DF oo warbixin kasoo saartay saameynta Roobabkii dalka ka da’ay.

0
8

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saameynta roobabkii todobaadyadii lasoo dhaafay ka da’ayay qeybo ka mid ah dalka, iyo cabsi laga qabo fatahaadyo ay sameeyaan Webiyada Shabeelle iyo Jubba.

Wasaaradda Garaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ayaa soo saartay warbixin ay uga hadlayso saameynta roobab ka da’ay meelo ka mid ah waddanka, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday Wasaaraddu in ay xaalahaasi ay qeyb libaax leh ka qaataan.

Warbixinta halkaan Hoose ka aqriso.

Roobab baa da’ay tan iyo bilowgi bishan October.

Roobabka isbuuca ugu horreeyay da’ay waxey, alle mahadii, meesha kasaareen biyo yari soo jiitameysay deegaannada qaar.

Waxay sidoo kale soo saareen calafka xoolaha, rajo wax beerasho ayaa soo noqotay guud ahaan deegaannada. Waxaa raxmadda alle ay sidoo kale keentay in xoolaha dhiigoodu soo nqodo, dadkiina ay caano ka helaan xoolahooda.

SAAMEYNTA AAN FIICNEYN EE UU ROOBKA KEENAY.

Roobabku waxay keeneen in uu kor u kaco heerka cabirka ee Webiga, labada Webi JUBBA IYO SHABEELLE.

Waxaa kor u kacay qatarta fatahaad ballaaran, aagagga Beledweyne iyo Jowhar ee WEBIGA SHABEELLE iyo Baardheere ee WEBIGA JUBBA.

Sare-u-kaca heer webiga waxaa ka dhashay in uu bara-baxo webiga, taasna waxay sababtay in ay daadad ku butaacaan dhulalka hooseeya ee ku hareereysan labada Webi.

MEEELAHA SAAMEYNTA DARAN GAARTAY.

Meelaha ugu daran ee ay biya-baxada saameysay ee dhinaca webiga shabeelle. Waxaa ka mid ah Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan, iyo qeybo kamid ah gobalka Shabeellada dhexe.

Maanta oo 24 Octobar, cabirka webiga shabeelle aagga Beledweyne wuxuu gaaray 8.1m, cabirkaas wuxuu 0.2M ka yaryahay heerka fatahaadda. Tusaale ahaan hadduu gaaro 8.3m waxaa dhaceysa fatahaad lamid ah tii sanadki hore.

Magaalada Jowhar wuxuu marayaa 5.3m, hadii uu gaaro 5.5m iyana waaa xaalad fatahaad ah.
Waxaa sidoo kale cabsida sii kordhinaya in ay jirto fatahaado laga soo sheegayo koofurta ITOOBIYA buuraha ku yaal, halkaas waxay 20km u jirtaa magaalada Baladweyne

Dhinaca Itoobiya waa halka webigu ka soo galo dalka, roobabka buuraha koofurta dalka itoobiya ayaa keena in biyaha Webigu xad-dhaaf noqdaan, biyaha soo aadaya Soomaaliya markaasna qatarta fatahaadda way kordheysaa

Dhinaca Shabeellada dhexe heerka Webigu gaaray iyana waa heer qatarteedu badantahay gaar ahaan magaalooyinka Jowhar iyo Mahaddaay. Biya baxada labadaas magaalo ka dhacday waxay saameysay dhul-beereedyo badan.

DHINACA WEBIGA JUBBA.

Waxaa fatahaaduhu saameeyeen magaalooyinka Doolow, Luuq, Baardheere iyo Bu’ale

Waa magaalooyinka ku barakacay ilaa 5,000 oo qof, xoolo tiradooda ku dhawdahay 300 oo neef ayaa biyaha ay la tageen, dhul-beereedyo gaaraya 1,200 Mitir dhibaato ayay saameeyeen.

Dhinaca Baay iyo Bakool, daadadka roobka waxay qasaaro gaarsiiyeen dhul beereed xooggan, dhulka hooseeya ee Gedo sidoo kale roobab xooggan baa saameyn ku yeeshay.

