Home Blog Page 986

FIFA “ciyaar wanaagga xulka Soomaaliya waa caddeyn muujinaysa dib u kabashada Soomaaliya.

0

Wiilasha Mucjisada ah ee Soomaaliya oo ku haminaya in ay taariikh hor-leh sameeyaan.

Oraahdaan soo jiidashada leh waxaa lagu qoray Website-Ka xiriirka caalamiga ah ee kubadda cagta adduunka ee FIFA, waxa ay cadeyn u tahay in ay Soomaaliya dib u soo laabatay oo markan aysan aheyn sidii hore.

Guushii geesiyada Xulkeenu ay ka gaareen dhiggooda Zimbabwe waxa ay abuurtay taariikh cusub oo lagu rajo weynyahay in ay Lugta Labaadee ciyaartaan in ay abuurto taariikh ku qoran boggaga caalamiga ah iyo mida dalkeenna, sidoo kalena cashar u ah jiritaanka taariikhda kubbadda cagta dunida.

Wiilsha Qarankeena oo kulankii lugta hore ee Isreebreebka koobka adduunka 1-0 afka ciidda ugu daray dhiggooda Zimbabwe ayaa galabta markale rajeynaya in ay libin kala soo laabtaan garoonka National Stadium ee magaalada  Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe, taas oo noqon doonta mucjiso kale oo ay dhigaan xiddigaha xulka Qaranka Soomaaliya oo laga soo kala xulay gudaha dalka iyo dibaddiisaba.

Tababaraha reer Ghana  ee hogaaminaya xulka Qaranka Soomaaliya   Bashir Hayford ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulanka ay galabta wajihi doonaan xulka Zimbabwe, wuxuuna sheegay inay si weyn u diyaar garoobeen, isla markaana ay sameyn doonaan wax walba oo ay ku guuleysan karaan.

Tababaraha xulka Zimbabwe   Joey Antipas  oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa wel wel ka muujiyay kulanka galabta dhici doona, waxa uu  tilmaamay in aan la sahlan karin bandhigga iyo xirfada cajiibka ah oo ay soo bandhigeen xulka Qaranka Soomaaliya, isagoo xulkiisa kula taliyey in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan si ay u aargutaan.

Madaxda ugu sareeysa dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ayaa hiil iyo duco la garab taagan Xulka Qaranka, iyadoo ay xusid mudantahay in dhallinyaro badan oo iskood isku abaabulay ay kasoo ambo baxeen dalal badan oo ay ka mid yihiin Zambia, Mozambique iyo South Afrika   si ay  u garab istaagaan xulkeena Ocean Stars oo talaabo u jira inay usoo baxaan wareega xiga ee isreeb reebka koobka dunida ee sanadka 2022 lagu qaban doono dalka Qatar

Hadii wiilasha xulkeenu ay guuleystaan oo ay taariikhda markii ugu horeysay u tallaabaan wareega labaad ee Isreebreebka koobka dunida, waxey ka mid noqon doonaan 14-ka xul ee kasoo gudba wareega koowaad, kuwaas oo ku biiri doona 26-ka xul ee ugu awooda badan Qaarada Afrika, waxeyna wadartu noqon doonto 40 xul, iyadoo kadibna loo sameyn doono isku aadka wareega xiga waxaana  loo qeybin doono 10 groups.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo gaaray Xudur.

0

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Xudur xarunta gobolka Bakool waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka gobolka iyo mas’uuliyiin kale, soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha ayaa si xoogga looga dareemayaa magaalada iyadoo shacab magaaladaasi ay si xooggan isugu soo baxeen.

Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo Xudur  goob fagaara ah kula hadli doona bulshada magaaladaasi, ammaanka magaaladaasi ayaa si xooggan loo adkeeyay kadib Ra’iisul wasaare Kheyre oo markii ugu horreysay booqanaya gobolka Bakool.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaan inta uu joogo Xudur la kulmi doona hoggaanka dhaqanka iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada, Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa afartii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaannada koonfur galbeed si uu’ ugu kuurgalo xaaladaha kala duwan ee kajira deegaannadaas.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda Xudur.

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka mudane Xasan Cali Kheyre oo maalimihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa maanta ugasii gudbaya magaalada Xudur ee caasimadda gobolka Bakool.

