Ciidamada Badda Midowga Yurub Oo Ka Geystay Badbaadada Qaar Ka mid Ciidanka Badda Oo Dooni Cilad Kaga Dhacday

Date:

Howlgalka Ciidamada Badda Midowga Yurub ee ATALANTA ayaa soo badbaadiyay Ciidamo ka tirsan Badda Soomaaliya oo Doon ay wateen cilad farsamo soo wajahday, xilli ay marayeen qiyaastii meel 60KM waqooyi ka xigta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Markab dagaal uu leeyahay dalka Spain, qeybna ka ah howlgalka ATALANTA ayaa si degdeg ah ugu gurmaday Doonta ay la socdeen Ciidamada Badda Soomaaliya, kaddib markii ay la kulmeen cilad farsamo oo soo wajahday doontooda.

War saxaafadeed ka soo baxay Howlgalka Midowga Yurub EY NAVFOR Somalia ayaa lagu sheegay in wada shaqeynta u dhaxeysa Ciidamada Booliska Dekeda Muqdisho, Ciidamada Badda Soomaaliya iyo Howlgalka ATALANTA uu go’aamiyay in si dhow loo caawiyo Ciidamadii ka tirsanaa Badda Soomaaliya ee cilada farsamo soo wajahday, isla markaana xiriir lala sameeyay ay sahashay Markab dagaal uu leeyahay dalka Spain oo ka ag dhowaa Xeebaha Soomaaliya inuu u gurmado oo uu caawiyo shaqaalaha iyo ciidamadda badda

Taliyaha Howlgalka ATALANTA Antonio Planells Palau ayaa sheegay howlgalkan ay hoggaamineysay Markabka dagaalka Spain ESPS Canarias, isla markaana ay si degdeg ah uga jawaabeen codsiga.

Waxaa uu sheegay in howlgalka ATALANTA ay ka go’an tahay inay ilaaliyaan amniga Xeebaha Soomaaliya, isla markaana ay ka taageerayaan dhinacyada kala duwan ee ay wadaagaan Gobolka, isagoo xusay inay ku faanayaan inay soo badbaadiyaan ciidamadda Badda Soomaaliya iyagoo badqaba.

Operation ATALANTA Assists Somali Navy Personnel Stranded off the Coast of Cadale

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...