhawaan ay sameeyeen.

Mar uu ka hadlayey natiijada kasoo baxday tirakoobkaas waxa uu sheegay in laga diyaariyey qabyo qoraal dhawaannna lasoo bandhigi doonno.

“Tirakoobkii lasameeyey waxaa Hormuud ka aheyd wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee dowlada soomaaliya, Annagana qeyb ayeynu ka aheen, kaligeenna ma aheynne laakiin hay’ado badan oo ay kamid ahaayeen; xafiiska hanta dhowrka, iyo xafiisyada xisaabaha guud iyo Kan ra’isalwasaaraha, runtii waana lasoo tirakoobay qabyo qoraalkii laga sameeyeyna gabagaba ayuu marayaa, si rasmi ahna waxaaloo sheegi doonnaa marka uusoo dhammaado” ayuu yiri Gudoomiye Abshirow.

Mar uu ka hadlayey Gudoomiye Abshirow  xuquuqaadka shaqaalaha rayidka waxa uu sheegay in inkastoo duruufo iyo dhaqaala yari ay  wadanka ay kajirto oo ay shaqaalaha ysan helin xuquuqaadkii loo baahnaa hadana dowladu ay kudadaasho sidii loosiin lahaa  xuquuqaadka loo heli karo.

“shaqaalah rayidka a boqolkiiba boqol ma  helaan xuquuqaadka loo baahnaa taasina waxaa keenaya duruufaha iyo dhaqaala yarida  wadanka kajita  inkastoo haatan dib usoo kabasho lagu jiro, laakiin way jiraan xuquuqaad isugu jira dallacsiin Tababaro udheer mushaarkooda oo lasiiyo shaqaalaha rayidka” ayuu yiri Gudoomiye Xasan Abshiro Maxamed.

Mar aan weydiinay Gudoomiyha sharci ahaanshaha shaqaalaha rayidka ah ee ka mid noqoshada  xisbiyada siyaasadeed ee dalka  waxa uu sheegay in shaqaalaha rayidka, ciidamada iyo guddiyada Madax bannaanba  aysan kaqeybgali karin kana mid noqon karin xisbiyada siyaasadeed ee jira, isagoo taas kusababeeyey in shaqaalaha rayidka ay ka shaqeynayaan dan guud ah oo dad loo qabanayo, haddiise ay xisbi galaan ay noqoneyso mid dhinac ah oo danaha xisbigaas un ka shaqqeynaya..

Gudoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Mudane Xasan Abshirow Maxamed oo aan weydiinay in sanadka soo socda ee 2019ka la qaadanayo shaqaale rayid ah waxa uu sheegay in baahida qaadashada shaqaalaha aysan ka imaan Guddiga laakiin ay ka timaado Hay’adaha kale ee  Dowlada, taasina ay kuxirantahay hadba sidii dhaqaale iyo miisaaniyad loogusoo helo dadka cusub ee la qaadanayo.

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa waxa ay shaqadiisa tahay qorida, diwaangalinta, dallacsiinta, Ruqseynta  iyo Abaalmarinta dhammaan shaqaalaha rayid ee dowlada, waxaana lagu ansixiyey xeer Golaha wasiirada soo maray, Golaha shacabka ay ansixiyeen iyadoo Madaxweynaha uu xeer kusoo saaray.

 

Ifafaalo Muujinaya Gunaanadkii Argagixisada

0

MUQDISHO-(SNTV)-Kooxaha  argagixisada ah ee  Al qaacidada Soomaaliya ee Shabaab iyo Daacish ayaa dhex muquuranaya  iska hor imaadyo ciidan, intii ka danbaysay markii ay soo if baxeen  goobihii miyaga ahaa ay ku dhuumaalaysanayeen Shabaab iyo  kooxo kale oo sheeganaya  magaca Daacish bishii Oktoobar 2015kii.Xilligaas wixii ka danbeeyay ma uusan joogsan dagaalka labadaas kooxood ka dhaxeeya wuxuuna salka ku haya khilaaf ku salaysan wadaagidda  arimo ay iyaga masiiri u arkaan sida Manhajka, Fahamka, Fikirka dagaal aloosidda ah ee iyaga ay jihaadka ku tilmaamaan, gaalaysiinta islaamka, daadinta dhiigga Muslimiinta sabab la’aan, beegsiga masaajidda iyo dadka ku dukanaya,  Qarxinta Suuqyada iyo Hoteelada.

