Home Blog Page 1107

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Akhrintii koowaad marsiiyay Hindisaha wax ka bedelka sharciga Hanti-Dhowraha

0

Muqdisho (SNTV) Ajendaha kulanka guud ee golaha shacabka ee maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee wax ka bedelka Hindise Sharciyeedka Hanti dhowraha oo uu golaha horkeenay guDdiga Maaliyada iyo Miisaaniyada ee golaha shacabka ,waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ay aragtiyadooda ka dhiibteen hindise sharciyeedkan,sidoo kale Xildhibaanada qaarkood ayaa gudiga su’aalo ku aadan hindise sharciyeedkan wax ka weydiiyay.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa gudiga Maaliyada ee golaha Shacabka ,waxa uu ka hadlay Hindise sharciyeedkan iyo muhiimada uu leeyahay,waxaana uu sheegay in hindise sharciyeedkan uu dalka muhiim u yahay islamarkaana ka gudi ahaan ay tix gelinayaan talooyinka Xildhibaanada.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa  faray gudiga maaliyada ee golaha shacabka in ay soo diyaayiraan Akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedkan iyagoo kusoo daraaya talooyinka xildhibaanada ee akhrinta labaad.

Howlo Nadiifin iyo Laami Dhaqis ah oo ka bilowday Muqdisho

0

Muqdisho  (SNTV) Shirkadda Nadaafadda Gobalka Banaadir ee ECCO ayaa xalay Magaalada Muqdisho ka fulisay Barnaamij cusub oo Nadiifin ah kaasoo lagu soo saarayo Quruxda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Gaadiid loogu tala galay inay xaaqaan ka dibna ay dhaqaan ayaa loo adeegsaday nadiifinta Wadada xiriirisa Sayidka iyo Dabka oo ka mid ah Waddooyinka loogu isticmaalka badan yahay Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Shirkadda Nadaafadda Gobalka Banaadir ee ECCO Cabdi Xakiin Yuusuf Xasan ayaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyay Barnaamijkan

“Caawa waxaan bilownay Barnaamij cusub oo aan hore looga baran Magaalada oo ah in Waddooyinkii dib loo nadiifiyo iyadoo qashinka laga qaadayo ka dibna la meyrayo wadada si quruxdeeda loo soo saaro”.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa ugu baaqay dadka degan agagaarka waddooyinka iyo kuwa ku ganacsada inay si toos ah shaqadaasi kala qeyb qaataan oo aan Waddooyinka Qashinka lasoo dhigin.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa dhawaan sheegay in Nadaafaddu Caasimaddu ay Maamulka Gobalka Banaadir u leedahay mudnaan sare, waxaana shacabka Caasimadda uu ugu baaqay in wadajir looga qeyb qaato madaafadda, si Caasimaddu dib ugu soo ceshato bilicdii ay caanka ku ahayd barisamaadkii.

