Wasiir Beyle oo madaxda Bangiga horumarinta Afrika kala hadlay kaalintooda Ku aadan deyn cafinta Soomaaliya

Date:

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika kala hadlay, sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Dowlaadda Federaalka ee Soomaalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo kusugan Magaalada Abidjan ee Dalka Ivory Coast ayaa kulan u kula yeeshay gudoomiye ku xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika waxay kaga wada hadleen sidii Bangigu dhinacyo badan uga taageeri lahaa Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadan karaan dadaalada Deyn Cafinta Soomaaliya.

Socdaalka Wasiir Beyle ayaa ujeedadiisu taha, sidii uu Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika ula wadaagi lahaa Hormarka Maamulka Maaliyada Soomaaliya laga saameyey iyo kor u qaadista Dakhliga gudaha Dalka.

Khaalid Shariif oo ah Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika ayaa soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay inay ka waqti kooban kaga gudubto dhibaatooyinkii dhaqaale ay lasoo kulantay muddadii Burburka, waxa uu xusay sida ay dhankoodu ugu heelanyihiin inay Soomaliya ka gacan, sidii Deynta looga cafin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan Magaalada Washington kaga qeybagalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda lacagta Aduunka iyo Bangiga Aduunka, halkaas oo uu wasiirku kulamo kula yeeshay madaxda labada Hay’adood uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga Cafin lahaa Deymaha.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...