Wadatashiga Wareega Koowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka 9-aad oo ka furmay Dhuusamareeb

Date:

Dhuusamareeb (SNTV):- Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug uga furmay Wadatashiga wareegga kowaad ee Qorshaha horuamrinta Qaranka Sagaalaad oo ahmiyad ballaaran u leh dalka . waxana daah_furka wadatashiga ka qeyb ahaa Xubna ka kala socda golaha Wasiiradda Galmudug, buslahda rayidka Mamaulka iyo Khubarada Qorshahan shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Bulshada ku nool deegaanada Galmudug ayaa si wanaagsan u soo dhoweeyay qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliyeed, ayna diyaar u yahiin in  baahiyahooda ay ku biiriyaan Qorshaha Harumarinta Qaranka Sagaalaad.

Guddoomiyaha Gobalka Galgaduud Axmed Cali Jimcaale  oo munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay wadatashiga wareegga kowaad ee Qoshaha Horuamrinta Qaranka Sagaalaad, waxuuna bogaadiyay dadaaalada ay wado Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Wasiirka Qorsheynta Dowladd Gobaleedka Galmudug Cabdikaafi Qaaf ayaa sheegay in farxad wayn u tahay maamulka Galmudug,in ay qeyb muhiim ah  ku yeeshan wadatahsiga Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad, isla amrkaana ay diyaar u yahiin in baahiyaha u baahan  wax ka qabashada  ka Galmudug ahaan in ay Khubarada la wadaagaan si uu qeyb ugu noqdo Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad.

Dr. Maxamed Xuseen oo ah Khubarada Qorshaha Horumairnta Qaranka Sagaalaad ahna mas’uulka hogaaminayo Qorshaha 9-aad ayaa ka warbixiyay muhiimadaha horu _tabinta u leh Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad si wax looga qabto yareynta Saboolnimada iyo Geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

Ku simaha Madaxa Xukuumadda Mamaulka Galmudug  oo daahfuray wadatashiga ayaa sheegay  in ka maamul ahaan ay raali ka yahiin qorshaha Soomaaliyeed oo dalka dhan ahmiyad u leh in ka Galmudug ahaana ay qeyb ka yahiin ayna diyaar u yahiin in ay la shaqeyn doonan Wasaaradda Qorsheynta howsha baaxada leh ay wado ee ku saabsan Qorshaha horurmarinta Qaranka Sagaalaad  oo ahmiyad wayn leh dalkeena.

Khubarada ka socda Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa ku sugnaan doona mudo afar maalmood ah Magaalada Dhuusamareeb,waxaana wadatashi la yeelan doonan Buslada rayidka, Ganacsatada, laanta Sharci dejinta iyo Fulinta Galmudug oo la dhageystan doono aragtidooda ku aadan Qorshaha Horumarinta Sagaalaad oo ka kooban ilaa iyo shan tiir oo kala ah,Tubta Amniga, Tubta Siyaasada loo dhan yahay,Tubta Arrimaha Buslahda, Tubta Dhaqaalaha iyo Tunta Deeganka iyo Kheyraadka dabiiciga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...