Home Blog Page 1108

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray Xarunta Degmada Wadajir

0

Muqdisho(SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Wadajir ayaa sheegay in horumarka Gobolka aanu u joogsanayn falalka burburinta iyo gumaadka ah ee argagixisada Alshabaab.

Xarunta Degmada oo dib u dhis lagu sameeyey ayaa ku burburtay weerar argagixisanimo, waxaana dib u dhiska xaruntan ka qayb qaatay shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow ayaa uga mahad celiyey bulshada iyo waxgaradka Degmada Wadajir dadaalka ay ku bixiyeen dib u dhiska xarunta degmada iyo sida ay uga mideysan yihiin xaqiijinta horumarka ay higsanayaan.

Sidoo kale, Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka degmada in ay dardar geliyaan howlaha adag ee horyaalla oo la xiriira ilaalinta bilicda iyo fayo dhaworka degmada, la dagaalanka musuq maasuqa, xoojinta wada shaqeynta bulshada degmada iyo laamaha amniga, baahinta adeegyayada asaasiga ah, xoojinta isku duubnida iyo daris wanaagga bulshada degmada Wadajir.

Maamulka iyo dadka degmada ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir dadaalka joogta ah ee uu ku bixiyey dib u dhiska xarunta degmada iyo sida casriga ah ee loo qalabeeyey xafiisyada loogu adeegayo bulshada, iyagoona ballan qaaday in ay si siman oo hufan ugu adeegayaan bulshada.

Ciidanka ammaanka oo gacanta ku dhigay Shabakad Ku Howlaneed Daabicista Lacag Faalso Ah

0

Muqdisho (SNTV):-Ciidamada Amaanka ayaa Khamiistii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegnayd 18/10/2018 garoonka Muqdisho ku qabtay shakhsi doonayay in halkaasi kala dhoofo lacag been abuur ah oo isugu jirta dollar iyo Euro.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Nabad Sugidda iyo sir doonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in Lix saac kadib Markii laqabtay lacagtaasi ay ciidamada Amnigu ku guuleysteen in magaalada daafaheeda ay ka soo qabtaan shabakadii howshaasi ku howlaneed oo dhamaystiran.

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay howlaha sugidda Amniga dalka, iyagoo ka hortagay falal isugu jiray Argagixisanimo, burcad dadweynaha isbaareysanayay iyo shabakado isku xiran oo ka shaqeynayay daabicista lacag been abuur ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo baaq u dirtay Madaxda Maamul Goboleedyada

0

Muqdisho (SNTV);- War ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gogoshii uu u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maamul Gobolleedyada wali sideedii tahay,islamarkaana Dowladda Federaalka diyaar u tahay in ay dhagaysato kana garawdo wixii cabashooyin iyo tabashooyin ah ee jira ee ay soo gudbiyaan madaxda dawlad-goboleedyadu.

Haddaba Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

Sida la wada ogsoon yahay, waxa 8dii Seteember, 2018 uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu gogol u fidiyay madaxda Maamul-goboleedyada in ay ka soo qayb-galaan shir wada-tashi oo looga wada-xaajoonaayo arrimaha masiiriga ah ee dalka oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinta Siyaasadda loo dhan yahay iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha.

Shirkaas oo ujeeddadu ahayd in uu qabsoomo 16-17ka Seteember, balse ay ka baaqsadeen Madaxda Maamul-goboleedyadu.

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay halkan ku caddaynaysaa kuna baaqaysaa:

1) In gogoshii uu fidiyay Madaxweynaha JFS ay weli sideedi tahay islamarkaana Dawladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhagaysato kana garawdo wixii cabashooyin iyo tabashooyin ah ee jira ee ay soo gudbiyaan madaxda dawlad-goboleedyadu.

2) Dawlada Federaalka Soomaaliya iyadoo ixtiraamaysa Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaal, waxa ay aaminsan tahay wada-tashi, isla-tashi iyo isku-tashi iyadoo wixii khilaaf ah ee dhaca lagu xallinaayo si Soomaalinimo ah.

