Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo baaq ka soo saaray xaaladaha ka taagan Baydhabo

Date:

Muqdisho (SNTV) Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayuu kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo,isagoo baaqyana ka soo saaray shirkiisa jaraaid.

Guddoomiye Mursal ayaa ku baaqay in la siidaayo Mukhtaar Roobow,isalmarkaana ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed in ay degnaansho muujiyaan si loo baajiyo in dhiig shacab uu daato.

Sidoo kale Mudane Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan waxaa kale oo uu ka hadlay arrimaha doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu ugu baaqay guddiga doorashadu in ay dib u dhigaan doorashada,si loo xaliyo xaaladaha rabshadaha ah ee ka taagan magaaladaasi.

Hadalka guddoomiye Mursal ayaa imaanaya iyadoo maalmahan magaalada Baydhabo ay ka dhacayeen dibadbaxyo rabshado wata,isagoo xusay in aan loo bahanyahay in laga fogaado waxkasta oo bulshada dibaato u keeni kara

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....