Wasiirka Amniga XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

0

Muqdisho (SNTV);- Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale” ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shirka saddex bilood laha ee Hay”adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,kaasi oo looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay”adda,waxaana sidoo kale mudada uu socdo lagu soo bandhigayaa caqabadaha iyo horumarinta adeegyada ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan oo ah kii 7-aad ee Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa soconaya mudo labo maalin ah waxaana inta uu socdo diirada lagu saarayaa tayeynta iyo sare u qaadista shaqada adag ee hortaalo Hay”adda.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa agaasimaha Guud ee Hay”adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaashanle Sare Cornel Maxamed Adam Jimcaale Koofi,Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale”,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Ahmed Cali Daahir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mr. koofi oo ka hadlay shirkan oo ah kii 7-aad oo Hay’adda ay u qabato Mas’uuliyiinta Laamaha ee Gobolada dalka ayaa sheegay in howlo muhiim ah ay qabteen saddexdii bil ee la soo dhaafay,isagoona xusay in Hay”adda ay qeyb weyn ka qaadatay horumarinta dakhliga dalka oo ay uruurisay dhaqaalo fara badan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cisman (Injneer Yariisow) ayaa shegaay in Maamulka Gobalka Banaadir ay ka Go”an tahay Xoojinta Wadashaqeynta adag ee Ka dhaxeyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir Ayaa shegaay in loo bahan yahay dhowrista sharciga dalka u yaalo si loo ilaaliyo Qaranidimada Umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow “Ducaale” oo ka hadlay shirka ayaa kula dardaarmay Shaqalahaa iyo Mas’uuliyiinta Hay”adda Socdaalka iney ka dheeradan wax walibo oo musuq-maasuq ah oo caqabad ku keeneyso shaqada Qaranka loo haayo,isagoona Hay”adaha amniga faray iney Hay’adda socdaalka kala shaqeeyaan xoojinta iyo wax ka qabashada caqabadaha ay soo gudbiyeen.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo qorshayaal ay ka mid yahiin dhammestirka dib u howlgalinta bar Koontoroolada Xuduudaha Dalka, dar dargalinta dhismaha Xarunta dhaxe ee Hay”adda, dhammestirka dib uu eegista sharciyada  Socdaalka ,Baasaboorka iyo Sameynta Sharciga dhismaha Hayadda.

Ciidamada Amaanka oo hawlgal kasameeyay degmada Hilwaa

0

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed iyo Guddoomiyaha degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir Mudane Cabdixakiim Cumar Cabdulle ayaa xalay kormeeray xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Waaxda Barwaaqo ee degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa ayaa sheegay in kormeerka xalay ay ugu kuur-galayeen xaalada nololeed iyo mida amni ee ay ku sugan yihiin dadka deegaanka.

“Intii aan roondada lugta ah ku jirnay ayaa waxaa kormeer noogu yimid Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Zakiya, waxeyna socod dheer nagala soo bilaawday Xaafada Carto ee Suuqa Xoolaha si ay ugu kuurgasho ee xaalada Nololeed iyo Mida Amni ee ay kusugan yihiin dadka deegaanka, waxeyna balan qaaday in ay Rugo Cusub oo Booliis laga sameyn doono Xaafada Suuqa Xoolaha si bulshada ku dhaqan xaafadaasi ay u hesho Amni iyo Adeeg Dowladeed oo dhammeystiran,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiim.

Sidoo kale, Mudane C/xakiim Cumar Abdulle ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan olole ballaaran oo ay dib ugu furayaan wadooyinka waaweyn ee ay xireen Geed Yahuudka iyo kuwa sharci darada ah loo degan yahay ee sababay in la waayo meelo ay maraan dadka shacabka ah ee degan xaafadaasi.

Maamulka degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa dardar gelinaya adeegyada muhiimka ah ee shacabka degmadaasi u baahan yihiin sida amniga,soo celinta bilicda iyo waliba in wada shaqeyn dhab ah dhex marto Maamulka iyo shacabka degmadaasi.

 

Wasiirka Amniga oo sheegay inay War kasoo saari doonan dhacdadii kadhacday degmaad wadajir

0

Muqdisho(SNTV) Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Islow “Duucaale” iyo Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladdu go’aan cad kasoo saareyso dhacdadii ka dhacday Siligga Ameerikaanka ee Magaaladda Muqdisho taas oo ay ku dhinteen dad shacab ah.

Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle ayaa sheegtay arrintan soo noqnoqtay dibna isugu laabaneyso Dowladda Soomaaliya si-arrintan go’aan uga gaarto.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukuar Islow ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in uu ka tacsiyeynayo dadkii ku dhintay isku dhaca ka dhacay Xaafadda Siligga.

Wasiir Islow ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya baaritaan rasmi ah ku sameyneyso wixii ka dhacay Siligga loona dulqaadan doonin arrintan soo laalaabato.

Wasiir Islow ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqayo inaysan ku kadsoomin dhul aan sharci aheyn inay iibsadaan.

“Waxaan Xildhibaano iyo Wasiiro ku nahay Madaxiina waxaana ka xunahay wixii halkan kadhacay dadka dhintay waxaan ka qeyb qaadaneynaa sidii loo aasi lahaa”

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambi.