3) Dawladda Federaalka Somaaliya waxa ay adkaynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Ummada Soomaaliyeed, iyada oo loo maraayo hab ku salaysan wada-tashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda Qaranka, heer Federaal iyo heer Maamul-goboleed. Arrimaha Soomaalida waxaa iska leh dadka Soomaaliyeed.

4) Wasaaradda Arrimaha Gudahu iyadoo tix-gelinaysa Shuruucda dalka waxa ay mar kale ku baaqaysa in doorashooyinka Baarlamannada iyo Madaxda Maamul- goboleedyadu ay ku qabsoomaan waqtigii loogu talo-galay, una dhacaan si daah- furan oo waafaqsan dasturka iyo shurucda dalka u yaal. Jadwalka doorashooyinka ee labada maamul-goboleed ee u horreeyaa waxa uu u dhacayaa sidatan: (Koonfur-galbeed 17ka November, 2018, Puntland 8da January, 2019). Maamul- goboleedyada ku xigaa waa in ay ilaaliyaan xilliga dorashada.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo dadaal ugu jirta horumarinta Waxbarashada dalka

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya  Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay xubno ka socda  (creative Associate  International) oo door muhiim ah ka qaadata horumarinta waxbarashada iyo hal abuurka.

Kulanka ayaa looga hadlay siddii xubnahan ka socda creative Associate  International, ay wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga caawin lahayeen horumarinta waxbarashada dalka.

Xubnaha ka socda creative Associate  International, ayaa wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre u sheegay in howlo muhiim ah oo dhanka waxbarashada ay ka qabteen dalka.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in xubnahan ay ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha waxbarashada islamarkana creative Associate  International, ay door muhiim ah uga qaadan laheyd Waxbarashada dalka.

“Waxaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay xubno ka socda creative Associate  International oo kala ah Eileen st, George iyo Maryam jinani, waxaan ka wada hadalnay arrimo ay ka mid tahay sidii wasaaradda waxbarashada ay gacan uga siin lahayeen horumarinta waxbarashada dalka, waana isku afgaranay,”ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka waxay dadaal dheer ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa u mahad celiyay xubnahan maanta soo booqday.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kulamo la qaadanayay hay’addaha ka shaqeeya arrimaha waxbarashada isagoo kala hadlayay siddii door muhiim ah uga qaadan lahayeen horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka Maaliyadda oo Dalka dib ugu soo laabtay

0
Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliy Dr, C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Dalka dib ugu soo laabtay Maanta, markii uu dhowaan booqasho howleed ku tagay Waddamada Indonesia iyo Britain.

Mudane, Beyle, ayaa sheegay inuu Indonesiya kaga qayb galayshirka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bankiga Adduunka, oo ay natiijooyin wanaagsan kasoo baxeen, isagoo intaa raaciyay inay dhamaantood qireen in Soomaaliya ay Maaliyaddeedu hagaajisay.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu casumaad rasmi ah ka helay Dowladda Ingiriiska, oo ay Madaxdooda qaabbilsan arrimaha horumarinta Afrika kala hadleen joogteynta taageerada dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa waxa uu khudbado ku saabsan isbeddalka Maaliyadda Dalkeena ka jeediyay Machadka Diblumaasiyadda Caalamiga ah ee  Chatham House iyo Jaamacadda University of Oxford ee Magaalada London.

Mudane, Beyle, ayaa Magaalada London kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan, wuxuuna ku boorriyay inay ka qayb qaataan dib u dhiska Dalka, maaddaama lagu guda jiro marxalad soo kabasho ah.

Dr, C/raxmaan Ducaale ayaa gaba-gabadii sheegay inuusan ka nasan doonin Shaqada horumarinta Maaliyadda Dalka illaa aan ka guuleysanno.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan XFS oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay Eriteriya

0

Muqdisho (SNTV);- Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay 56-ruux oo mudo sanado ah Qaxooti ku ahaa dalka Eriteriya.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa u suurta gashay iney tagaan dalka Suudaan oo Soomaaliya safaraad ku leedahay halkaasina laga soo qaaday.