labadan kooxood ee Argagixisada waxay ka soo horjeedaan Sunnadii  Eebe u abuuray aduunka, waxayna ku faanaan burburinta nolosha guud ee umadda Soomaaliyeed, waxaana malahoodu yahay in ay Fitnadaasi Alle ugu dhawaanayaan, balse xaqiiqdu taas waa ka duwan tahay oo Camalka wanaagsan ee Alle loogu dhawaado waa tan lagu badbaadiyo nolosha aadanaha, xoolahooha iyo waxyaabaha kale ee ay gaarka u leeyihiin ,tan kale acmaasha wanaagsan waa tan ka hor tagta  dhaqamada horseedi kara burburka iyo halaagga.

Maleeshiyaadka kooxda Al shabaab ee xagjirka ah ayaa bilaabay bishii Nofember 2015kii olole dagaal kooxda Daacish gaaar ahaan kuwii ku sugnaa gobolada Jubada hoose iyo dhexe waxaana halkaasi ku dhintay tobanaan ka tirsan argagixisada oo labada dhinacba ah

Saddexdii  sano ee la soo dhaafay Argagixisada Ashabaab waxay ka taqaluseen horjoogayaal ka tirsanaa Daacish, waxaana ka mid ahaa Abuu Nucmaan Bashiir, Xuseen Cabdi Aadan , Max’ed  A Makaawi             Al suudaani  oo ahaa Nin aad u yaqaan arimaha ciidamada iyo Amniyaadka , horayna xubin uga ahaa Kooxda Al Qaacida, waxaa kale oo shabaab dileen Cabdul Waduud wuxuu ahaa Horjoogihii kooxda Daacish ee koonfurta Soomaaliya, sidoo kale waxaa argagixisada daacish toogasho looga dilay Mahdi macallin oo ahaa kaaliyaha Horjoogaha Daacishta Soomaaliya iyo kuwa kale oo shirqool lagu Khaarajiyay ama  ku dhintay Ciqaabta ka jirta xabsiyada gaarka ah ee kooxda Al Shabaab.

Iska horimaadka ciidan ee labada kooxood ee argagisada ah kuma koobna koonfurta dalka, balse waxaa laga soo xawilay deegaanada Punt- land halkaasi oo uu wali si muuqato uga jiro, waxayna labada dhinacba u diyaargaroobayaan in ay muquurashada dagaal kooxba ay doonayso in ay tan kale kaga taqalusto.

Dhanka kale waxay maleeshiyaadka argagixisada ee shabaab Fuliyeen falal joogta ah oo ka soo horjeeda cid walba oo hadal ku taageerta Daacish, ama ku faafisa halkudhigyada Daacish Al shabaab dhexdooda, ugaarsigaan Shabaab ku beegsanayaan Daacish, islamarkaana ay doonayaan inay kaga taqalisaan ayaa sii cusboonaysiinaya dagaalka labada kooxood .

Waxaa iyana xusid mudan in 13/11/2018 Shabaab ku qaadeen olole kale oo sifayn ah horjoogayaal  taageersanaa Daacish oo ku sugnaa degmada Jilib ee Jubada dhexe, kadibna halkaasi la isku dhaafsaday rasaas, waxaana halkaasi ku geeriyooday Abu Anas Al Masri  xilli  isaga koox kale ay  ku sugnaayeen masaajid ku yaalla degmada balse xurmada masjidka kama badbaadinta geerida, waxaana dad goob joogayaal ah xaqiijiyeen in halkaasi ku burburay masjidkii Alle, tanna waxay xaqiijinaysaa in falalka waxashnimada ah ee Al shabaab uusan waxba kaga duwanayn Ficilladii Daacish ay ka fulin jirtay dalalka suuriya iyo Ciraaq.

