Ra”iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore

Date:

Muqdisho (SNTV): Kooxo dhaqar qabayaal ah ayaa goordhow magaalada Muqdisho ku dilay Alle ha naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo kooxo dhaqar qabayaal ah ay ku dileen Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii,Qaraabadii,Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka,isagoona Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka,Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...