NIDAAMKA SAADAASHA.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxay gacanta ku haysaa dib u howlgalinta xarunta Saadaasha Hawada Dalka ama nidaamka Afka qalaad loo yaqaano (Multi-Hazard Early Warning System).

Nidaamkaas waa kan loo isticmaalo in la sii helo xogta cimilada si loo sii xoojiyo diyaar garowga dal ahaan marka ay jirto qataraha fatahaadyadu sameyn karaan.

Waxaan nidaamkaas gacanta ku sii hayay hey’ado ay naga dhexeeyaan wada shaqeyn fiican, hey’adahaas xiriirkeenna waxaa kamid ah in ay na siiyaan oo aan wadaagno xogaha ay hayaan iyaguna ay naga qaataan xogta aan heyno.

Haddaba waxaan halkan ku soo gudbinayaa Saadaasha aan heyno illaa hadda:

SAADAASHA ISBUUCA SOO SOCDA.

Maalmaha ugu horreyn dhinaca Webiga Jubba.

Robabka iyo daadadka meelaha qaar.

JUBBA.

Dollow illaa Baardheere Saadaashu waxay sheegeysaa roobab meel dhexe ah.

Webiga in uu sare kac sameeyo marka la’eego roobabka Itoobiya ka socda.

Meelaha Baardheere u dhaw biya-baxo in ay dhacaan ayaa dhici karta.

JUBBADA DHEXE IYO JUBBADA HOOSE.

Saakow illaa Kismayo

Roob meel dhexaad ah.
Webiga heerkiisu in uu sii sarreyn doono ayay saadaashu sheegeysaa, fatahaad baan ka baqeynaa dhinaca Bu’ale sida sadashu sheegeyso.

Webiga Shabeelle.

Belad Weyne illaa Jalaaqsi.
Roobab meel dhexaad ah.

Webiga heerkiisa oo kor sii ahaado
cabsi daadad oo ka jirta dhinaca Magaalada Beledweyne.

Shabeellada dhexe illaa Shabeellada Hoose.

Roobab meel dhexaad ah.

Marka la fiiriyo heerka sare u kaca ee Webiga, roobabka socda iyo sida lakabyada Webiga u bur- bursanyihiin.

Maxay Dowladdu Qabaneysaa.

Tan iyo Markii qatartan soo if-baxday waxaan dadaal xooggan ku bixinnay sidii aan u abaabuli lahayn dhammaan heerarka kala duwan ee Dowladda, heer Degmo, heer Gobal, heer Dowlad Gobaleed iyo heer Federaal, waxaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay sidoo kale amartay tusaaleysay dhammaan Bulshada ka shaqeysa arimaha Bani’aadannimada ee deegaanada qatarta ka jirto gaar ahaan iyo guud ahaan dalka.

Maamulka Degmada Bladweyne oo kaa shanaya hey’adaha waxaa lagu guuleystay in meelaha qatarta ka jirto dadka loo sahlo in ay ka guuraan oo ay tagaan meelaha sar-sare ee kamidka ah Gobolka.

Baahida ugu weyn ee dadka guryahooda ka barakacay qabaan waa baahiyaha loo yaqaano aas-aasiga ah, Wasaaraddu waxay diyaarisay tan ugu daran in la helo hooy dadka ka galaan qabowga meelaha ay tageen.Waxaan diyaarinnay agabyada loo baahanyahay si ay dadka u helaan deegaan, waxaanan gaarsiin doonnaa dhammaan meelaha ay qatarta ka jirto.
Waxaan sidoo kale ku tartarsiinay hey’adaha in keydadkooda cuntada u dhaweeyaan meelaha culeysyada ka jiraan weyna naga ogolaadeen.

Diyaar Garowgeenna dowlad ahaan aad buu u fiicanyahay.

UGU DAMBEYN.

Dadka soomaaliyeed oo lagu yaqaanno dad adag xilliyada culeysyada jireen, leh xiriir bulsho oo ay ku dheehantahay iskaashi iyo iskaalmeyn marka qataraha noocan ah jiraan waxaan ugu baaqeynaa in ay Dowladda iyo dadkooda garab istaagaan.Waxaan markale ku celinaynaa in sidoo kale hey’adaha dowrkooda shan jibbaaraan.