Dhacdadan  ugu danbaysay  waxaa ka dhashay in taageerayaashii Abu Anas Al Masri ka huleelaan Jilib iyagoo cagahooda maalaya  waxayna u jihaysteen dhanka degmada Bu’aale oo ah xarunta Jubada dhexe,oo dhacda Koonfurta fog ee Soomaaliya, balse waxaa dabagalay Shabaab waxaa ka dhacay dagaal ay riiqdeen labada dhinacba, dagaalkaasi kadib argagixisada Shabaab  waxay Jilib ka bilaabeen olole ay ku xireen dad kor u dhaafaya 20 qof, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan in ay taageersan yihiin argagixisada kale ee Daacish.

Ma ahan markii ugu horaysay ee maleeshiyaadka Shabaab ay fuliyaan howlgallo ay ku dabargoynayaan horjoogayaasha ajnabiga ah ee xiriirka dhow la leh Al Qaacida ama Daacish gudaha Soomaaliya, taasi sow laguma macnayn karo in Soomaaliya noqotay Qubuuraha horjoogayaasha ajnabiga ee Al Qaacida kuwaasi oo maciinsaday Geeska afrika tan iyo 1992dii, iygoo raadinaya dal ay ku faafiyaan fikradahooda guracan.

Tan iyo 2016kii Kooxda daacish ayaa dhowr mar soo saartay digniinno toos ah iyo kuwo aan toos ahayn oo ku wajahan kooxda xagjirka ah ee Shabaab, waxayna u soo jeedisay inay joojiyaan  dabagalka iyo beegsiga ay ku hayaan taageerayaashooda , balse shabaab dhagaha ayay ka furaysteen soo jeedintaasi, waxayna door bideen ugaarsiga iyo tirtiridda taageerayaasha Daacish oo ay u arkaan inay tiro iyo tayo ahaanba ka liitaan.

Xaalka labadaan koox ee argagixisada ayaa meeshii ugu xumayd gaaray kadib markii fariin hanjabaad ah oo ka duwan kuwii hore kooxda dacish ay baraheeda ku faafisay, waxaana lagu xusay  in ay lagama maarmaan tahay in laga aargoosto Shabaab.

Dagaalkan ka dhex aloosan labadan kooxood ee Gaalaysiinta ku sifoobay wuxuu wiiqayaa ama dhaciifinayaa jiritaankooda Soomaaliya, waxaana meesha ka bixi doona manhajkooda qaldan, Afkaartooda guracan, dhaqankooda Cadawtinimada ku salaysan iyo Xukunkooda khilaafsan diinta islaamka, ifafaalaha burburka kooxahan argagixisada ah waxaa sii baritaaraya mowqifka diidmada ah ee shacbiga Soomaaliyeed iyo dadaalka dowladda Soomaaliyeed iyo ciidamada Qalabka sida ugu jiraan soo afjaridda kooxahaan diidan jiritaanka Qaranimada Soomaaliya, ugu danbayntii dowladda Soomaaliyeed  waxay mudnaanta koowaad siinaysaa difaacidda Qarannimada dalka, ilaalinta midnimada iyo badqabka dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qallinka, Cilmi bare iyo xeel dheere arimaha kooxaha Xagjirka ah:- C/raxmaan Sahal Yuusuf

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Dood Wadaag U Dhaxaysa Dowladda Iyo Ganacsatada Soomaaliyeed

0

Muqdisho  (SNTV)  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta daah-furay dood wadaag u dhaxaysa ganacsatada iyo Dowladda oo looga hadlayay qorshaha xilliga dhaw iyo waqtiga fog ee dowlada Soomaaliyeed ay ka leedahay kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, ayaa sheegay in laga doonayo ka qayb galayaasha shirku in ay aad uga doodaan qaybaha muhiimka u ah horumarka ganacsiga iyo adkeynta xiriirka ganacsatada iyo Dowladda.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad celiyay kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen dib-u-dhiska dalka iyo bixinta canshuuraha.

