Home Blog Page 985

Wasiirka amniga XFS oo ka hadlay amniga Galmudug.

Wasiirka amniga XFS mudane Maxamed Abuukar Islaw oo maanta hadal ka jeediyay shirka dib -u-heshiisiinta Galmudug ee Dhuusamareeb ka socda ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso amniga iyo is dhex galka ciidankii la isku dhafay ee ka howlgalay Dhuusamareeb iyo magaalooyin kale.

Wasiir Islow aya sheegay in madaxda dowladda dhexe ay dadaal xoogan ku bixinayaan sidii loo xoojin lahaa amniga Galmudug iyo isku dhafka ciidanka isla markaa waxaa uu xusay in guul weyn laga gaaray isku dhafkii ciidanka amniga sidoo kale tababar loo qabtay ciidankii Ahlu sunna kuwaas oo tababar ku qaadanaya Muqdisho iyo Jabuuti.

“Ciidamada dareeskii ciidanka waa la siiyay mushaarkii bishii labaad waa la siiyay waxaan hadda ku howlanahay dib u xoreynta goobaha argagixisadu ka joogto goboladaan xerada Harqaboobe ee Guriceel ayay ciidan milatari ah ku qaadanayaan tababar iyagoo loo diyaarinayo xoreynta dhulkaas qorshuhuna wuxuu yahay in doorashada ka hor la xoreeyo dhulka cadawgu haysto.

“Sidaad la socotaan ciidamo ayaa lagu diyaariyay Hiiraan ciidamadaas waxaan rabnaa haduu ilaahay yiraahdo in la soo qaado Guriceel la keeno ciidanka tababar ay isla qaataan ka dibna Galmudug lagu xoreeyo sidoo kale Hirshabelle lagu xoreeyo iyo degaanada kale ee cadawga Khawaarijta ah ay haystaan” ayuu yiri wasiir Islow.

 

Soomaaliya oo ka qayb gashay wejiga afaraad ee shirka deyn cafinta.

Wasiirka Maaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya kooxda wadahadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) xilli uu socdo wadaxaajoodka Wejiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliya ee loogu yeero (SMP4).

Waxaa si gaar looga hadlayaa kulanka wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadexdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xeran wada hadalka deynta cafinta wajiga afaraad .

wadahadalka waxaa kale oo ka qeyb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Inta uu socdo shirka Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay…

Wasiirka Maaliyada Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta.

Madaxweynaha Dowladda Falastiin oo Ku hanjabay inuu Ka bixi doona Heshiisyadii Ay Israa’iil la Galeen

0

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ku hanjabay inuu ka baxayo heshiisyadii ay la galeen Isra’iil, haddii uu Benyamiin Netanyahu uu oofiyo balanqaadkiisii ahaa inuu qabsanayo dooxada Jordan iyo Waqooyiga Badda loo yaqaano (Baxrul meyd).

War qoraal ah oo ay baahisay  Wakaaladda wararka ee Falastiin, ayaa lagu yiri: Cabaas wuxuu sheegay in heshiisyadii lala galay Israa’iil ay dhici doonaan haddii ay Isra’iil ku soo xad gudubto qeyba horleh oo dhulka Falastiin ka mid ah.

Maxamuud Cabaas ayaa sidokale sheegay in go’aamada Netanyahu ay ka hor imaanayaan go’aamadii lawada galay iyo sharciyada caalamka.

Netanyahu “ma doonayo xalkasta oo nabadda lagu xoojinayo mana aqoonsano in go’aamada Dowladda Falastiin ay wax tar yahiin, wuxuna diidayaa heshiiskii hore ee la wada galay ” ayuu yiri Maxamuud Cabaas.

Xoghayaha Guud ee Guddiga fulinta Ururka Xoreynta Falastiin Saa’ib Curey qaad , ayaa sheegay in aan loo dulqaadan Karin hanjabaada Yahuuda ee ku aadan qabsashada dooxada Jordan iyo waqooyiga Baxrul meyd, talaabadana ay tahay dambi dagaal iyo meelka dhac loo geysatay karaamada Dadka reer Falastiin.

Mas’uul kale tirsan Ururka Xoreynta Falastiin ee PLO  oo lagu magacaabo Xanaan Ashraawi ayaa ku tilmaamay hadalka Netanyahu inuu yahay xadgudub dhuleed iyo  mid qowmiyadeed oo meesha ka saraya fursadaha nabadda ee horay loo galay.

Ugu danbeeyntii Ururka Xamaas ayaa si wada jir ah uga soo horjeestay hadalka hanjabaada ah eek a soo yeeray Benyamiin Netanyahu ee ku aadan inuu qabsashada dooxada Jordan iyo waqooyiga Baxrul meyd

Soomaaliya oo Wareejisay Hoggaanka Shirka Golaha W/A/Dibedda Jaamacadda Carabta

0

Qaahira:-Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa Shalay wareejiyey hoggaanka shirka golaha Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacadda Carabta.

