Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore

Date:

Muqdisho (SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa ka  tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Cilmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iimaan Eebe ka siiyo.

“Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Gudddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaanka uu ahaa  muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka inuu ahaaa qof Cibaado badan,dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaaro”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa rajo ka muujiyay in hay’adaha ammaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay Dilka Allaha u naxriistee Xildhibaanka ,wuxuuna hay’adaha ugu baaqay inay baaraan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaana.

Ugu dambeyna waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay hay’adaha nabad galiyada kala shaqeeyaan sugida ammaanka.

Sidoo kale Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ay kooxo arxan laabayaal ah ku dileen Magaaladda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...