Duqa Muqdisho โ€œXooggaga Wadaniyiinta waxaa laga sugayaa in Gacana ay dalkooda ku dhistaan midna ku Difaacaanโ€.

Date:

Muqdisho(SNTV):โ€“Duqaย Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo u soo xiray Xooggaga Wadaniyiinta Siminaar socday muddo shan casho ah oo lagu baranayay Maamul Wanaangga ayaa ku booriyey in ay dardargeliyaan dadaalladooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka goโ€™an tahay xoojinta dhaqdhaqaaqan ku saleysan isxilqaannimada iyo wax-wada-dhiska bulshadu hormuudka u tahay.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa tilmaamay in la joogteyn doono aqoon-kororsiyada ku saleysan maamul wanaagga oo muhiim u ah shaqada xoogagga Wadaniyiinta ah ee ku saleysan Is-xilqaanka, maadama ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dib u dhiska iyo difaaca dalka.

โ€œSiminaarkan waxuu ahmiyad gaar ah ugu fadhiyaa dib-u-dhiska dalka ee hormuudka u yihiin xooggaga wadaniyiintu , waxaana idinka sugeynaa in gacanna aad ku dhistaan dalkiina midna aad ku difaacdaan, idinkoo ka hortagaya qorshe kasta oo curyaaminaya horumarka dalkiinnaโ€.

Siminaarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay 140 xubnood oo isaga kala yimid Degmooyinka Caasimadda, Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo Saraakiil ka socotay Hayโ€™adaha Ammaanka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale