Home Blog Page 1108

Miinooyin laga soo saaray waddooyin kuyaala Jubada Hoose

0

Jubbaland (SNTV) Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa qaybo ka mid ah gobolka Jubada hoose ka sameeyey hawlgal miino saaris ah oo waxyaabaha qarxa looga nadiifinayo waddooyinka ay maleeshiyada Al-shabaab ku aaseen.

Deegaanka Qooqaani ee Gobalka Jubada Hoose ayaa ka mid ah meelaha laga saaray Miinooyinka, kuwaas oo kooxda xagjirka ah ay doonaysay inay shacabka iyo ciidamada ku waxyeelayso.

Horraantii todobaadkan ayaa hawlgal ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubada hoose lagu dilay in ka badan 70-ka tirsan kooxda Al-shabaab, ka dib dagaal dhulka iyo duqayn cirka ah oo lagu qaaday.

Alshabaab ayaa soo food saartay cabsi iyo walal kadib markii ay sii xogeysteen howlgalada ka socda qeybo kamid ah gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,gaar ahaan meelaha ay kaga dhuumaalaysanayaan deeganadaasi.

Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isu dhiibay Boliiska Kenya

Muqdisho (SNTV):-Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa baaraya Kiiska Nin 23 jir ah oo ka  baxsaday Xero ay tababar ku siinayeen kooxda Al-Shabaab, markii uu isu dhiibay Saldhigga Boliiska degaanka Nakuru.

Samuel Obara, oo ka mid ah Saraakiisha Boliiska ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay inuu Ninkani tagay Saldhigga Maqribnimadii Axaddii ee Todobaadkan, xubinna uu ka ahaa Ururka Al-Shabaab.

Mr Obara ; ayaa sheegay in xilligii uu Ninkani u imanayay uusan wadan wax Hub ah, iyadoo si deg-deg ah uu u qaabbilay Xafiiska baarista dembiyada culus ee Nakuro , waxaana sidoo kale codsaday in ay su’aalo weydiiyaan Ciidanka ka hortagga argagixisada ee Degmada Eldoret si loo hubiyo tuhmanaha.

Dembi baare sare, oo Magaciisa qariyay, ayaa u sheegay Jariiradda Daily Nation, in uu Ninkani ka baxsaday Xero tababar oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaanka Bomboolulu , oo ka tirsan Gobolka Mombasa , kana baqaya Khatar xagga nolosha ah oo kaga timaaddo argagixisada.

Ninkan ayaa sidoo kale Boliiska Kenya u sheegay in uu Al-Shabaab ku biiray Bishii September 2018-kii, Muddo Shan Bil ahna uu tababar qaadanayay.

Wejigii 1-aad ee dib u hesiisiinta K/Galbeed oo la soo geba gebeeyey

Baydhabo (SNTV) Munaasabad ballaaran oo lagu soo geba gebeynayay wejigii koowaad ee dib u heshiisiinta K/Galbeed iyo taageeridda maamulka cusub ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan,C/weli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka,madaxweyne Laftagareen,wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya  iyo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

XIldhibaanadii,wasiiradii iyo odayaashii dhaqanka oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodi muujiyay in ahmiyad ay leedahay midnimada shacabka Koonfur Galbeed,Ugu horeyn  Xildhibaan Malaaq Aadan Ibraahim Dhaayow iyo wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Muhiim ay tahay midnimada dadka Reer koonfur Galbeed.

C/casiis Maxamed Xasan(LaftaGareen) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed ayaa sheegay in qof walba oo ah oo Reer koonfur Galbeed uu heli doono adeegyada bulshada ee uu xaqa u leeyahay,isagoo ka codsaday bulshada in ay la shaqeeyaan maamulkiisa.

Sidoo kale waxaa halkaasi hadal ka jeediyay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in horumarka iyo maamul wanaaga koonfur Galbeed ay ku xirantahay wada shaqeynta shacabka iyo maamulka koonfur Galbeed,wuxuuna ku booriyay maamulka iyo bulshada deegaanada Koonfur Galbeed in ay wadashaqeeyaan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga mahad celiyay dadaalada dib u heshiisiinta ah ee uu wado isagoo la dardaarmay bulshada koonfur Galbeed,wuxuu guddoomiye Mursal uu sheegay in shacabka looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan maamulka si looga gudbo dhibaato kasta horumarna loo gaaro.

Loolanka Al-shabaab iyo Daacish muxuu ku salaysan-yahay?!

0

Muqdisho (SNTV):-Daacish waa Urur xagjir ah oo ka soo billowday Dalalka Ciraaq iyo  Suuriya, waxaana asaaskeeda lahaa Nin la yiraahdo  Abuubakar Albaqdaaqi , horraantiii Sanadki 2014ka, waxa ayna ku fideen meelo badan oo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya.

Ururka Daacish waxa uu ka faa’iideystay bur-burkii iyo awood-darradii haysatay Dowladaha Ciraaq iyo Suuriya, taas oo meesha ka saartay xakamayta ururkan.

Daacish ama ISIS waxaa u suurta-gashay in ay hesho ilo dhaqaale iyo  adeegsiga  warbahinta casriga ah, taasina waxay u sahashay in ay marin habaabiyaan  Boqolaal Dhallinyaro ah oo aan waxbadan ka aqoon Diinta Islaamka iyo xeerarka u degsan jihaadka.

Hal-hayska iyo hal ku dheggooda wanaagsan ee ah ” Soo celinta Dawladdii  Islaamka ” ayaa  keenay in Dhallinyaro badan oo jidbaysani ay rumaystaan, sidaana kaga mid noqdaan Ururka Daacish.

Daacish iyo Al-Shabaab  maxaa ay ku kula duwanyihiin ?

Waxa jira dhowr qodob oo ay ku kala duwanyihiin Daacish iyo Al-shabaab, waxana ka mid ah:

  1. Ku soo biiridda (Askaraynta ) Al-shabaab waxa ay aad xoogga u saaraan in Qofka kusoo biiraya la mariyo baaritaan dheer, lana dabagalo si loo hubiyo  in ay dhab ka tahay mabda’a xagjirnimada ah, xogtooduna waa mid inta badan sir ah, halka Daacish aanay xoogga saarin hab-dhaqanka Qofka, waxa ay muhiimadda saaraan in qofku uu addeeco hoggaamiyaha, lagana qaado ballan adag (Baycada).

 

  1. Isticmaalka aaladda Internetka:

Al-Shabaabka isticmaalka interner-ku waa mid kooban, marka loo eego Daacish oo aad ugu soo caan-baxday adeegsiga baraha bulshada , ururinta dhaqaalaha iyo raadin taageero dhallinyaro ah.

  1. Bahalnimada :

Labada kooxood waa kuwo ah arxan laawayaal qalbi adag oo aan haba yaraatee wax naxariis ah lahayn, waxa ay ka mideysan yihiin dilka, bur-burinta iyo qaraxyada ismiidaaminta ah.

Daacish waxa intaas u sii dheer  in ay si toos ah  u fuliyaan toogasho , gubid , madax ka goyn,   iyagoo adeegsanaya aaladda Internet-ka,  si toos ahna  u tebinaya,  taas oo dhalisay arga-gax iyo cabsi la soo deristay Dadweynaha.

 

  1. Daacish waxa ay xoogga saaraan in ay qabsadaan  goob-walba oo ka tirsan caalamaka, halka Al-shababa ay ku koobanyihiin goobo gaar ah.

Maxay ka siman yihiin?

1.Xag-jirnimada:

Waxaa  ay ka soo horjeedaan dhex-dhexaadnimada  , waa kooxo aragti ahaan watan astaan lagu yaqaanno takfiirka, waana astaan Labada kooxood ee Al-shabaab iyo Daacish  ku caan-bexeen.

  1. Xad-gudubyada:

Waxa ay sameeyaan falal  ka dhan ah bini’aadannimada iyo Diinta Islaamka,  sida dilalka ,qaraxyada ismiidaminta ,dhaca iyo boobka hantida Dadweynaha,  faafinta aragtiyo gurracan, adeegsiga iyo ku tagrifalka awoodda Hubka iyo hanjabaado kulul.

  1. Bur-burinta hantida Qaranka :

Waxa ay diiddanyihiin dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyaga oo ka  hor imanaya Dowlad-nimada iyo horumarka nolosha Aadanaha.

  1. Dilalka qorshaysan:

Waxa ay beegsadaan aqoonyahannada , Wax garadka , Culimada iyo cid-walba oo ka soo horjeesata fekerkooda .

  1. Al-shabaab iyo Daacish: waxa ay ku caan-baxeen dhibaataynta Dad Muslimiin ah, waana astaan lagu yaqaan oo muujinaysa xagjinimadooda.

Khilaafka Al-shabaab iyo Daacish   maxaa uu  ku salaysan yahay?

1.Khilaafka Labada kooxood maaha mid hadda soo if-baxay, waxa uu bilaabmay Sanadkii 2015,  xilligaas oo Labada dhinacba ay ku dagaalameen dhowr jeer Gobollada Jubbooyinka iyo Buuraleyda Gobolka Bari oo ah Saldhiga Daacish.

Waxaana halkaas khasaarihii ugu badnaa loogu geystay hogaamiyeyaal ka mid ah Daacish,iyadoo laga dilay xubno ay ka mid yihiin, Sheekh Abuu Nucmaan Bashiir,  Xuseen Cabdi Aadan iyo Mohammed al-Makkawi oo u dhashay Dalka Suudan .

