Danjire Tarsan” Ma jiro kulan dhexmaray Madaxwayne Farmaajo iyo Safiirka Maraykanka ee Kenya”

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter uu Muqdisho kula kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalana hadlay in Soomaaliya ka laabato kiiska badda ee horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho,Isagoo oo Madaxweyne Farmaajo kala hadlay arrimo quseeya Badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka uu la kulmay madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu Safiir Tarsan sheegay in Safiirka Mareykanka ee Kenya uu dhowr bilood ka hor tagay magaalada Muqdisho markaasna uusan wax kullan ah laqaadan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” Ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook.

“Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.” Ayuu sii raaciyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...