Home Blog Page 1106

Wasaaradda Cadaaladda oo tababar u furtay Haween ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir

0

Muqdisho (SNTV) Tababarkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa loo qabtay Haween ka kala socday Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana lagu baranayay qaabka haweenku ku heli karaan Cadaalad iyo xalinta khilaafaadka.

Ilaa 30 haween ah ayaa ka qayb galaya Tababarkaan oo uu maanta furay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana uu socon doonaa 4 maalin, iyadoo maalmaha uu socdo laga doodi doono helida Cadaalada ee haweenka Soomaaliyeed iyo in xarumaha xalinta khilaafaadka habka dadban haweenku door ka qaataan.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa si faah faahsan uga hadlay muhiimada tababarka iyo halka ay mareyso howsha ka socota xarumaha xalinta Khilaafka habka dadban ee wasaaradu ka furtay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

“Haweenku waxaa ay door muuqda ka qaataan hormarka iyo is dhex -galka bulshada, waxaa ay muhiim u yihiin bulshada in cadaalad ay helaan waa muhiim, waxaa ay nagu dhalisay inaan qabano tababarkaan soconaya afarta maalin ee helida cadaaladda, waxaan idinka rajeynayaa in bulshada aad dib ugu celisaan cilmiga halkaan ka barataan una sheegtaan inay jiraan xarumo lagu xaliyo khilaafaadka oo furan”ayuu yiri Wasiir Xasan.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka dalka ayaa waxaa ay dhawaanahaanba dadaal ugu jirtay sidii loo daadajin lahaa hanaanka cadaaladda dalka, islamarkaana waxaa ay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir wasaaraddu ka hirgalisay xarumo hab dadban ama xeer beegti lagu xaliyo khilaafaadka bulshada, taasoo hadda wasaaraddu sheegtay in hormar ay sameeynayaan.

Wasaaradda warfaafinta oo tababar u furtay ku dhawaad 30 wariye

0

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ayaa maanta oo sabti ah u furtay 25 saxafi oo ka kala socda warbaahinta dawladda, dalwlada gobaleedyada iyo warbaahinta gaarka ah ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Waxda Shaqalaha iyo tabarada ee wasaaradda, C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in tabarkan lagu baranayo tayeynta wax soo saarka raadiyaha iyo Tv-ga iyo siyaasada iyo tifaftirkooda, uuna socon doono muddo laba cisha ah.

Agaasimaha Maamulka Wasaaradda, Nasir Xuseen  ayaa isna xusay in wasaarada ka go’an tahay  in la laba laabo dadaalkeeda ku aadan tababarada aqoon kororsiga ah ee ay u qabaneyso wariyeyaasha.

“Waxa ay wasaaradda qabaneysaa sannadkan ilaa 6 tababar oo lagu hormarinayo mihnadooda shaqo, waxaan idin rajeynayaa in aad ka fa’ideysan doontaan khubarada tababarka bixineysa”, sidaas waxa yiri agaasimaha Wasaaradda warfaafinta, C/raxman Yusuf Sheekh oo tababrka u furey weriyeyaasha.

Waxa uu intaas ku daray in ay ka faa’ideystaan fursadan waxbarssho.

Madaxweynaha JFS oo ka qayb-galaya xafladda caleemasaarka Madaxweynaha Puntland

Garoowe, Jan 26, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Garoonka Jeneraal Maxamed Abshir Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,K/Xigeenkiisa, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa salaan ugu istaagay kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada Garoowe, kuwaas oo lulay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayan soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha oo shir saxaafadeed ku qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wada jir loo abbaaro xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay shacabka iyo hoggaanka Puntland isku duubnida, isaga oo bogaadiyay doorashadii hufnayd ee ka qabsoontay Puntland.

Dhankiisa, Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dhammaan wufuud heer Federaal ee soo ajiibay casumaadda uu u fidiyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galaya xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), iyadoona uu kulammo la qaadan doono masuuliyiinta iyo waxgaradka Puntland.

DHAMMAAD

Howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Alshabaab oo ka socda Jubbooyinka

0

Kismaayo (SNTV) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa tilmaamaya in Ciidamada Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay la wareegeen deegaanno dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan ciidanka hoggaaminayay howlgallada ka socda Jubbooyinka ee la gula dagaalamayo dhagar qabayaasha Shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanno ay ka midyihin Cabdalla Biroole, Beerxaani Haad Weyne, Cabdi Dhoore  iyo deegaanno kale oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka wada deegaannada ay kala wareegeen dhagar qabayaasha Al-Shabaab.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe ku aadan sidii maleeshiyada Alshabaab looga sifeyn lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka oo ay ku dhuumaalaysanayaan.

Alshabaab ayaa khasaarooyin xooggan ka so gaaray duqeymo iyo howlgallo toos ah oo kaga imaanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,kuwa Jubbaland iyo saaxiibada caalamiga ah

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Xoogga dalka oo kaashana saaxiibadooda caalamka ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay ku bur buriyeen goobo ay argagixisada Al-Shabaab ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo xarumo kale.

Qaban qaabada caleema saarka madaxweyne Deni oo Garowe ka socota

0

Garowe (SNTV) Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Puntaland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka soconaysa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland,iyadoo ay halkaasi gareen wafuud kaladuwan.

Waxaa munaasabadaasi ka qeybgalaya madaxda Qaranka,kuwa dowlada goboleedyada iyo marti sharaf kale,iyadoo ammaanka magaalada Garoowe siweyn loo adkeeyey.

Wafuudda ugu dambeysay ee ka qeybgalaysa waxaa ay tagayaan maanta gelinka hore,iyadoo islamaanta ay dhacayso munaasabadda caleema saarka madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash.