  1. Sababaha la xiriira dilalka iyo isku dhacayada ayaa ah mid koox waliba ay ku raadinayso isballaarin iyo dhoollatus awoodeed oo ay ku cabsi-gelinayso xubnaha ka tirsan haddii ay is ku dayaan in ay ka go’aan ama ku fekaraan in meel kale ay ka aadaan kooxda.

 

  1. Kooxda Al-shabaab ayaa billowgeedii ka billowday Goballada dhexe iyo koofurta Soomaliya, halka Daacish ay ka go’een Al-shabaabta Koofurta iyo kuwa Gobalka Bari halkaas oo hadda Saldhiga u ah.

Dhanka kale, khubara ka faallooda dhaq-dhaqaaqyada xarakaadka Islaamiga ah ayaa u arka in  Labada Urur ay ku loollamayaan in ay ka xajistaan mid waliba  mid kale Dhulka ama goobta uu joogo.

  1. Xoolaha xoogga looga qaadayo Shacabka masaakiinta ah ayaa ah wax yaabahii ugu weynaa ee keenay iska horimaadka Labada dhinac Bishaii November 2018.

 

  1. Al-Shabaab oo ka dhega adaygtay in ay ka leexdaan xubnaha Daacish ee ku sugan koonfurta Soomaliya , halka Al-shabaab ay u arkaan Daacish cadow raba in ay qiil-qiil geliyaan.

Dhibaatooyinka iyo cadaadisyada soo foodsaaray kooxahan

1- Labada kooxood ayaa ku jira difaac iyo cabsi mid-ba midka kale rabo in uu  soo afjaro.

2- Dagaallada ka dhanka ah Labada kooxood ee   ay wadaan ciidamada Dowladda Soomaliya ee ka socda Gobollada Dalka ayaa culays  ku noqday Laba Ururba.

3- Duqaymaha Cirka ee Ciidmada Mareykanka iyo Midowga Afrika oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa Ururdan ayaa sababay in ay aad u wiiqmaan awoodihii ay ku lahaayeen Dhulka ka baxsan Magaalooyinka.

4- Kacdoonka Dadweynaha ee ka soo horjeeda kooxaha xag-jirka ah ayaa qayb ka ah in ay yaraato awooddii ay ku maquunin jireen Dadka Shacabka ah eek u dhaqan meelaha ay ka arrimiyaan.

Eng. Yarisow “Wax dulqaad ah uma yeelan doono in danta guud looga faa’iideysto dano gaar ah”

0

Muqdisho (SNTV) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib ugu soo celiyey gacanta Dawladda Hoose Xarunta Waaxda Oktoober ee degmada Waaberi oo si sharci darro ah warqado ugu sameysteen shaqsiyaad, lagana dhigay goobo ganacsi, iyadoo maanta dib loogu soo celiyey danta guud, si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in hantida Qaranka uu qof shaqsi ah iskaga heysto ama loo sameysto warqado been abuur ah.

“Waxaan soo saarnay warqad aan ku baa’bi’inay sharciyada loo sameystay dhulka danta guud, taasoo qeyb ka ah siyaasadda aan ku ilaalinayno hantida qaranka, wax dulqaad ahna uma yeelan doono in danta guud looga faa’iideysto dano gaar ah” Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

“Dhammaan Dhulka danta guud waan ku raadjoogi doonaa waana ka dabategaynaa. Waxaa naga go’an inaan la dagaalano musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, waxana ku shaqayn doonaa hanaanka dawladnimada iyo xayndaabkiisa si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan cadaalad waarta.”

Waaxda October ee Degmada Waaberi ayaa kamid ah goobaha loogu adeego danta guud, waxana uu maamulka G/Banaadir bilaabi doonaa dib-u-dhiska xarunta Waaxda si shacabka uga faa’iideystaan.

Taliyaha Qeybta 43-Aad ee Ciidanka XD oo sheegay in la xoojiyay Howlgalada ka Socda Jubbada Dhaxe

0

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Nawaaxiga degaanka Xagar oo u dhaw Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada dhaxe.

Taliyaha Qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in la xoojiyay Howlgalada ka Socda gobolka jubbada Dhaxe.

