Madaxweyne Farmaajo oo ka Qayb-gelaya Shirka Dalalka Carabta iyo Midowga Yurub

Date:

Masar (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo berri ka furmaya magaalada Sharma El-Sheikh.

Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Carbeed iyo kuwa reer Yurub kala hadli doona sidii taageero dhan walba ah loogu fidin lahaa dowladda Soomaaliya oo ku hawlan dib u soo kabashada iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub.

Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sh. Cali Baqdaadi iyo La-taliyeyaal sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...