Wasiir Beyle oo Dalka Ivory Coast kula kulmay madaxda Bankiga horumarinta Afrika.

Date:

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo madaxda Bangiga Hormarinta Afrika kala hadlay, sidii ay gacan uga geysan lahaayeen deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Dowlaadda Federaalka ee Soomaalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo kusugan Magaalada Abidjan ee Dalka Ivory Coast ayaa kulan u kula yeeshay gudoomiye ku xigeenka Bankiga Hormarinta Afrika waxay kaga wada hadleen sidii Bangigu dhinacyo badan uga taageeri lahaa Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadan karaan dadaalada deyn cafinta Soomaaliya.

Socdaalka Wasiir Beyle ayaa ujeedadiisu tahay sidii uu madaxda Bankiga horumarinta Afrika ula wadaagi lahaa Hormarka Maamulka Maaliyadda Soomaaliya laga saameyey iyo kor u qaadista dakhliga gudaha Dalka.

Khaalid Shariif oo ah Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika ayaa soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay inay waqti kooban kaga gudubto dhibaatooyinkii dhaqaale ay lasoo kulantay muddadii burburka, waxa uu xusay sida ay dhankoodu ugu heellanyihiin inay Soomaaliya ka gacan siiyaan, sidii deynta looga cafin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan Magaalada Washington kaga qeybagalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka, halkaas oo uu wasiirku kulamo kula yeeshay madaxda labada Hay’adood isla markaana uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...