Gurmarka Dadka reer Baladweyne oo si xowli ah u socda.

Date:

Howlaha Gurmadka dadka ku wax yeelloobay fatahaadaha ayaa si xowli ah uga socda gobollada dalka iyo dibaddiisa.

Waxaa lacago ay gurmadka uga qayb qaadanayaan ku yaboohay dowladda Soomaaliya, Shirkado Ganacsi, Hay’do iyo ururro kala duwan. Sidoo kale waxaa socda dadaallo ay si goonni ah u wadaan bulshada oo is abaabulay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay Nus Malyuun Doollar si hordhac aga qeyb qaadaneyso gurmadka la gaarsiinayo dadka fatahaaddu saameysay.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa sheegtay in ay bixineyso $ 200.000

Rugta Ganacsiga iyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku deeqay lacag ka badan $600.000
Shirkadda Dahabshiil ayaa gurmadka uga qeyb qaadaneysa $150,000
Culimaa’udiin iyo Waxgarad is abaabulay ayaa Garoowe uga dhawaaqay inay gurmadka dadka tabaaleysan u hayaan lacag dhan $ 164,000
Shirkadda Korontada ee Muqdisho ayaa ku yaboohday $ 30,000

Ururrada kala duwan ee dhallinyarada dalka, Jaamacadaha, Iskuullada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa iyaguna si is-xilqaan ah u wada ururinta tabarrucaadda, iyagoo suuqyada iyo xaafadaha la maraya codbaahiyeyaal, halkaas oo qof waliba wixii karaankiisa ah uu ku soo ridayo lambarro loo sameeyay tababarrucaadda ama wixii kale ee ay kaga qeyb qaadan karaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...