Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Ugu Baaqay Deeq Bixiyeyaasha Ay Gacan Ka Geystaan Fatahaadaha

Date:

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay aad uga walaacsan tahay Qatar bini-aadinimo oo ka dhalan karta fatahaada Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo gobalada qaar durba ka bilaabay fatahaad.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu beeqay hay’adaha deeq bixiyeyaasha iyo dhammaan xubnaha beesha Caalamka ee Soomaaliya ka taageera arrimaha deg deg ah in ay ka qayb-qaataan gurmadka dadka ay dhibaatada saameysay sidoo kalane loo baajin lahaa in dad kale ay barakacaa.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay soo gaartay cadeymo muujinaya in wabiga Shabeelle uu ku fatahay degaanno hoos yimaado magaalada Beledweyne ee xarunta ee gobalka Hiiraan islamarkaana ay ka barakaceen kumanaan shacab ah oo u badan danyar.

Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in Wabiga Jubba uu fatahaad ka sameeyo degmooyin ka tirsan gobalka Gedo islamarkaana uu saameeyo dadka danyarta ah iyo kuwa kale ee ku nool jiinka Wabiga.

Wabiga Shabeelle ee mara gobalada Shabeelooyinka iyo Hiiraan ayaa durba bilaabay in uu ku fataho degaano ka tirsan Hirshabeelle waxaana Beladweyne todobaadkii las oo dhaafay ka barakacay in kabadan 11 kun oo qoys kuwaas oo ku noolaa hareeraha wabiga, halka wabiga Jubba la sheegay in laga cabsi qabo in uu fatahaad ka sameeyo magaalada Baardheere ee gobalka Gedo taas oo walaac ku abuurtay dadka degaanka.

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...