Sanatar Ayuub Ismaaciil oo Dhalinyarada ku bogaadiyey Kobcinta Afka Soomaaliga

Date:

Muqdisho (SNTV) Iyadoo maalmahan lagu jiro Xuska Afafka Aduunyada ayaa waxa goobo badan oo dalka kamid ah lagu qabtay Xuska Afka Soomaaliga, akhriska iyo horumarintiisa.

Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaalada muqdisho islamarkaana ay soo qabanqaabiyeen Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Muqdisho ayaa aad loogu dhiiri galiyay horumarinta afkeena, iyada oo aad loo dul istaagay in wax la qoro lana akhriyo, waliba afkeena hooyo si uu u kabco uguna biirin luuqadaha la sheegayo in boqolaal sano ka dib dabar go,ayaan.

Madashan oo kulmisay dad badan waxa hadal kooban ka jeediyay Senator Ayub Ismaaciil Yuusuf oo ah xubin dhalin yaro ah kana tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo dhiira galiyay muhiimada wax akhriska iyo qoraalka, wuxuna isdultaagay aadna u xasuusiyay dhalinyarada in ay akhriyaan Dastuurka kana doodaan dadkana u akhriyaan, kaas oo noqon doona tiirka koobaad ee Dowladnimada Soomaaliyeed.

Madasha ayaa u mahadcelisay Senatorka sida uu u garab istaago Dhalinyarada, isaga oo ka mid ahaa dadkii taabo galiyay qabsoomidda Barnaamijkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...