“Ganacsatada Soomaaliyeed sanadkii la soo dhaafay waxa ay bixiyeen canshuurtii ugu badnayd muddo 27 sano, Sannadka soo socdana waxaan ka rajaynayaa inay intaas kasii badan doonto. Waxa ay suurtageliyeen in la bixiyo mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamda iyo in dunidu na aaminto oo si toos ah loo kabo miisaaniyaddeena. Guulahan waxaan ku gaarnay inaan la dagaallannay musuqmaasuqa”, ayuu raaciyay ra’iisul wasaare Khayre.

“Waxaan rajeynayaa inaan laga hadlin, maxaan ahaan jirnay iyo maxaan hadda nahay ee laga hadlo maxaan noqon karnaa? Waxaan rajeynayaa inaan laga hadlin 30 sano ayaa naga luntay ee laga hadlo sidii aysan daqiiqad kale nooga lumi lahayn. Waxaan rajeynayaa in ganacsatadu aysan dowladda sugin oo ay aqbalaan in ay iyagu dowladda yihiin”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayr ayaa kulanka ka sheegay in sanadkii ina dhaafay kobaca dhaqaalaha dalkeenna lagu qiyaasay 2.3%, sanadkanna la filayo in uu kobacu gaaro 3-4%, sicir-bararkuna uu hoos u dhacay 6%, shirkadaha cusub ee is diiwaan geliyayna ay labalaabmeen, Rajo wanaagsanna ay muuqato.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayna kasoo qeyb galeen ganacsatada Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socda Beesha caalamka ayaa laga filayaa in si gaar ah loogu lafa guro guulihii lagu gaaray iskaashiga u dhexeeya dawladda iyo hay’adaha kale ee gaarka loo leeyahay wixii ka dambeeyay madashii Lonodon, fursadaha iyo caqabadaha jira iyo in la isla garto meelaha ay tahay in si gaar ah muhiimadda loo siiyo si dhaqaalaha loo kobciyo.

Cawad oo dowladda Sudan iyo shacabkeeda kaga mahad celiyay deeqaha waxbarasho

0

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Jaamacadda Omdurman ee dalka Sudan.

Wafdiga waxaa hogaaminaayay Professor Xeydar oo ah guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Omdurman.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo dhiira gelinta tacliinta sare ee labada dal iyo sidii waxbarasho sare loo siin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu dhiira gelinayo sare u qaadista waxbarashada.

“Golaha Shacabka waxa uu bogaadinaya wada shaqeynta iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Jaamacadda Omdurman iyo jaamacaddaha dalkeena”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dowladda Sudan iyo shacabkeeda kaga mahad celiyay deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.

Masuuliyintii uu hogaaminaayay guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Omdurman ee dalka Sudan Professor Xeydar ayaa dhankooda Golaha Shacabka  ku amaanay dadaalka uu ugu jiro sare u qaadista waxbarashada.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka mudane Cali Cusmaan Xirsi “Cali Jowhar” iyo wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaadi”.

Xaruntii Marin Habaabinta Al-Shabaab ee Andolus oo la burburiyay

0

Muqdisho (SNTV)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in la burburiyay xaruntii marin habaabinta Al-Shabaab ee Andolus, ka dib duqayn xoog leh oo xalay ka dhacday magaaladaasi.

Duqayntaan oo ahayd mid bartilmaameed ah oo xarumo dhowr ah oo Al-Shabaab ay ku dhuumaalaystaan hal mar lagu wada rusheeyay, ayaa goobaha sida gaar ah loola beegsaday waxaa ka mid ahaa xaruntaan oo ka shaqaynaysay marin habaabinta iyo baadiyeenta dadka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in shar sheegayaashii xiligaasi ku sugnaa Idaacadda Andolus ay duqayntaasi ku baaba’een, inkastoo waliaan la helin magacyada.

Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Jilib ay ku dagaalameen Maleeshiyaadkaan Argagixisada ah ka dib markii uu soo kala dhexgalay shiki ah in qayb ayaga ka mid ah ay doonayaan inay ku biiraan Daacish, taasi oo keentay in garab ka mid ah Argagixisada laga saaro magaalada Jilib.

