Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Oo Jaamacadda Ummadda Ee Caabudwaaq Gaarsiiyay Adeegyo ‘Sawirro’

Date:

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda ayaa daahfuray adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda Xarunta Jaamacadda Ummadda qaybteeda Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka.

Adeegyadan lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda ee Jaamacadda ayaa waxaa ka mid ah soo gelinta khad Internet ah oo ay isticmaali karaan Maamulka, Macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda, Dhisimaha Shabakadda Gudaha (Network) ee Jaamacadda waxaa sidoo kale qayb ka ah 39 Laptops, Computers iyo Printers cusub oo  tayo sare leh.

Hirgelinta adeegyadan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Maktabakad Elektroonik ah (Digital Library) oo ay ku jiraan Buugaag, Casharo maqal iyo Muuqaal ah & maqaalo cilmi ah iyo tababaro loo samayn doono Shaqaalaha Teknoolojiyadda Jaamacadda, iyadda oo xoogga la saarayo sidii loo abuuri lahaa koox hawlwadeenno ah oo ku filan horumarinta iyo maamulka agabka lagu wareejiyey Jaamacadda.

Munaasabadda daahfurka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay ardayda, Macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Caabudwaaq, Gudoomiyaha Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, Senator Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex), Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, Maareeyaha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta ee Wasaaradda, Ganacsato iyo Maamulka Degmada.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof. Maxamed Axmed Jimcaale ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ka dhabaynta balanqaadkii uu u sameeyey Jaamacadda Ummadda, waxaa uuna qiray in adeegyadan ay baahi weyn u qabtey Jaamacadda.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in adeegyadan ay yihiin kuwo bilow ah oo asaas u ah horumarinta Jaamacadda laguna dul dhisi doono mustaqbalka adeegyo kale oo ka horumarsan.

“Ujeeddada Adeegyadan ayaa ah in ay ka qeyb ka qaataan tayeynta Maamulka Jaamacadda, Cilmibaarista iyo tayada Waxbarashada, Adeegyadan waxaa ardayda u suurtogelin doonaan inay helaan maktabad aan u baahneyn internet oo ka caawin karta Cilmibaarista iyo Aqriska dheeriga ah”- ayuu yiri Wasiirka Canshuur.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...