Home Blog Page 984

DF oo joojisay gabi ahaanba heshiisyadii tijaabada badqabka gaadiidka.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga noqotay dhammaan heshiisyadii badqabka gaadiidka ay la gashay shan shirkadood kuwaas oo horay loo siiyay ruqsadda ka shaqeynta badqabka gaadiidka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa lagu baabi’iyay heshiis ay wasaaraddu la gashay shirkadahaasi kuwaas oo ruqsad u haystay hubinta badqabka gaadiidka.

“Waxaa gabi ahaanba la joojiyay tijaabada badqabka gaadiidka Ministry of transport test (MOT) ama (Kalaawito) waxaana la farayaa hey’adaha dowladda ee ay arrintani khuseyso in ay dhaqan galiyaan go’aankan.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa bixisa shatiyo waqtiyaysan, isla markaana waxaa ay tartan galisaa shirkadaha danaynaya in ay bixiyaan adeegga bulsho ee loo baahan yahay si loo helo shirkado xirfado sare leh kuwaasi oo si hufan uga shaqeeya badqabka gaadiidka.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Baydhabo Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socota Qaramada Midoobay Iyo Bangiga Adduunka

Ra’iiusul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha bini’aadninimada, Mark Lowcock, kaaliyaha xoghaha guud ee qaramada midoobay ee taageerada dhismaha nabadda, Oscar Fernandez-Taranco iyo madaxweyne ku-xigeenka sare ee Bangiga adduunka, Mahmoud Mohieldin oo Baydhabo booqasho ku yimid.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre, Mark Lowcock, Oscar Fernandez-Taranco iyo Mahmoud Mohieldin oo ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha Koonfur Galbeed, qaar kamid ah wasiirrada XFS iyo Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaaladaha bini’aadninimo ee dalka, dhismaha nabadda, qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta uu kulanka la qaatay waxa uu warbixin ka siiyay horumarradii dowladdu ka gaartay arrimaha dib-u-heshiisiinta, xaaladda deegaannada Koonfur Gableed ee socdaalka uu ku tegay, waxa uuna la wadaagay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gargararka loo bedelo mashaariic horumarineed oo bulshada wax tar u leh, si loogu diyaar garoobo xalka waqtiga fog ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda federaalka ee dib-u-kabashada dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, xaaladda bini’aadninimo, dib-u-heshiisiinta, kobcinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxa ayna sheegeen in hey’adaha qaramada midoobay iyo Bangiga adduunku ay Soomaaliya kala shaqeynayaan ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ku dhiirri geliyay hay’adaha caalamiga ah in ay taageero deg deg ah iyo mashaariic horumarineed ay la gaaraan deegaannada laga xureeyo argagaxisada, si bulshadu ay uga soo kabsato dhibaatooyinka kasoo gaara ficillada iyo dhaqamada gurracan ee kooxaha nabad diidka ah

Generaal Zakiya “CID waxaa ay soo qabatay shabakad ka ganacsata caruurta.

0

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in hoggaanka dambi baarista CID-da ay soo qabatay shabakad ku howlneed ka ganacsiga caruurta kuwaas oo CID ay ku daba jirtay muddo 30 cisho ah.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Generaal Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in shabakaddan ay ka koobneyd 11 ruux oo 8 ka mid ah ay yihiin dumar, Zakiya waxaa ay sheegtay in ciidamada booliiska ay soo badbaadiyeen 11 caruur ah oo da’dooda u dhaxayso 12 jir illaa 7 bil jir.

“Ciidanka Boliiska gaar ahaan hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo bil ah waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysanayaal ah oo 8 ay yihiin haween, sidoo kale ciidamadu waxaa ay soo badbaadiyeen 11 caruur ah oo da’dooda u dhaxayso 12 jir iyo 7 bil jir.

Genenaal Zakiya ayaa barteeda Facebook ku daabacday faah faahinta howlgalkaas lagu soo qabtay shakabaddaasi, sanadihii dambe waxaa Muqdisho lagu arkayay caruur maydad ah oo lasoo dhigay xaafado ka mid magaalada kuwaas oo la sheegay in killiyaha lagala baxay.