General Bogmadow waxa uu sheegay in ujeedka uu yahay in Nabadiidka Al-shabaab laga Xureeyo Magaalada Buaale ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliye Bogmadow ayaa tilmaamay in Magaalada Bu’aale ay hada kaabiga ku hayaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa jubbaland

Ugu Dambeytii general Cali Bogmadow ayaa Xaqiijiyay in Howlgalada ka Socda degaanada Jubbaland Al-shabaab looga guuleestay.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Qaar kamid ah xarumaha Wasaaradaha

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradaha maaliyadda, arrimaha dibdada, qorshaynta, shaqaalaha iyo hawlaha guud si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horayn guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay dardar-gelinta qorshaha cafinta daymaha lagu leeyahay dalka.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo sidoo kale kormeeray wasaaradaha arrimaha dibdada, qorshaynta, shaqaalaha iyo hawlaha guud, waxa wasiirada iyo uuna hawl-wadeennada  wasaaradaha faray in laba jibbaaraan fulinta shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda si loo xaqiijiyo isla xisaabtan ku salaysan daah-furnaanta iyo daah-furnaanta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta Xarunta Wasaaaradda Arrimaha gudaha waxaa uu kula Kulmay Safiirka Dowladda Turkiga ee dhawaan lasoo magacaabay iyo ku-xigeenkiisa.

Waxaa labadda dhinac ka wada hadleen sidda loo sii xoojin karo wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaaradda Arrimaha Gudaha iyo sidoo kale Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya,kuwaas oo si toos ah isaga kaashada dhinacyo badan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Safiirka Dowladda Turkiga ku qaabilo Xafiiskiisa kaas oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.

“Waxaaan soo dhaweeyey Safiirka Turkiga iyo sidoo kale kuxigeenkiisa waxaan ka wada hadnay arrimaha wada shaqeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Safaaradda maadaama aan wadaagno Shaqooyin badan iyo waliba sidoo kale Xiriirka ka dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Soomaaliya, Waxaa kale oo aan kawadalnay sidda loo wajahayo Mashaariicda xiliyada qaar imaanka iyo qaabka loo maareynayo” sidaasi waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Safiirka cusub Dowladda Turkiga Mr. Yilmaz ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabka Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen waxaana uu sheegay in wado shaqeyn dhow la yeelanayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ugu danbeyntii kulanka waxaa sidoo kale joobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Dalka.

Wasaaradda waxbarashada XFS oo deeq waxbarasho u direysa Ardeydii kaalmaha hore ka galay imtixaanka dowladda

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed,wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ,ayaa maanta kulan wadajira la qaatay 10-kii ardey ee kaalmaha hore ka galay imtixaankii ay qaaday wasaaradda waxbarashada  ee 2017 iyo 2018-ka.

Madaxda wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka ayaa 10-ka ardey ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka dowladda u ballan qaaday inay waxbarasho dibadda u diri doonto.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in mar walba wasaaradda waxbarashada ay diyaar u tahay kor u qaadista waxbarashadda ardayda Soomaaliyeed.

‘’Ka wasaarad ahaan waajib ayaa naga saaran sidaan u dhisi laheyn aqoonta ardayda Soomaaliyeed,waxana naga go’an in aan meel sare gaarsiino arday kasta waxana ay qeyb ka tahay hamigeena dhow”ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada.

Wasiiro dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (jaabir) ayaa ardayda kala hadlay hamigooda ah heerka ay doonayaan in ay ka garaan waxbarashada,wuxuuna u balan qaday in ka wasaarad ahaan ay garab istaagi doonaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in wax lagu farxo aytahay in ardayda Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin in ay heer ka gaaraan waxbarashada.

Wasaaradda waxbarashada ayaa wada dadaalo ku adan sidii kor loogu qaadi lahaaa waxbarashada ardayda Soomaaliyeed, iyadoo deeqo waxbarasho loo diray ardey Soomaaliyeed kuwaasoo hadda wax ka barta dalalka Shiinaha, Suudaan, Itoobiya ,Ruushka iyo Masar.

????????????????????????????????????

Duqa Muqdisho oo Qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey guri muddo ka maqnaa

0

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey guri muddo ka maqnaa ayaa sheegay in Maamulka Gobolku ay ku guuleysteen soo celinta hanti muddo ka maqnayd muwaadiniin kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa xafiiskiisa si wada jir ah ugu qaabilay labadii qoys ee loo kala celiyey guriga, isagoona ku bogaadiyey qoyskii horey u deganaa sida wanaagsan ay u wareejiyeen una soo dhaweeyeen walaalahooda lahaa mulkiyadda guriga.

“Waxaan idiin ka mahadcelinayaa sida aad isu cafiseen, una garawsateen muhiimadda ay leedahay walaaltinimada idin ka dhaxeysa ee aan dhammaanayn. Tallaabadan aad wada jirka u qaadeen waxa ay waji cusub u tahay xal u helista murannada dhulka iyo hantida maguurtada ah ee ka dhaca Gobolka Banaadir.”

Dhankooda, labada qoys ee loo kala celiyey guriga ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen xal u helista murankii ka dhaxeeyey iyo sida isfahanka iyo walaaltinnimada leh ee ay ku dhammaatay.

Kulanka waxaa goob joog ku ahaa Guddoomiyaha Degmada Shibis Marwo Safiyo Sheekh Cali oo degmadas uu ku yaallo guriga loo soo celiyey qoyskii mulkiyadda u lahaa.