Taliska AMISOM oo sheegay in howlgalo ka dhan ah Alshabaab ay ka bilaabayaan Jubbada Dhexe+sawirro

Date:

Deegaanada ku teedsan gobolka Jubadda Dhexe ayaa la qorshaynayaa in ay ka dhacaan howlgalo ballaaran oo ay si wada jir ah ay u fulin doonaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,kuwa Midowga Afrika iyo ciidanka Jubbaland oo isgarabsanaya si maleeshiyaadka Alshabaab looga saaro gobolkaasi.

War ka soo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in uu howlgalkaasi uu qeyb ka yahay qorshaha la doonayo in Alshabaab looga xoreeyo guud ahaan dalka, Charles Tai Gituai oo ah taliye kuxigeenka howlgalada ciidamada AMISOM ayaa sheegay in qorshaha howglakan ay horey u meel mariyeen Midowga Afrika,taasi oo qeyb ka ah qorshaha AMISOM ay dalka kaga baxayso marka ay amniga ay ku wareejiyo ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

‘’Waxaanu la kulanay madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aaadan,waxaana ka wada hadalnay sidii loo hirgelin lahaa qorshaha howlgaladaasi oo 30, bishii Novermber ee sanadka ay Addis-Ababa ku ansixiyeen madaxda Midowga Afrika,sidoo kale waxaana kala hadalnay qaabka ugu haboon oo ay isaga kaashan karaan howlgaladaasi ciidamada AMISOM kuwa Xooga Dalka iyo Jubbaland”. Ayuu yiri Charles Tai Gituai.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in gobolka Jubbalad Dhexe la rumeysan yahay in saldhigyo ay ku dhuumaalaysastaan haraadiga Alshabaab ay kuyaalaan,halkaasi oo ay ka soo abaabulaan weerarada qorsheysan,balse ay ka hortagi doonaan.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhankiisa sheegay in maamulka Jubbaland ay diyaar u yihiin sidii maleeshiyaadka alshabaab looga cirib tiri lahaa deegaanada Jubbaland,iyagoo kaashanaya Militariga Soomaaliya iyo AmISOM.

Taliye kuxigeenka AMISOM Charles Tai Gituai  oo ay wehliyaan saraakiil ayaa tagay deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose,waxaana la filayaa in booqasho taasi lamid ah ay ku tagaan magaaloooyinka Beledweyne,Jowhar iyo Baydhabo,iyagoo qiimeyn ku sameynaya nayaan baahiyaha ciidanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...