Mid ka mid ah xidigaha Barcelona oo xabsi lagu xukumay.

0

Ciyaartoyga qadka dhexe ugu ciyaara kooxda Barcelona ee Arda Turan ayaa lagu xukumay ku dhawaad seddex sano oo xabsi ah ka dib markii isbitaal dhexdiisa uu xabad ka riday ka dib markii dagaal dhexmaray isga iyo qof heesaa ah.

Turan oo hadda amaah ku jooga kooxda Istanbul Basaksehir, ayaa sannadkii tagay la dagaallamay heesaaga caanka ah ee Berkay Sahin, kaas oo uu feer sanka kaga jabiyay.

Ciyaartoyga oo 32 sano jir ah ayaa markaa ka dib tagay isbitaalka, wuxuuna ku riday xabad.

Waxaa lagu helay dembi ah inuu cisbitaalka dhexdiisa ka abuuray argagax, haysashada qori sharci daro ah iyo inuu si ulakac ah qof u dhaawacay.

Xukunka lagu riday wuxuu yahay laba sano iyo sideed bilood oo xabsi ah, laakiin kuma sii jiri doono xabsiga haddii shanta sano ee soo socota uusan dambi galin.

Laacibkan u ciyaara kooxda stanbul Basaksehir, wuxuu ka tirsan yahay Barcelona oo si amaah ah looga iibsaday.

Kooxda uu amaahda ku joogo ee Istanbul Basaksehir ayaa dhacdadaas awogeed ciyaartoygan ku ganaaxday lacag dhan 2.5 milyan oo lira (£350,000).

Wararku waxay sheegayaan in fannaanka, Berkay Sahin, uu la socday xaaskiisa Ozlem Ada Sahin, waxayna ku sugnaayeen baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Istambul, bishii October, xilligaas oo dagaalka uu bilowday.

Ms Sahin ayaa wargayska Haberturk u sheegtay in Turan uu weerar ku soo qaaday ninkeeda oo aad looga yaqaano Turkiga. Fannaanka ayaa markii dambe isbitaal loo qaaday si qaliin loogu sameeyo sankiisa oo jabay.

Dhacdadu halkaas kuma aysan dhammaan. Turan wuxuu ka soo muuqday isbitaalka isaga oo sita qori isla markaana cafis dalbanaya wuxuuna bartiisa tweeter-ka ku qoray inuu khalad galay, kooxdiisa iyo qoyskiisana uu ka dalbanayo cafis.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Dr Baashe Yuusuf Axmed oo soo xiray imtixaanka kaaliyeyaasha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Dr Baashe Yuusuf Axmed oo daah-furay imtixaanka kaaliyeyaasha oo ay u fariisteen 290 tartarme oo u tartami doona 40 boos oo kaaliye nimo oo ka hawlgali doona Maxkamadaha darajada 1 aad iyo 2aad.

#Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Dr Baashe Yuusuf Axmed oo daah-furay imtixaanka kaaliyeyaasha oo ay u fariisteen 290 tartarme oo u tartami doona 40 boos oo kaaliye nimo oo ka hawlgali doona Maxkamadaha darajada 1 aad iyo 2aad.

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Πέμπτη, 12 Σεπτεμβρίου 2019

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddi magacaabay .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa magacaabay Guddiga diyaarinta iyo ka soo tala bixinta qorshaha lagu furayo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, waxaa xubin ka ah Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir afar xubnood oo kale.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka ayaa lagu caddeeyay inuu la tashaday Hey’addaha amniga, isla markaana uu tixgeliyay baahida loo qabo isu socodka shacabka iyo Gaadiidka magaalada Muqdisho ayna lagama maarmaan tahay in la sameeyo qorshaha lagu furayo waddooyinka muhiimka ah ee xiran ee magaalada.

Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isi soo dhiibay

Hor-joogahan oo uu Magaciisa Af-garashadu ahaa Seyfu-Laah, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii gurracnaa ee Argagixisada, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.

Yaroow Xasan Aaden, oo loogu yeeri jiray (Seyfu-Laah), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay xasuuqa ay u geysanayaan Ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, Dadkuna ay macna la’aan ku gowracayaan, isla maraakan uusan waxba ka qaban karin.