Radio Muqdisho ayaa ogaatay in Jabriil oo ka mid ah Shar sheegayaasha Al-Shabaab oo ka tirsanaa xarunta marin habaabinta Andolus uu ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay magaalada Jilib.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Xoogga Dalka oo kormeeray Xeryahay Ciidanka Xoogga ee Duuleedka Baladweyne

0

Baladweyne (SNTV) Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare  Maxamed Maxamuud  Koronto oo ay wehliyaan  saraakiil  ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saakay booqday afar xero, kuwaas oo ku yaala duleedka magaalada Baladweyn, si ay u dhiiri galiyaan  Ciidanka Xoogga Dalka ee joogaa Gobolka Hiiraan.

Taliyaha oo la hadlay ciidamada uu booqashadda ugu tagay ayaa ku booriyay in ay muujiyaan dadaalo dheeraad ah si dalka looga xoreeyo Maleeshiyadda Argagixisada Al-shabaab oo dhib ku haya Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ka dalbaday shacabka gobolka Hiiraan iney la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga Dalka si loo fududeeyo howlagalada ciidanku ay ka wadaan gobolka Hiiraan.

Booqashada saraakiisha uu horkacayo Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare  Maxamed Maxamuud  Koronto ayaa qeyb ka ah dadaalada la dooonayo Maleeshiyadda Al-shabaab in looga saaro Deegaanda yare ee ay ka joogaan Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska oo loo diyaarinayo sugidda Amniga Caasimadda.

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaa oo loo diyaarinayo qorshaha sugidda Amniga Caasimadda.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa mid mid u weydiiyay Ciidamada Xaaladdooda Nolaleed iyo mid Tabar intaba, isagoo warbixinno ka dhageystay macalimiinta tabarka siinaya ciidankan loo diyaarinayo sugidda Amniga.

Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Xasan Cali Khayre uu u kuur-galayay Xaaladaha Ciidamada iyo tababarada ay qaadanayaan.

“Ra’iisul wasaaraha JFS waxuu kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay ku tababaranayaan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku yaalla Gobolka Banaadir, waxuuna kormeer ku soo maray xarunta Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye, isagoo u mahad-celiyay Macalimiintii tababarka bixinayay”ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen

Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo u xareysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan lagu wado in ay soo qalin-jabiyaan kuwaa soo la wareegaya Amniga.

“Sidaad ka warqabtaan waxaa jira Ciidammo u xaraysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan soo qalin-jibin doona, kuwaas oo aan rajeyneyno in ay la wareegaan Amniga guud ee Caasimadda oo aan rajeyneyno in wax weyn uu iska badalo”ayuu raaciyay Xoghayaha Gobolka Banaadir

Mudane Xasan Cali khayre oo ay wehliyaan Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (AMERICO), Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen  iyo Saraakiil kale ayaa sidoo kale kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoysyada Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo Ka qayb galay Kulanka Golaha Guud ee Midawga Afrika

0

Adis-Ababa (SNTV);- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudne Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb galay shirka Golaha guud ee Midawga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Shirkaan oo uu guddoominayo guddoomiyaha midawga Afrika Paul Kagame, ayaa qorshuhu yahay in go’aamo looga gaaro qodobadii kasoo baxay shirkii labaatanaad ee aan caadiga ahayn ee November 14 -15, 2018 ay yeesheen guddiga fulinta ee midawga Afrika.

Mowduucyada ugu waawayn ee kulanka looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah ah dib-u-habaynta hay’adaha Midawga Afrika, dib-u-habaynta guddiyada midawga, hay’adda horumarinta midawga Afrika (AUDA iyo dhaqaalaha lagu socodsiiyo shaqooyinka midawga Afrika.

Shirka maanta ka furmay Addis Ababa oo ah kulankii 11-aad ee aan caadiga ahayn ee ay yeeshaan golaha guud ee midawga Afrika ayaa lasoo geba-gebeynayaa maalinta berri ah.