Muwaadiintan Soomaaliyeed oo ka kooban 56-ruux ,30-ka mid ha waxay yihiin carruur,kuwaasi oo Qaxootinimada ka doorbiday iney dalkood dib ugu soo laabtaan,waxayna Dowladda Federaalka si weyn ugu shaqeysay in dadkaan dib loo soo celiyo.

Wasiirada iyo Xildhibaanada soo dhoweeyay dadkan Soomaaliyeed ee la soo celiyay ayaa kula dardaarmay iney ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka,islamarkaana Qaxootinimada kaga wanaagsan tahay iney dalkooda ku noolaadaan.

Maxamuud Siraaji iyo Haashim Nuur Aadan oo labada ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya Mas’uuliyad iska saartay in muwaadiniinta dibadda ku dhibaataysan loo adeego, xabsiyada laga soo daayo qaxootigana la soo celiyo intooda u diyaarsan soo laabashada.

Wasiir ku-xigeenka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed C/naasir Siciid Muuse ayaa u mahad celiyay Hay’adaha ka qeyb qaatay in si nabad ah muwaadiniintan dib loogu soo celiyo dalkooda.

Qaarkamid ah mawaadiinta Soomaliyeed ee maanta dalkooda dib loogu soo celiyay waxaa ku jira qaar eheladoodu ay wali ku xaniban yihiin dalka Eritrea, waxayna Dawlada Soomaaliya ka codsadeen in loo soo Celiyo.

Suxufiyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo maanta Tabababr loo furay

0

Muqdisho (SNTV);- Tababarkaan oo lagu baranayo sida loo sameeyo Barnaamijyo tayo leh iyo maamulida Barnaamijyada Doodaha ah oo ay ka qaybgalayaan ku dhowaad 20-ka mid ah Howlwadeenada Warbaahinta Qaranka ayaa maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tababarkaan oo socon doona Mudo Shan maalmood ah ayaa waxaa bixin doona macalimiin ka socota Hay’adda horumarinta Warbaahinta Caalamka ee  dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKAS.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane C/fitaax Daahir Jayte oo ka hadlay furitaankii Tababarkaan ayaa wuxuu sheegay in Tabarkaan ay ka faa’iidaysan doonaan inta uu socdo Suxufiyiin iyo Cameramano ka shaqeeya soo saarista Barnaamijyada Doodaha ah kuwaasi oo la soo xulay.

Mudane C/rixmaan Yuusuf Sheekh Cadaala oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa asna kula dardaarmay ka qaybqaatayaasha Tababarka inay sifiican uga faa’iidaystaan mudada uu socdo Tabarbarkaan, isagoo dhanka kala u rajeeyay Suxufiyiinta inay xirfadooda wax badan ka badalaan marka uu dhamaado Siminaarkaan.

Ugu Danbayntii Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Mudane Aadan Isaaq oo si rasmi ah u furay Tababarkaan ayaa u mahadceliyay Hay’adda horumarinta Warbaahinta Caalamka ee  dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKAS, wuxuuna ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan horumarinta Warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan Warbaahinta Qaranka.

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo la magacaabay

0

Muqdisho (SNTV);- Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qaadir Shariif Sheekunaa ayaa maanta magacaabay Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban 27-xubnood.

Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ansixiyay Guddiga Qaban qaabada Doorashada madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ,93-Xildhibaan ayaa ogolaatay,13-weydiiday halka 10-kale ka aamuseen.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney dhacdo bisha November ee sanadkan.