Magaalada Garoowe waxaa kusugan guddoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo labo maalin ka hor tagay halkaasi,halka wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha SHacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo uu tagay maalintii shalay.

Guddoomiye kuxigeenka-2aad ee Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo Garowe lagu soo dhaweeyay

Garowe (SNTV) Wafdigan uu hoggaaminayay guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ujeedka socdaalka wafdigan oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ayaa waxaa uu ka yahay ka qeybgalka caleema saarka madaxweynaha Puntland oo beri ka dhacaysa magaalada Garowe.

Waxaa siweyn ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni,guddoonka baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo maalinta beri ah la filayo in ay dhacdo munaasabadda caleema saarka madaxweynaah cusub ee maamulka Puntland.

Gddoomiye Cabdi Xaashi oo la kulmay Madaxweynaha Puntland

0

Garoowe-(SNTV)-Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta Magaalada garoowe kula kulmay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntalnd, Siciid C/laahi Deni.

Mudane; Xaashi ayaa waxaa kulanka uu la qaatay Madaxweyne Siciid Deni ku wehliyay xubno ka tirsan wafdigii uu hoggaaminayay oo ka tirsan Goalayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa soo dhoweyn iyo kala war qaadasho, waxaana markuu soo dhammaaday warbaahinta Qaranka uga warbixiyay Senotar.;Mahdi Daahir Sheekh Nuur, isagoo sheegay in ay iyaga iyo Madaxweynaha iska waraysteen waxyaabo hoose oo ay ka mid yihiin wada shaqaynta Labada dhinac.

Mas’uuliyiinta ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, ayaa Shalay gaaray Magaalada Garoowe, si ay ugu qeyb galaan Caleema-saarka Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, Siciid C/llaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo dhowaan la doortay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo mas’uuliyiinta Gobollada oo la kulmay hay’adaha samafalka

Baydhabo-(SNTV)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo maamulka Gobolka Shabeellada hoose ayaa Maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka.

Kulankan oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirrada ay quseyso , sida qorsheynta, gargaarka, waraabka iyo Biyaha, Guddoomiyeyaasha Saddexda Gobol ee uu maamulkaasi ka kooban yahay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Maxaed Ibraahim Barre, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha ay hay’adaha Maxalliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ugu howl-geli lahaayeen meelaha ay dhibaatooyinka ka jiraan.

Wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo xakamyn lahaa abaaraha soo laalaabta, taas oo laga cabsi qabo in ay mar kale ku dhufato degaanno kale iyo wax ka qabashada Biyo la’aanta ka taagan Baydhabo, Buur-xakaba iyo Af-gooye oo uu haatanba guray Webiga Shabeelle.

Sidoo kale waxay Madaxda Koofuf Galbeed iyo hay’adaha Caalamiga ka wada hadleen Biyo la’aanta haatan ka jirta Degmooyinka Buur-xakaba iyo Baydhaba, iyo sidii loo yarayn lahaa halista abaar laga yaabo in ay ka dhacdo, lana gaarsiiyo Dadka gargaar xilliyada loo baahan yahay, lana hubiyo habka loo maareeyo qeybintiisa.

Kulanka ayaa si gaar ah Diiradda loogu saaray baahiyaha xagga samafalka ah ee ka jira Gobolka Shabeellada hoose, waxanay madaxda Koofur Galbeed iyo hay’adaha hoosta ka wada xarriiqeen in dhammaan degaannada Gobolka Sh/hoose la gaarsiiyo gargaarka loogu tala galay.

Taliska cusub ee qeybta 21-aad oo laga Dhagax dhigay Magaalada Cadaado

0

Cadaado-(SNTV)-Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto, Yuusuf Cabdilqaadir Maxamed (Kaanti) iyo mas’uuliyiinta Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa Dhagax dhigay xarun cusub oo uu yeelan doono taliska qeybta 21-aad.

Taliyaha qeybta 21-aad , Jenaraal, Yuusuf Kaanti, oo Dhagax dhiggaasi uga warramayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu horreyn u mahad celiyay maamulka Degmada Cadaado Dhulka ay Ciidanka xoogga Dalka ugu deeqeen iyo sidii ay u Garab istaageen.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay ka go’an tahay dhismaha, dejinta iyo horumarinta Ciidanka xoogga Dalka, una diyaar garoobaan howl-gallo ka dhan ah cadowga Al-Shabaab, isagoo intaa raaciyay in aysan ka harayn Al-Shabaab meel kasta oo ay tagaan.

Jenaraal; Yuusf Kaanti, ayaa dhinaca kale sheegay in ay wax ka qaban doonaan shaqaaqooyinka Hubeysan ee dhex mara Beelaha Gobolka wada dega, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in ay ku tala jiraan sidii Malleeshiyaadka huriya colaadaha loo Qaramayn lahaa, si ay uga mid noqdaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya

0

JOHANNESBURG-(SNTV)-Howl-galka Maraykanka Afrika ee Africom loo yaqaan ayaa sheegay in Diyaaradahooda dagaalku ay Laba weerar ku qaadeen fariisimaha Ururka Al-Shabaab ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Af-hayeen u hadlay Africom, ayaa Wakaaladda wararka ee AP u sheegay in wixii xog ah ee ku aaddan Duqeynta iyo weerarrada ka dhanka ah argagixisada ay la wadaagi doonaan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Af-hayeenka ayaa goor-dambe u xaqiijiyay warbaahinta in ay dileen xubin ka mid ahaa Al-Shabaab, duqeyntuna ay ka dhacday agagaarka Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, balse ma bixin wax faah-faahin ah oo intaasi dheer.

Dhowaan ayay ahayd markii ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibbadooda Africom ay weerar ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ku dileen ugu yaraan 50 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.