Home Blog Page 1106

Qaramada Midoobay oo xusaya maanta sanad-guuradooda 73-aad

0

Muqdisho (SNTV)–Ururka Qarammada Midoobay (UN), waxaa si rasmi ah loo Aasaasay, 24kii, Oktoobar 1945kii, Xilligaasi oo ahaa markii uu dhammaaday dagaalkii weynaa ee dunida kiisii labaad, waxaana horey loo oran jiray Ururka ummadaha ama Leage of Nations, kaasi oo burburay markii lagu guda jiray dagaalkii 2-aad ee dunida, waxaana la aas-aasay ururkaasi 1920-kii, waxaana lagu eedeeynayay inuu awoodi waayay, joojinta dulmigii kaligii Taliyeyaashii lagu kala magacaabi jiray Adolf Hitler iyo Moselini oo ka kala arrimi jiray Jarmalka iyo Talyaaniga, kuwaasi oo hormuudka ka ahaa dagaalkii koowaad 1914 iyo kii labaad dunnida 1939kii.

Ururka Qarammada Midoobay (UN), oo lagu dhisay xeerkii lagu qoray Magaalada Sanfrancisco ee dalka Mareykanka 1945-kii, waxaa horrmuud ka ahaa dalalka Midowgii Soofiyati, Shiinaha, Maraykanka, Faransiiska iyo Boqortooyada Midowday (UK).

Ujeeddada Ururka loo dhisay ayaa waxa uu ahaa:- 
1.In Caalamka laga suuliyo dagaallada, lana adkeeyo nabadda.
2.In Xididdada loo siibo wax allaale wixii keeni kara iska horimaad iyo dagaal. 3.In la dhiirigeliyo iskaashiga dunnida ee dhinacyada, Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo dhaqanka, Cilmiga Sayniska iyo Tiknolojiyada,
4. In la dhowro xaquuqda dadka oo dhan shaqsi ahaan iyo wadar ahaan Qarammada Midoobay, oo ay xubno ka yihiin dhowr Dal, oo shan ka mid ah yihiin xubnaha joogtada ah, ahna kuwa leh Codka Diidmada Qayaxan “ Vito Power”.
5- Golaha Xoghaynta,
6- Maxkamadda Caddaalada ee Caalamiga ah.
7- Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada.

Ururka Qarammada Midoobay, howlahiisa waxaa inta badan qabta Golaha Xoghaynta oo uu Madax ka yahay Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, waxaana ka howlgala shaqaala tiradoodu gaareyso 50,000. Kuwaasi oo maareeya dhammaan howlaha la xiriira maamulka Ururka Qarammada Midoobay.

Goluhu Xoghayntu, waxay diyaarisaa qoraallada go’aamada ka soo baxa shirka, Qarammada Midoobay iyo tarjumidda wararka iyo khudbadaha,Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, waxaa soo magacaaba Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay, waana Sargaalka ugu sarreeya dhanka maamulka ee Qarammada Midoobay, wuxuuna xilka hayaa muddo shan sanno ah ka dib marka uu ansixiyo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Tan iyo markii la aasaasay ururka Qarammada Midoobay1945-kii, waxaa xilka xoghayaha guud soo kala qabtay 9 Xoghaye Guud oo uu ugu horreeyay Trygvie, oo dhashay dalka Norway oo xilka hayay 1946,ilaa 1952kii, waxaana ugu dambeeyay kan haatan haya xilka oo ah António Manuel de Oliveira Guterres, oo xilka qabtay 1 January 2017-kii, Wuxuu u dhashay dalka Portuqiiska, da’diisuna tahay 67 sano jir.
Ururka Qarammada Midoobay waxyaabaha uu ku guuleystay intuu uu dhisnaa ayaa waxaa laga xusi karaa:-

