Sanatar Ayuub Ismaaciil oo Dhalinyarada ku bogaadiyey Kobcinta Afka Soomaaliga

Date:

Muqdisho (SNTV) Iyadoo maalmahan lagu jiro Xuska Afafka Aduunyada ayaa waxa goobo badan oo dalka kamid ah lagu qabtay Xuska Afka Soomaaliga, akhriska iyo horumarintiisa.

Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaalada muqdisho islamarkaana ay soo qabanqaabiyeen Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Muqdisho ayaa aad loogu dhiiri galiyay horumarinta afkeena, iyada oo aad loo dul istaagay in wax la qoro lana akhriyo, waliba afkeena hooyo si uu u kabco uguna biirin luuqadaha la sheegayo in boqolaal sano ka dib dabar go,ayaan.

Madashan oo kulmisay dad badan waxa hadal kooban ka jeediyay Senator Ayub Ismaaciil Yuusuf oo ah xubin dhalin yaro ah kana tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo dhiira galiyay muhiimada wax akhriska iyo qoraalka, wuxuna isdultaagay aadna u xasuusiyay dhalinyarada in ay akhriyaan Dastuurka kana doodaan dadkana u akhriyaan, kaas oo noqon doona tiirka koobaad ee Dowladnimada Soomaaliyeed.

Madasha ayaa u mahadcelisay Senatorka sida uu u garab istaago Dhalinyarada, isaga oo ka mid ahaa dadkii taabo galiyay qabsoomidda Barnaamijkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...