 Haddaba Halkaan Hoose ka Akhriso Magacyada Xubnaha Guddiga:-

Wasaaradda Dastuurka XFS oo heshiis la saxiixatay Hay’adaha ku guulaystay fulinta Waxbarashada Madaniga

0

Muqdisho (SNTV);- Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ayaa manta heshiis ku saabsan sida loo fulinayo Barnaamijyada waxbarashada madaniga ah iyo wacyigelinta bulshada ee Arrimiha Dastuurka la saxxiatay hay’adihii ku guulaysta fulinta barnaamijyadaas islamarkaana u furtay kulan wacyi gelin ah oo ku saabsan sidii ay iskula jaanqaadi lahaayeen hay’adahan iyo wasaaradda Arrimaha Dastuurka si bulshada loogu wacyi geliyo dib-u-eegiata Dastuurka.

Ugu horrayn, agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxaad guu ka bixiyay muhiimadda heshiisyada ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadaha Ku guulaystay fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha si loo daadajiyo howlaha wacyi galinta islamarkaana qof kasta oo soomaali ah uu wax ka ogaado muhiimadda dastuurku u leeyahay iyo in uu la socdo halka uu marayo geedi socodka dib-u-eegista dastuurka.

Agaasimaha ayaaa sheegay in ay muhiim tahay in qof kasta oo
Soomaali ah uu barto muhiimadda dastuurku u leeyahay bulshada isla markaana uu fahmo xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinku, si taas loo fuliyana wasaaraddu waxay u wakiilatay hay’adihii fulin lahaa arrintaas kuwaas oo ku soo baxay si daahfurnaan oo caddaalad ah.

Sidoo kale agaasimaha ayaa xusay in hay’ad kasta oo ku guulaystay
barnaamijkan iyo wasaaraddu ay isla qaadan doonaan kulan saddex maalin ah hay’addiiba oo ku saabsan sidii la iskula jaanqaadi lahaa islamarkaana farriin midaysan loogu gudbin lahaa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan.

Dhanka kale wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha Dastuurka mudane Dr. Hussein Abdi Elmi oo goobjoog ka ahaa saxiixa Heshiisyada ayaa kula dardaarmay ha’adaha ku guulaystay in ay si wanaagsan u gutaan howshooda isla markaana ay iska ilaaliyaan wax kasta oo baabi’in kara heshiiska. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa xusay in wasraaddu ay ka go’antahay in la daadajiyo barnaamijyada wacyigalita dastuurka iyadoo la raacayo istaraatiijiyadda ay wasaaraddu u dejisay.

“ Hay’adaha ku guulaytsay fulinta barnaamijkaan waxaa looga baahanyahay daahfurnaan, wasaaradduna waxay ku samayn doontaa korjoogtayn iyo qiimayn sida ay u fulinayaan barnaamijyadaas” ayuu yiri wasiir Hussein.

Ugu dambayn wasiir ku xigeenka ayaa si rasmi ah u furay kulanka oo ku saabsan isla jaanqaadidda hay’adaha ku guulaystay fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wasaaradda arrimaha dastuurka.

Gabagabadii waxaa heshiika kala saxiixday wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo hay’adaha kala ah IIDA-oo ku guulaysatay Bulshada Rayidka, Talo-wadaag iyo PUNSAA- Haweenka, IFIYE iyo Somali Youth Vision (SYV)-dhallinyarada, Horn Connect- Ololaha Wacyigalinta Warbaahinta iyo Somali Media Production Center oo ku guulaystay soo saarista video Documentary -ga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada London

0

London-(SNTV)-Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Dr, C/raxmaan Ducaale Beyle, oo ku sugan Magaalada London ee Caasimadda Dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Dr, Bayle ayaa Jaaliyadda warbixin ka siiyey horumarka dhinaca maamulka maaliyadda ah ee ay samaysay Dawladda Soomaaliya, waxaana uu kula dardaarmay inay ka qaybqaataan dib u soo kabashada Dalka.

Wasiirka ayaa intii uu joogay Dalka Ingiriiska waxa uu Khubado ka jeediyey jaamacadda Oxford iyo Machadka Chatem House ee Magaalada London, isagoo ka war-bixiyay horumarinta hanaanka Maaliyadeed ee Dalka iyo guulihii laga gaaray.