1-Xornimo gaarsiinta waddamada dunnida oo intooda badani markaasi ku hoos jiray gumeysi.
2-Xal u helidda khilaafyo badan ee dhinacyada xudduudaha ee Caalamka sida Iiraan iyo Midowgii Sofiyatigii hore iyo Ciraaq iyo Kuweyt.
3-X akameynta cudurrada faafa sida Malaariyada iyo TB-da.
4-U qeybinta cuntada gargaarka meelaha dadka ku dhibaateysan yihiin sida, Abaaraha, Dagaallada iyo Masiibooyinka kale.
5-Tirtiridda habkii Midabtakoorka ahaa ee ka jiray Dalka Koonfur Afrika muddo dheer.
6- Dhiirigalinta ilaalinta Xaquuqda Aadanaha, Sinnaanta iyo ku dhaqanka nidaamka doorashada xorta ah.
7- Waxay gargaar dhaqaale iyo mid khibradeed u fidisaa waddamada saboolka ah, gaar ahaan, dhinaca Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Ururka Qarammada Midoobay, wuxuu leeyahay hay’ado hoos yimaado oo midba arrimo qaabilsan tahay waxayna kala yihiin:-
1.Hay,adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO, oo Xarunteeda tahay Rome ee dalka Talyaaniga.
2.Hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR, oo xarunteedu tahay Gineva ee dalka Swizerland.
3.Hay’adda Waxbarashada ee UNESCO, oo Xarunteedu tahay magaalada Paris ee dalka
Faransiiska.
4.Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, oo Xarunteedu tahay magaalada Swizerland.
Hay’adda horumarin barnaamijyada UNDP, oo Xarunteedu tahay magaalada New York, ee dalka Mareykanka.
6.Bangiga Adduunka, “World Banka”oo Xaruntiisa magaalada Washington DC, ee dalka Mareykanka.
Haddaba maanta oo ah maalintii la aasaasay Ururka Qaramada midoobay ayaa waxaa dhammaan dunida daafaheeda laga xusayaa maalinatani, oo ay ku jirto Dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed laga soo saaray Xaruunta Qaramada Midoobay ee New york ayaa lagu yiri:- “waxaan xuseynaa maalintii ururkan caalamiga ah si rasmi ah loo yagleelay ee 1945-tii, oo noqday madasha ugu caansan ee lagu gorfeeyo arrimo ka baxsan soohdimaha dalalka ee uusan hal dal si iskiis ah u xallin karin.

War-saxaafadeed kale oo ay soo saareen Hey’adaha Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo tan Sanduuqa Carruurta (UNICEF) ayay ku sheegeen in Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Dabeysha, UNICEF iyo WHO ay qaadanayaan waqti si ay uga mahad naqaan dadaalada waaweyn ee ay ka gaareen howlwadeenada iyo la-hawlgalayaasha cirib tirka cudurka dabeysha gudaha Soomaaliya labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Marka la eego tusaalihii ugu dambeeyay, UNICEF, WHO, hay’adaha caafimaadka iyo la-hawlgalayaasha ayaa si hagar la,aan ah uga shaqeynaya si ay u joojiyaan laba cudur dilaac oo isku mar dhacay kaasoo ahaa tallaalka uu keenay cudurka dabeysha ee tallaalka ka yimid kaasoo la xaqiijiyay inuu Soomaaliya ka jiro dabayaaqadii sannadkii 2017-kii.

SONNA NEWS

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Maamulka Gobalka Banaadir oo Kulan soo dhaweyn ah u sameeyay ciyaartoyda qurbajoogta

0

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Dhalinayarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay Muqdisho kulan soo dhawayn ah ugu sameeyey ciyaartoyda qurbajoogta ah oo todobaadkan dalka ku sugnaa.

Kulankaas waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Madaxda Xiriirka kubadda cagta iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Yariisow uu  sheegay in ay u diyaarsan yihiin ku dhiiri galinta Qurnbajoogta inay dalkooda ku soo laabtaan.

Wasiirka Dhalinayarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhalinayarada ciyaartoyda ah ee Yurub iyo Amerika ka kala yimid ay fursad u tahay horumarka Sportiga dalka.

Kulamo is dhexgal ayay Garoonka Koonis Stadium kula yeesheen Kooxdan Qurba Joogta ah Naadiyadda kala duwan ee dalka ka dhisan, waxaana ciyaarahaasi kasoo qeyb galay Shacab kala duwan oo bogaadiyay dhalinyarada Qurba joogta ah ee dalkooda hooyo jecel inay kusoo laabtaan.

