Horjoogayaal ka mid ahaa argagaxisada oo lagu dilay Jubbada Hoose.

0
7

Ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa ay howlgal miino baaris ah ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay howlgalada ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Koban,Bangeeni  gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa intiii ay ku jireen howlgalkooda waxaa dileen Maleeshiyaad ka tirsan Argagaxisadda Al Shabaab kuwaas oo isku dayey inay Ciidanka arbushaan.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 4 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro intaasi ka badana lagu dhaawacay.