0

Muqdisho (SNTV)- Saldhiga degmada Dharkenley  ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiisk Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka  Side eed ka dhan ah Dable Cali Maxamuud Axmed, Cabdixaaji  Bashiir, Axamed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifatax Cabduqaadir Axmed  oo kawada tirsan Ciidamada Asluubta  kuwaasi  oo ay soo gudbiyeen ciidanka deeganka Garsabaaley  oo   sheegay in ay dhac geysanayeen Afartoodaba.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane xabsiga dhexe  garsuge ahaan si’ ay u soo dhameystiraan caddeymaha  kiiska.

06 bishan ayay xafiiska Xeer Ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane,  waxaana sedax cisha kadib Maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska Saldhiga Boliska Dharkenley iyo Ilaalada deeganka Garsabaaley.

Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno  caddeymo dheeraad ah oo markale la isusgu soo noqdo  fadhiga Maxkamadda.

18-ka bishan ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta la soo shir tageen  kaliya in ay jirto in xilliya kala duwan dhac loo geysan jiray dadka deegaanka  hasa ahaate xilliga afarta eedeysane la soo qabanayay aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen.

Qareenka u dooday  afarta eedeysane ayaa fadhiga Maxkmadda ka sheegay  in ay raggan ilaalo indha indheyn ah ay ka  hayeen fadhigooda, waxa uu sidoo kale ku dooday in aysan jirin wax cadeyma ah oo lagu xukumi karo sidaas darteed uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xurriyadooda.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan ayaa ugu dambeyn go’aan ku  gaaray in la siiyo xurriyadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray Xarunta Degmada Wadajir

0

Muqdisho(SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Wadajir ayaa sheegay in horumarka Gobolka aanu u joogsanayn falalka burburinta iyo gumaadka ah ee argagixisada Alshabaab.

Xarunta Degmada oo dib u dhis lagu sameeyey ayaa ku burburtay weerar argagixisanimo, waxaana dib u dhiska xaruntan ka qayb qaatay shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow ayaa uga mahad celiyey bulshada iyo waxgaradka Degmada Wadajir dadaalka ay ku bixiyeen dib u dhiska xarunta degmada iyo sida ay uga mideysan yihiin xaqiijinta horumarka ay higsanayaan.

Sidoo kale, Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka degmada in ay dardar geliyaan howlaha adag ee horyaalla oo la xiriira ilaalinta bilicda iyo fayo dhaworka degmada, la dagaalanka musuq maasuqa, xoojinta wada shaqeynta bulshada degmada iyo laamaha amniga, baahinta adeegyayada asaasiga ah, xoojinta isku duubnida iyo daris wanaagga bulshada degmada Wadajir.

Maamulka iyo dadka degmada ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir dadaalka joogta ah ee uu ku bixiyey dib u dhiska xarunta degmada iyo sida casriga ah ee loo qalabeeyey xafiisyada loogu adeegayo bulshada, iyagoona ballan qaaday in ay si siman oo hufan ugu adeegayaan bulshada.

Ciidanka ammaanka oo gacanta ku dhigay Shabakad Ku Howlaneed Daabicista Lacag Faalso Ah

0

Muqdisho (SNTV):-Ciidamada Amaanka ayaa Khamiistii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegnayd 18/10/2018 garoonka Muqdisho ku qabtay shakhsi doonayay in halkaasi kala dhoofo lacag been abuur ah oo isugu jirta dollar iyo Euro.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Nabad Sugidda iyo sir doonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in Lix saac kadib Markii laqabtay lacagtaasi ay ciidamada Amnigu ku guuleysteen in magaalada daafaheeda ay ka soo qabtaan shabakadii howshaasi ku howlaneed oo dhamaystiran.