Wasiir cawad, oo Guddoominayay shirka Wasiirrada Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar, ayaa geba-gebadii kulanka xilka hoggaanka ku wareejiyay dhiggiisa Dalka Ciraaq, Maxamed Cali Xakiim.

Ambassador  Cawad, ayaa sheegay in Lixdii Bil lood ee ay xilka haysay Soomaaliya ay u qabsoomeen waxyaabo badan, kana shaqeeyeen isu soo dhoweynta siyaasadda Waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta iyo iskaashigooda.

Shirka Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacadda carabta ayaa looga hadlay dhibaatada haysata Shacabka reer Falastiin iyo colaadaha ka aloosan Waddamada Libya, Yemen iyo Suuriya.

R/Wasaare Kheyre oo Xudur kula kulmay Madaxda Degmooyinka Bakool & Odayaasha Dhaqanka

0

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa magaaladaas waxaa uu kullan kula qaatay Dhamaan Masuuliyiinta degmooyinka Gobolka Bakool iyo Odayaasha Dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay Gudoomiyaaha Degmooyinka sida wanaagsan oo ay kaga qaybteen dagaalka Maleeshiyaadka Al Shabaab.

Dhanka kale, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay Hey’adaha dhanka gargaarka inay tagaan magaalooyinka kala duwan ee Gobolka Bakool halkaas oo meelaha qaar ka jiraan xaaladu Bani’aadanimo aad u daran.

Dadka shacabka ee Gobolka Bakool ayuu uga mahadceliyay sida geesinimada leh oo ay ula dagaalameen islamarkaana isaga xoreeyeen maleeshiyaadka Al Shabaab waxaana uu sheegay R/Wasaaraha in degmada Xudur uusan u tagin in maamulka iyo Shacabkaas uu wax u sheego balse in wax laga faa’iideysto ay tahay iga.

R/Wasaaraha Xukuumadda ayaa inta uu halkaas joogo waxaa uu booqan doonaa xeryaha ciidanka qalabka sidda ee kuyaala halkaasi iyo meelo kale oo muhiim ah.

Soomaaliya iyo Masar oo heshiis iskaashi kala saxiixday.

0

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa heshiis iskaashi ee dhinaca maalgashiga ah ku kala saxiixday magaalada Qaahira, kadib markii lasoo gabagabeeyay shir weynihii labaad ee guddiyada ganacsatada labada dal uga socday magaalada Qaahira.

Heshiiska istiraajiyadda iskaashiga labada Dal waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Eng Cabdullaahi Cali Xasan, dhinaca Masar waxaa u saxiixday Wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga Saxar Nasar, munaasabaddaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka ganacsiga Masar.

Soomaaliya iyo Masar oo xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo ayaa horay u kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo dhinacyo kala duwan ah, dowladda Masar ayaa kaalmo dhinaca amniga ah Soomaaliya ka taageerta si meesha looga saaro kooxda arxan darrda ku sifowday ee Al shabaab.

Wasiir Khadiijo: “Haddii Aad Tihiin Xulka Qaranka, Ummadda Soomaaliyeed & Dowladda Waad Farxad geliseen”

0

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Marwo Khadiijo Diiriye oo khadka telefoonka ku bogaadisay xulka Qaranka xilli ay la ciyaarayso xulka dalka Zimababwe ayaa u dirtay fariintan gaar ahaan cayaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya.

“Hadii aad tihiin xulka Qaranka,Wasaaradda,Umadda Soomaaliyeed,dowladda iyo bulshada meelkasta oo aad joogaan gudaha iyo dibadda waad farxadgeliseen, waxaana alle idinkaga baryaynaa in aad guusha heshaan,magaca adinkaa keeney”.  Sidaasi waxaa khadka telefoonka ka bogaadisay Wasiir Khadiijo Diiriye oo xilligaasi maanta ay ka muuqatay farxad.

“Magaca Soomaaliyeed maanta meesha aad gaarsiiseen, muddo 30 kadib, cidi ma ogeen dadaalkii lagu bixiyay arrintaasi, waxaad ogaataan in la idinka war-qabo illaahay ha idin garab galo, mid walba oo idinka mid ah madax ayaan ka dhunkaday guuleysta, Allah-macakum.”. ayay tiri wasiir Khadiijo.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo khadka telfoonka kula hadashey xulka Qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, kuwaasi oo maanta la cayaaraya xulka qaranka dalka Zimbabwe, ciyaar kamid ah is reeb-reebka koobka Addduunka ee 2020.

Khadiijo ayaa sheegtay in dhammaan madaxda dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ay taageero iyo ammaan ay la garab taagan yihiin xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, iyadoo ku dhiirigelisay in ay difaacaan magaca ummadda Soomaaliyeed.