Seyfu-Laah, ayaa sheegay in uu kasoo dagaallamay Gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya,wuxuuna Kooxda Al-Shabaab u qaabbilsanaa isku xirka Ciidanka iyo hor-joogayaasha.

Sargaal u hadlay ciidanka xoooga dalka ayaa sheegay in horjoogahan uu xiriir la soo sameeyay ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay uu isu soo dhiibo, kaddib markii uu qirtay dhibaatada ay argagixisada ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga dalka ee ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed ayaa wado howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, taasi oo keentay in horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan ay ka soo goostaan kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidanka oo maanta xukuno riday. {VEDIO}

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku riday Xasan Cali Barre, halka xabsi daa’in ay ku riday Sayid Cali Aadan Nuur oo lagu helay inay ka dambeeyeen Qaraxii ka dhacay xaafada Kaawo Godey ee Degmada  Wadajir 26-kii  November sanadkii hore.

Maxkamada ayaa sii daysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay dambigii lagu soo oogay

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka warbixiyay go’aanka maxkamada.

#Shuute

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidanka qalabka sida oo saaka xukuno riday. Guudddoomiyaha Maxkamadda G/sare Xasan Cali Nuur {Shuute} ayaa ku dhawaaqay.

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Πέμπτη, 12 Σεπτεμβρίου 2019

Dowladda Soomaaliya “ciddii fulisa amarrada shabaab tallaab ayaan ka qaadeynaa.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga digtay shakhsiyaadka fuliya amarrada ay bixiyaan malleeshiyada Al shabaab, kadib markii malleeshiyaadkaasi ay shaaciyeen odayaal dhaqameedyo aan kuwa saxda ah aheyn oo ay sameeyeen.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS ayaa cambaareeyay, falalka bahdilka iyo xadgudubka ah oo ay argagaxisadu ku hayaan shacabka soomaaliyeed ee ku nool tuulooyinka fog fog iyo goobaha fara ku tiriska ah oo ay dalka kaga sugan yihiin.

Dowladda Federaalka waxaa ay sheegtay in si xooggan loo wiiqay awoodda kooxda Al shabaab, isla markaana bilihii lasoo dhaafay horjoogayaal u adkeysan waayay iska caabinta xoogga dalka isisoo dhiibeen, halka kuwa kalana ay ciidamada amnigu soo qabteen.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid walba oo xiriir wada shaqeyn ah la yeelata haraadiga kooxda Al shabaab.

Wasiirka cadaaladda XFS oo shir guddoomiyay kulan bahda cadaaladdu maanta yeesheen.

Shir ay soo qaban-qaabisay wasaaradda cadaaladda XFS oo ay ka qayb galeen bahda cadaaladda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana shir guddoomiyay Wasiirka cadaaladda XFS abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyadoo kulankaas warbixino looga dhageystay bahda cadaaladda ee shirka ka qayb galay.

Warbixinada laga dhageystay bahda garsoorka dalka ee maanta shirka loo qabtay ayaa ku saabsanaa waxyaabihii ka qabsoomay mashaariic hormarineed oo loogu talo galay in lagu hormariyo hay’adaha garsoorka iyo qaabkii loo maareeyay sida uu sharaxayo wasiirka cadaaladda XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji.

Sidoo kale wasiirka cadaaladda dalku waxaa uu shir guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen bahda cadaaladda dalka iyo deeq bixiyaasha caalamku kaas oo diirada lagu saaray dhaqan galinta barnaamijyada  hormarineed  sida dhismaha iyo tayeynta xabsiyada wadanka iyo hirgalinta barnaamijyo horay looga heshiisyay sida marka kale uu sharaxayo Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji.

“Waxaan sidoo kale kulan la qaadanay deeqbixiyaasha caalamka waxaan ka doodnay hirgalinta barnaamijyada hormarineed sida dhismaha xabsiyada iyo tayeyntooda in la hirgaliyo barnaamijyadii horay loo wada gaaray waxaana la isku afgartay in hadda laga wada shaqeeyo dhaqangalinta barnaamijyadaas oo dhan”ayuu yiri Wasiirka cadaaladda.