Wasiiradda Arrimaha Dibeda Jabuuti iyo Yemen oo ka wada hadlay Xiriirka Labada Dal

0

SNTV-Wasiirka Arrimaha Dibada ee Yeman Khalid Alyamani ayaa kulan kula qaatay magaalada Jabuuti dhigiisa dalkaasi Maxmuud Yuusuf,waxayna ka wada hadleen cilaaqaadka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa.

Waxay kaloo labada dhinac kulunkoodaasi iskula soo qaadeen suurta galnimada in guddi heer wasiir ah ee labada dhinac sida ugu dhaqsiiyaha badan ay u  kulmaan, waxaana arrinta loo xilsaaraay danjirayaasha labada dal u fadhiya Caasimadaha Cadan iyo Jabuuti si ay u soo diyaariyaan qodobada ay isla gorfeyn doonaan marka ay kulmaan Wasiiradaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Jabuuti Maxamuud Yuusuf ayaa kulunkaasi uu la yeeshay dhigiisa Cadan uu ka sheegay inuu dalkiisu uu ku soo dhaweynayo dhamaan shacabka Yamaniyiinta ee ka soo barakacay dagaalada isla markaana ayan marti ka noqoneyn Jabuuti, balse uu yahay dalkooda labaad, wuxuuna intaa raaciyay in Jabuuti ay taageersan tahay Xukuumadda Yeman iyo sidii ay u soo ceshan laheyd qaranimadeeda taamka ah loona fulin lahaa qaraarkii Golaha amniga oo Tirsigiissu ahaa 2216.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Yeman Khalid Alyamani ayaa ka mahadceliyay mowqifka Dowladda jabuuti ee la xiriirta ee arrimaha dalka Yeman iyo dadaalka ay ku bixinayso nabad ku soo daabaalida gayigaasi mudada dheer ay ka socdeen dagaalada sokeeye oo sababay barakac iyo burbur xooggan oo soo gaara kaabayaasha dhaqaalaha daalkaasi.

Shiinaha oo dhisay Buundada dunida ugu dheer

0
(SNTV)…Dawladda Shiinaha ayaa xariga ka jartay Buundada aduunka ugu dheer ee Badda laga sameeyo, taas oo gaaraysa 55-km.

Buundadan oo isku xirta Honkong iyo Zhuai-Macau waxaa loo isticmaalay farsamo cajiib ah marka la eego sida looga taxadaray inay ku dhacaan Maraakiibta Badda gooshaysa amaba ay hakiso Duulimaadka garoonka Hongong oo ay u dhawdahay.

Dhismaheeda waxaa la soo bilaabay 2009-kii, waxaana ku baxay aduun lacageed oo gaaraya 4-bilyan oo Doller, balse Shiinuhu waxa uu rajaynayaa inay noqoto kaabe dhaqaale oo aad looga faa’iido.

Madaxwaynaha Shiinaha oo buudadan furay waxa uu sheegay in ay calaamad u tahay horumarka ay ka sameeyeen dhismayaasha muhiimka ah, ayna xaqiijiyeen hadaf muddo la hiigsanayey.

Buundadan waxa ay 20-jeer ka dheertahay midda ku soo xigta ee San Francisco ee Golden Gate, waxaana ay 7-km hoos martaa Badda, iyadoo sii maraysa jasiirado lagu hakan karo.

Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo Shir uga qeyb galay Jabuuti

0
(SNTV)..Wadanka Jabuuti ayaa lagu soo gabagabeeyey shir looga hadlayo sidii wadamada Afrika uga faa’iidaysan lahaayeen Tamarta dabiiciga ah sida dabeysha iyo cadceeda, waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim.

Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay shirkan iyo Muhiimadda uu Soomaaliya ulahaa.

“Shirkan wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah, waxaad moodaa shirka inuu anaga naga hadlaayay sababtoo ah waxaan hodan ku nahay Dabeysha iyo Cadceeda, waxyaabo fiican ayaana kasoo baxay, Dalkeena Tamar ayuu u baahan yahay hadii aanan la helin shaqo la’aanta lagama baxaayo Horumar balaaran la sameynaayo”.ayuu yiri Wasiirka.