Ciyaartan dhex-maraysa xulalka qaramada Soomaaliya iyo Zimbabwe ayaa ah mid aad u xiiso badan, waxaana ka qeyb galaya taageerayaal Soomaaliyeed oo ka kala socda gudaha iyo dibadda dalka, kuwaasi oo ku sugan caasimadda Dalka Zimbabwe ee Harare.

Wasaaradda Cadaaladda DFS oo shaacisay Qorshe lagu hormarinayo hannaanka Cadaaladda

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu hormarinayo hannaanka Cadaaladda dalka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo Wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu ka hadlay Hirgalinta nidaamka  cadaaladda dalka oo ay wadaan, Islamarkaana la tashiyo kala duwan kala sameeyeen dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo qeybaha kala duwan ee Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in nidaamka cadaaladda la doonayo in uu lajaan qaado nidaamyadda cadaaladda ee dunida ka jirta lehna awoodihii lagu fullin lahaa.

“Waxaa jiray in aan ka shaqeyneynay hanaanka cadaaladda, asluubta iyo siyaasad weyn oo dowlad gobolleedyadda iyo dowladda federaalka ayaa nidaamkaas si-wadajir ah uga soo shaqeeyeen, hanaankaas oo la horgeeyey golaha wasiiradda oo ay ansixiyeen”

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa sheegay in hannaankaasi laga hirgalin doono dhammaan dalka si ay dadka Soomaaliyeed u helaan nidaam cadaaladeed oo wanaagsan.

Faaduma C/laahi Max’uud: Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo Shirweyne Caalami ah ka qayb gashay

0

Shirkan oo ah kii 14-aad ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa ee xaalufinta deegaanka baaba’a dhulka abaaraha iyo isbadalka cimilada ayaa ka furmay dalka India, daah-furka shirka oo uu ka qayb galay R/ wasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Safiirka Soomaaliya ayaa kamid ah dadka ka qayb galaya shirkan oo sidoo kale ay ka qayb galayaan Marwo Faaduma Cabdullaahi Maxamuud, Agasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada XafiiSka R/wasaaraha Axmed Yusuf Axmed, la-taliye sare dhinaca siyaasada Madaxweynaha JFS Mudane Cali Daa’uud iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galaya shirka.

Shirka ayaa waxa isugu yimid in ka badan 196-dal, 100 wakiilo oo kala duwan ah iyo hay’adaha daneeya Arrimaha deegaanka, sidoo kale shirkaan waxaa uu qayb ka yahay shirar diiradda lagu saarayo deegaanka, cimilada iyo dhulka ay baaraha ku dhufteen.

Inta badan masuuliyiinta hadalada ka jeediyay goobta shirka ayaa waxa ay aad uga hadleen cimilada hawada wasakheysan iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Dhanka Dawladda Soomaaliya oo ay u hadashay Danjire Faaduma Cabdullaahi Maxamuud ayaa sheegtay in wasakheynta hawada loo baahan yahay in hoos loo dhigo, si loo abuuro fursad lagula soo baxo Kheyraadka, loona kordhiyo awoodda tamarta .

Shirweynaha Q/midoobay ee xaalufinta deegaanka iyo hoos u dhigida abaaraha ayaa waxa uu socon doona ilaa 13-ka September, iyaddoo looga hadli doono arrimaha deegaanka iyo isbadalka cimilada.

Tiro ka mid ah nabad diidka Arxanka daran ee Al-Shabaab oo la dilay iyo hub laga furtay

0

Maleeshiyada kooxda nabad diidka ah ee Al Shabaab oo xalay isku dayey in ay weerar ku qaadaan magaalada Garbahaareey si ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah ayaa ku hungoobay falkii ay damacsanaayeen kadib markii ay ciidanka xoogga dalka oo ka war helay qorshaha kooxda ayaa ka hortay iyadoo halkaasi uu jab weyn kasoo gaaray kooxda Nabad diidka ah.

Ciidanka xoogga ee ka howlgala Garbahaareey oo dagaal kaga hortagay ayaa ku guuleystay in ay toogasho ku dilaan dhowr dhagar qabe oo kamid ah meelshiyada arxanka daran ee Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta dowladda in labo dhagarqabe oo katirsan Al Shabaab lagu dilay howlgalka ciidanka dowladda Soomaaliya ay qaadeen iyadoo sidoo kale halkaasi ay kaga soo furteen hub badan oo Argagaxisadu leeyihiin.

Dadka magaalada ayaa sheegay in xaaladdu saakay ay caadi tahay iyadoo howlgalka uu gacan ka helayay wadashaqeeynta wanaagsan ee ka dhaxeeya ciidamada iyo dadka shacabka ah.

Malleeshiyaadka Al Shabaab ayaa dhowr mar oo hore sidaan oo kale isugu dayey inay weeraraan fariisimada ciidanka ee magaaladaasi balse waxaa ay kala kulmeen jab xooggan.