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay howlaha sugidda Amniga dalka, iyagoo ka hortagay falal isugu jiray Argagixisanimo, burcad dadweynaha isbaareysanayay iyo shabakado isku xiran oo ka shaqeynayay daabicista lacag been abuur ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo baaq u dirtay Madaxda Maamul Goboleedyada

0

Muqdisho (SNTV);- War ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gogoshii uu u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maamul Gobolleedyada wali sideedii tahay,islamarkaana Dowladda Federaalka diyaar u tahay in ay dhagaysato kana garawdo wixii cabashooyin iyo tabashooyin ah ee jira ee ay soo gudbiyaan madaxda dawlad-goboleedyadu.

Haddaba Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

Sida la wada ogsoon yahay, waxa 8dii Seteember, 2018 uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu gogol u fidiyay madaxda Maamul-goboleedyada in ay ka soo qayb-galaan shir wada-tashi oo looga wada-xaajoonaayo arrimaha masiiriga ah ee dalka oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinta Siyaasadda loo dhan yahay iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha.

Shirkaas oo ujeeddadu ahayd in uu qabsoomo 16-17ka Seteember, balse ay ka baaqsadeen Madaxda Maamul-goboleedyadu.

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay halkan ku caddaynaysaa kuna baaqaysaa:

1) In gogoshii uu fidiyay Madaxweynaha JFS ay weli sideedi tahay islamarkaana Dawladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhagaysato kana garawdo wixii cabashooyin iyo tabashooyin ah ee jira ee ay soo gudbiyaan madaxda dawlad-goboleedyadu.

2) Dawlada Federaalka Soomaaliya iyadoo ixtiraamaysa Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaal, waxa ay aaminsan tahay wada-tashi, isla-tashi iyo isku-tashi iyadoo wixii khilaaf ah ee dhaca lagu xallinaayo si Soomaalinimo ah.

3) Dawladda Federaalka Somaaliya waxa ay adkaynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Ummada Soomaaliyeed, iyada oo loo maraayo hab ku salaysan wada-tashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda Qaranka, heer Federaal iyo heer Maamul-goboleed. Arrimaha Soomaalida waxaa iska leh dadka Soomaaliyeed.

4) Wasaaradda Arrimaha Gudahu iyadoo tix-gelinaysa Shuruucda dalka waxa ay mar kale ku baaqaysa in doorashooyinka Baarlamannada iyo Madaxda Maamul- goboleedyadu ay ku qabsoomaan waqtigii loogu talo-galay, una dhacaan si daah- furan oo waafaqsan dasturka iyo shurucda dalka u yaal. Jadwalka doorashooyinka ee labada maamul-goboleed ee u horreeyaa waxa uu u dhacayaa sidatan: (Koonfur-galbeed 17ka November, 2018, Puntland 8da January, 2019). Maamul- goboleedyada ku xigaa waa in ay ilaaliyaan xilliga dorashada.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo dadaal ugu jirta horumarinta Waxbarashada dalka

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya  Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay xubno ka socda  (creative Associate  International) oo door muhiim ah ka qaadata horumarinta waxbarashada iyo hal abuurka.

Kulanka ayaa looga hadlay siddii xubnahan ka socda creative Associate  International, ay wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga caawin lahayeen horumarinta waxbarashada dalka.

Xubnaha ka socda creative Associate  International, ayaa wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre u sheegay in howlo muhiim ah oo dhanka waxbarashada ay ka qabteen dalka.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in xubnahan ay ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha waxbarashada islamarkana creative Associate  International, ay door muhiim ah uga qaadan laheyd Waxbarashada dalka.

“Waxaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay xubno ka socda creative Associate  International oo kala ah Eileen st, George iyo Maryam jinani, waxaan ka wada hadalnay arrimo ay ka mid tahay sidii wasaaradda waxbarashada ay gacan uga siin lahayeen horumarinta waxbarashada dalka, waana isku afgaranay,”ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka waxay dadaal dheer ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa u mahad celiyay xubnahan maanta soo booqday.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kulamo la qaadanayay hay’addaha ka shaqeeya arrimaha waxbarashada isagoo kala hadlayay siddii door muhiim ah uga qaadan lahayeen horumarinta waxbarashada dalka.