Adeegga Korontada oo ah wali mid qaali ah kuna tiirsan Shidaalka ayaa caqabad ku noqon kara warshadaynta oo u baahan xoog koronto oo badan, waxaana dawladda Soomaaliya ay hadda ka shaqaynaysaa sidii loo samayn lahaa Koronto la awoodi karo.

Australia oo cunaqabateyn saartay 5-Jeneral oo Myanmar ah

0

(SNTV)…Xukuumadda dalka Australia ayaa manta oo Talaado ah soo bandhigtay cunaqabateyn dhan ka ah 5-sarkaal oo Myanmar ah oo awood ku lahaa ciidamada Mileteriga,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay daawanayeen xasuuqii loo geystay muslimiinta Rohingya.

Tallaabadaan ayaa daba joogta ama la mid ah cnaqabateynta ay horay u soo rogeen Mareykanka,Midowga Yurub,waxaana dalka Australia uu shaaca ka qaaday in la fariisinaayo hantida saraakiishaasi oo uu ku jiro Sareeye Gaas oo ahaa taliyihii hogaaminaayey xasuuqii cadowtinimo ee lagula kacay muslimiinta  Rohingya .

Wasiirka Arimaha Dibadda Australia Marise Payne ayaa sheegay in saraakiishaasi oo kala ah – Aung Kyaw Zaw, Maung Maung Soe, Aung Aung, Than Oo, and Khin Maung Soe –ay masuul ka ahaayeen rabshadihii biniaadanimo ee loo geystay muslimiinta Barma.

Saraakiishaasi oo qaarkood ay iska casileen xilalkii ay haayeen ,haddana waxaa laga mamnuucay in ay u safraan dalka Australia .

Laga soo bilaabo sanadkii 2016-kii  illaa 7-boqol oo kun oo Rohingya ah ayaa ka barakacay gobolka Rakhine oo dhaca K/Galbeed ee dalka Myanmar.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Eedeysane  dhaawac geystay.

0

Muqdisho (SNTV)- Is qab-qabsi ku saabsan bedel ayaa sababay in ay murmaan Eedeysane Dable Axmed Cali Cawaale iyo Dhibane Yuusuf Daahir Cali, waxaana  eedeysane Axmed Cali Cawaale uu ku furay dhowr xabadood taasi oo mid kamid ah sababtay in dhaawac uu ka soo gaaro Yuusuf Daahir Cali oo ahaa taliyihiisii.

Axmed Cali Cawaale ayaa loo gudbiyay hey’adda dambi baarista Boliiska (CID)  kadib markii uu dhaawac sababay in lugta laga gooyay uu u geystay taliyihiisii Yuusuf Daahir Cali oo ay ka wada tisanaayeen Ciidamada Boliiska 23-ka bishii lixaad ee sanadkan.

Hey’adda  dambi baarista Boliska CID ayaa in muddo ah heysay eedeysanaha iyadoo ka war sugeysa natiijada dhaawacca oo muddo kadib sababay in lugta laga jaro dhibanaha dhaawaca uu soo gaaray.

13-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay u soo wareegtay eedda Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Side, waxa ayna isla xilligaas weydiisteen Maxkamadda  in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska ayaa isku howlay sii wadidda baarista, waxa ayna 04ta bishan ay codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eedda ka dhanka ah Axmed Cali Cawaale oo loo heysto dhaawac  sababay in lugta laga jaro taliyihiisii,  waxa ayna Maxkamadda aqbashay in loo fariisto kiiska dacwadda shan cisha kadib.

09ka bishan ayaa markii ugu horreysay loo fariistay dacwadda, waxaana dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada kadib ay Maxkamadda ka dalbatay  Xafiiska Xeer Ilaalinta in la soo dhameystiro cadeymaha kiiska oo ku filnaan waayay fadhiga hore.

