Home Blog Page 987

R/Wasaare Ku-xigeenka XFS: Shika Garowe waa Shir Guuleed Waxa uuna U Socdaa Si Wanaagsan

Muqdisho (SNTV):–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay shirka ay magaalada Garowe ku leeyihiin madaxwaynahya dalka, Ra’iiusl Wasaaraha iyo madaxda dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa madaxda ugu hambalyeeyay shirka oo ay uga tashanayaan aayaha dalka, waxa uuna rajeeyay in shirka ay kasoo baxo natiijo wanaagan oo wax ka tarta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku tilmaamay shir guuleed oo ku socda si habsami leh, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbayday is garab istaagaan madaxda dalka una duceeyaan.

Maamulka G. Banaadir oo maanta dhagax dhigey waddo laami ah oo laga hirgalinayo Degmada Shingaani

0

Muqdisho 08 May 2019—Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigey waddo laami ah oo laga hirgalinayo Degmada Shingaani, waddadan ayaa waxa ay ka bilaabaneysaa Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ilaa Saldhiga Degmada Cabdi-Casiis oo muhiim u ah isu socodka labada Degmo.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo ka hadlay dhagax-dhigga waddadan cusub ee maamulku dhisayo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in shacabka lagu celiyo canshuuraha laga soo qaado, si bulshadu u dareento wixii ay bixiyeen in wax loogu qabtay.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in jidkani uu laf-dhabar u yahay isku socodka Caasimadda, gaar ahaan labada degmo ee Shingaani iyo Cabdicasiis oo waddadan ay isku xirto.

Sidoo kale, Guddoomiye Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka Caasimadda in loo istaago horumarka iyo bilic soo celinta Caasimadda, iyadoo muwaadin walba ay tahay masuuliyad saaran ilaalinta nadaafadda deegaanka uu dagan yahay.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa horey ugu dhawaaqay in sanadka 2019 ay ka fulin doonaan Caasimadda mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo kaabayaasha adeegyada bulshada.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenada Arrimaha Bulshada, Howlaha Guud iyo Guddoomiyaha Degmada Shingaani.

Maamulka Gobalka Nugaal oo Garowe Afur Sharafeed Ugu Sameeyay Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudan Xasan Cali Khayre ayaa caawa ka qeyb galay afur sharafeed uu maamulka gobolka Nugaal u sameeyay wafidiga Ra’iisul Wasaaraha ee ku sugan magaalada Garowe.

Afruka Sharafeedka ay maamulka gobalku u sameeyeen ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Mas’uuliyiin Kale.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre  ayaa caawa booqday qaar kamid ah goobaha ay bushadu ku kulanto ee magaalada Garowe  si uu u xog waraysto shacabka magaalada una ogaado, isaga oo sidoo kale tegay qaar kamid ah xarumaha ganacsiga magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo dadka uu la kulmay ka dhagaystay talooyin iyo fikrado muhiim ah ayaa  bogaadiyay wada shaqaynta ka dhexeysa shacabka iyo madaxdooda iyo nabad geliyada iyo horumarka ay iska kaashadeen.

Marxuum Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo Muqdisho Aas Qaran Loogu Sameeyay

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin  kale ayaa maanta Salaadda Janaasada ku dukaday maydka Allaha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko, oo maanta Muqdisho laga soo dejiyay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo dhammaan mas’uuliyiintii kale ee ka qayb galay aaska ayaa marxuumka Allah uga baryay in uu u naxariisto.

Salaadda kadib ayaa Marxuumka lagu aasay Qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Amb. Maxamed Warsame Cali oo maalma ka hor ku geeriyooday dalka Kenya ayaa ahaa shakhsi aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo ku suntanaa. Waxa uuna qayb waqtigiisa kamid ah ku qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan, kana mid ahaa aasaasayaashii, Maamulka Galmudug, isaga oo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Galmudug.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Xilka la wareegay

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirki hore Daahir Maxamuud Geelle.

Xilwareejinta ayaa  waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Madaxda kale ee Wasaaradda.

Wasiirkii Hore Wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” isagoo sheegay in Warfaafintu heyso Shaqo badan oo aad muhiim ugu ah dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan xilkii Wasaaradda ku wareejiyo Wasiirka cusub waxaan u rajeynaa in uu shaqada meesheedii kasii wado meel fiican ayaana ugu imid ugana tagaa” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta

Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inuu halkaas kasii wedi doono shaqadii uu haayay Wasiir Geelle.

“Aad ayuu mahadsan yahay Wasiir Geele oo aan maanta shaqadda kala wareegayo waxaana balan-qaadaa in Howsha aan meesheedii kasii wado aniga oo latashanaya asiga iyo Shaqaalaha kale ee Wasaaradda”.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ayaa Wasiirkii hore ku bogaadiyey shaqadda uu qabtay mudadii uu joogay, isaga oo Wasiirka cusubna sheegay in sababta loo soo xushay ay tahay in aqoon uu u leeyahay Warfaafinta.

Ciidanka Xoogga dalka oo ku Wajahan Deegaanada Shabeellaha Hoose ay kaga harsanyihiin Argagixisada

Muqdisho (SNTV)-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe Howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ka waday Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada Awdhiigle, Mubaarak iyo Janaale.

Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed  Gashaanle Cabdiraxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey sida Ciidanka Danab ay Kooxda Alshabaab uga saareen deegaanka Bariire iyo sidoo kale Howlgallo kale oo lagu xoreynayo deegaanada Nabad diidka hadda ay ku dhuumanayaan.

Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa sheegay in ay doonayaan in Shacabka Ku nool Awdheegle, Mubaarak iyo Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka dulqaadaan dhibaatada Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, isaggoo xusay in Cadowga hadda aysan laheyn Awood ay isaga difaaca Ciidanka Geesiyaasha ah ee Xoogga dalka.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo sheegay in la dhameestiray wajiga 3-aad ee wadahadalka deen cafinta.

0

Muqdisho (SNTV)– Wasiirka Maaliyadda Dowladda federaalka Soomaaliya Dr: Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo qabtay Shirka Bilaha ayaa faahfaahin ka bixiyay wada hadaladii ugu dambeeyay ee deyn cafinta Soomaaliya oo ay la galeen Wadamadda iyo hey’adaha Soomaaliya lacagta ku leh.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay in shirarkii ka dhacay Mareykanka Dowladda Soomaaliya muhiimad gaar ah la siiyay, si ay u soo bandhigto marxalada dhaqaale dalka, dalabka deyn cafinta, iyada oo ay fadhiyeen hey’adaha iyo Wadamada deymaha ku leh Soomaaliya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Shirkii xigay ee wadahadalka deyn cafinta oo ka dhacay Addis ababa, iyadoo la isla meel dhigay dhameystirka Wajiga seddexaad ee wada hadalka deny cafinta iyo waqtiyenta shirka kama dambeysta ah ee deymaha looga cafinayo Soomaaliya oo dhacaya horraanta sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa sidoo kale ka hadlay Mashruuc ay taageeraayan Midowga Yurub iyo Banka aduunka oo lagu horumariyo is-dhaxgalka dhaqaalaha Waddamada Geeska Afrika iyo kulama ay wada qaateen Wasiirada dhigiisa ah ee gobolka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in mashruucani yahay mid faai’da badan u leh Gobolka, dalwaliba uga faa’iidaysanayo halku wax soo saarkiisu ku wanaagsan yahay.

Wasiir Beyle ayaa gabagaba sheegay in laga maarmaan tahay in labada gole ee Barlamaanka Soomaaliya ay meel mariyaan shuruucda dhinaca Maaliyadda ah ee Golaha Wasiiradu soo gudbiyeen ayna qeyb ka yihiin shuruudaha ay tahay ka hor sanadkaan ay Soomaaliya ka gudubto waxaana ka mid ah shuruucdaasi sharciga maamulka Dhaqaalaha dalka (PFM) , kan Dakhliga, mideynta canshuuraha iyo kastamyada iyo sharciga Iibka Qaranka oo dib u noqosho lagu sameynayo.

Dhahar oo caawa u gudbTay wareegga labaad ee tartanka Cilmiyeedka Bisha Ramadan

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa saddexaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Xamarweyne iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sanaag, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Xamarweyne Vs Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Xamar weyne

Tartameyaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar weyne ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Xamar weyne, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 3aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 4aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Dharkeynleey iyo Kaaraan oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

 

Ciidanka Booliska oo gacanta kusoo dhigay Askari dil ugeystay Darawal Mooto bajaaj

0

Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya Jenaraal Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidamada Booliska ay soo xireen askari boolis ah, kaasoo saaka degmada Hodan ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo watay Mooto Bajaaj.

Janaral Sakiya oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in an la ogolaan doonin in askarta ay dhibaato u geystaan Shacabka, waxaa ay sheegtay in  sharciga la hor keenayo  Askariga geystay dilka.
shanka kale dhaawac  ayaa kasoo garay qof kale oo ka agdhawaa Isgoyska Tarabuunka oo ah halka ay toogashada ka dhacday.
“Ciidanka Booliska ayaa gacanta  ku soo dhigay askari boolis ah oo maanta darawal mooto Bajaaj ku dilay qof kalena ku dhaawacay Tarabuunka, sharciga ayuu hortagi doona” ayey tiri Taliye Zakiya.
Tallaabadan ayaa noqoneysa  mid u doonayo Taliska Booliska in u kula xisabtamo askarta ka tirsaan dowladda ee shacabka waxyeelysa ,iyadoo looga hor tagayo  dilalka loo geysto darawalada Mooto bajaajta,ciidanka nabad galyada ayaa gacanta ku soo dhigay askariga ku lugta leh falka lagu dilay darawalka Mootada lana soo taago Maxkamad.

Wasiirka Cusub ee Warfaafinta oo maanta xilka la wareegay

0

SNTV:-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maantay si rasmiya ula wareegay xilka wasaaradda warfaafinta oo dhawaan loo soo magacabay.

Xilwareejinta ayaa waxaa gobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo masuuliyiinta  kale ee  Wasaaradda warfaafinta.
Wasiirkii Hore warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” isagoo sheegay in Warfaafinta  ay heyso Shaqo badan  muhiim ugu ah bulshada  Soomaaliyeed.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan xilkii Wasaaradda ku wareejiyo Wasiirka cusub waxaan u rajeynaa in uu shaqada meesheedii kasii wadi doono meel fiican ayaana ugu imid ugana tagaa” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inuu halkaas kasii wadi doono shaqadii uu haayay Wasiir Geelle.
“Aad ayuu mahadsan yahay Wasiir Geelle oo aan maanta shaqadda kala wareegayo waxaana balan-qaadaa in Howsha aan meesheedii kasii wado aniga oo latashanaya asiga iyo Shaqaalaha kale ee Wasaaradda”.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ayaa Geelle ku bogaadiyey shaqadda uu qabtay mudadii uu joogay, isaga oo Wasiirka cusubna sheegay in sababta loo soo xushay ay tahay in aqoon uu u leeyahay Warfaafinta.