18ka bishan ayaa markale loo ballamay eedda dacwadda ka dhanka ah Dable Boliis Axmed Cali Cawaale, waxaana xafiiska xeer ilaalinta ay horkeeneen fadhiga Maxkamadda  Qiraalka eedeysanaha,  ciidamadii ay kawada tirsanayeen ciidanka Boliiska oo ku  marag furay, warqadda dhaawac muujinta iyo qorigii uu dhibka ku geystay.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa isna codsaday in ay bixiyaan magta dhibanaha, waxa uu sidoo kale codsaday in loo naxariisto eedeysanaha oo uu ku dooday in ay kaga fakatay xabadda.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Axmed Cali Cawaale lagu xukumo Shan sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale uu bixiyo 50-halaad oo ah magta dhibane Yuusuf Daahir Cali, sida uu u sheegay  dhammaan ka qeyb galayaasha fadhiga Maxkamadda  Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan  Aadan Wabiyow.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajda koowaad.

Madaxweynaha Suudaan oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya

0

Kahrtoum (SNTV) Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir ayaa maanta oo Isniin ah Warqadaha Aqoonsiga Danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Suudaan Mudane Cabdi Risaaq Axmed Shoole.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Dalka Suudaan Usama Feysal ayaa sheegay in Madaxweyne Al Bashiir uu adkeeyay rabitaanka Suudaan ee iskaashi dhex mara Dowladaha Soomaaliya iyo Dalkiisa oo dhan walba ah, isagoo sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu balanqaaday in Dowlada Suudaan ay safiirka ka gacan siineyso sidii uu u gudan lahaa Howlaha loosoo igmaday.

Mudane Cabdi Risaaq Axmed Shoole Safiirka Soomaaliya ee Suudaan ayaa dhankiisa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, isagoo u mahad celiyay Madaxweyne Al Bashiir iyo Shacabka Suudaan sida wanaagan ay usoo dhaweeyeen.

Dhinaca kale Madaxweyne Al Bashiir ayaa isla maanta Warqadaha aqoonsi ka guddoomay Safiirada Dalalka Malaysia, Spain, Sri-lanka iyo Croatia.

Guddoomiye ku-xigeenka M/Mulka G/Banaadir oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Maayarada Caalamka

0

Muqdisho (SNTV):Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa uga qeyb galaya magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska Shirka Maayarada Caalamka oo sanadkaan lagu qabanaya Bristol.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta caasimadaha, xallinta caqabadaha iyo jaangoynta qorshe howleedka Dawladaha Hoose ee Caalamka.

Guddoomiye Xuseen ayaa inta uu ku sugan yahay Bristol waxa uu kulammo doceedyo la qaadan doonaa madaxda Caasimadaha ee ka soo qeyb galaya shirkan.

“Shirkani waa mid ahmiyad gaar ah noo leh, maadaama Caasimadda Muqdisho ay soo kabanayso xiligan una baahan tahay xiriir wanaagsan oo la yeelato Caasimadaha kale ee Caalamka”.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa khudbad ka jeedin doona shirka isagoo warbixin ka siin doona madaxda shirka ka soo qeyb gashay horumarrada kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir ka sameeyey Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, Boostada iyo Khayraadka Biyaha

0

Muqdisho (SNTV):Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha warfaafinta, boostada iyo khayraadka biyaha.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska kula kulmay wasiir ku-xigeenka wasaaradda iyo agaasimayaasha waaxyada oo uga warbixiyay habsami u socdka shaqooyinka wasaaradda, halbeegyada ay wasaaraddu ku leedahay tubooyinka ay qaybta ka tahay iyo qorshayaasha howlaha hor-tebinta u leh wasaaradda.

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa qayb ka ah  xarumaha uu ra’iisul wasaaruhu kormeerka ku tegay, halkaas oo uu kula kulmay agaasimaha guud ee wasaaradda iyo agaasimayaasha waaxyaha oo ra’iisul wasaarah uga xog-warammay hannaanka ay shaqada wasaaradda u wadaan.

Mudane Xasan Cali Khayre  ayaa ugu dambayn kormeeray wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo waci-gelinta oo uu kula kulmay wasiirka wasaaradda, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhammaan masuuliyiinta wasaaradaha uu booqday waxa uu faray in si hufan ay uga qayb qaataan barnaamijka is-xilqaan iyaga oo ka bilaabaya qurxinta iyo dib u hagaajinta xaruaha wasaaradahooda iyo in ay laba jibbaaraan dardar-gelinta shaqooyinka ay u hayaan qaranka si loo gaaro hadafka guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.