Magaalada Xudur ayaa laga dareemayaa u diyaar garowga Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada xudur shacabka reer Xudur ayaa si xooggan isugu soo baxay magaalada si ay usoo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaare Kheyre oo markii ugu horreysay booqanaya magaaladaasi.

Ra’iisul Wasaare Kheyre inta uu joogo Xudur waxaa uu la kulmi doonaa qeybaha bulshada, waxaa uu dhagax dhigi doonnaa mashaariicyo horumarineed, waxaa uu booqan doonnaa xeryaha ciidamada heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Dr Baadiyow oo ka warbixiyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

0

Waxaa lasoo gabagabeeyay wajigii koowaad ee shirka dib u heshiisiinta Galmudug kaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday dhammaan beelaha Galmudug magaalada Dhuusamareeb.

Shirka maanta waxaa diiradda lagu saaray hannaanka dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka iyo guud ahaan fikirka dib u heshiineed oo soomaalida u baahan tahay.

Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa ka warbixiyay marxaladihii uu soo maray shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

“Waxaa si xooggan looga dooday hannaanka dib u heshiisiinta Galmudug iyo fikirka dib u heshiineed ee Soomaalidu u baahan tahay, waxaa lagu soo gabagabeeyay in ay tahay dib u heshiisiin bulsho mid siyaasadeed iyo in Diinta Islaamka laga heshiiyo seddexdaas qodob ayaa la isla qaatay si fiicanna waa looga dooday.

Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow wuxuu tilmaamay in guddiga dib u heshiisiinta iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ay la fadhiisan doonaan beel kasta oo la weydiinayo su’aallo isku mid ah iyadoo diiradda lagu saarayo su’aalahaasi tabashada beelaha ay qabaan.

“Seddexda maalmood ee soo socota waxaan uruurin doonnaa xogaha la xiriira tabashooyinka iyo talooyinka beelaha ee dhismaha Galmudug, su’aallaha aan weydiineyno beelaha waxaan soo bandhigi doonnaa maalinta khamiista ah dhammaan tabashooyinka beelaha ay sheegtaan waan isku wada bandhigi doonnaa jidkaas ayaan ku soconnaa.

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maraya qeybtii ugu muhiimsanayd kaas oo ah in beeluhu isla gartaan hannaaka ay u dhisanayaan galmudug ay raali ka wadayihiin.

Madaxweyne Waare Oo Guddoonsiiyay Motooro Qaar Ka Mid Ah Beeraleyda Beledweyne.

0
Maxadweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Guddoonsiiyay matooro loogu talo galay in lagu horumariyo beeraleyda Hirshabelle, waxaana Maamulka ka gacansiiyay Hey’adda ARC kaddib munaasabad ka dhacday hoolka shirarka magaalada Beledweyne, waxaana munaasabadda goob joog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabebelle Mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, iyo Qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta muhiimada ka faaideysiga wax soo saarka beeraha hirshabelle,isagoo xusay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay Qorshaha lagu horumarinayo Beeraleyda Deegaanada Hirshabelle, waxaana uu tilmaamay in muhiim ay in laga faaideysto biyaha webiga shabeele taa bedelkeeduna aysan noqon mar in uu wabiga uu fataho marna uu qalalanyahay.
“Barnaamijkani runti waxa uu qeyb ka yahay mashaariicda lagu xoojinayo adkeysiga beeraleyda ay u adkeystaan abaarooyinka, fatahaadaha si ay u soo saartaan wax soo saarka, gaar ahaan wax soo saarka la iib geeyo ay qudaartu ugu badantahay, runtii barnaamijkani waxa uu horseed u yahay barnaamij weyn oo u jeedadiisu ay tahay in nolosha beeraleyda hirshabelle wax looga bedelo qeyb ka mid ah, barnaamijyadaas maalgalinayo deeq beexiyayaal kale duwan, qeybta ugu weyn waa qeybta lagula tacaalayo, ee ka hortagayo fatahaadaha ee mar walba soo noqdo” Ayuu yiri madaxweyne Waare.
Madaxweynaha Hirshabelle Mr Waare oo sii hadlay ayaa u mahaceliyay hey’ada ka gacan siisay maamulka qalabkani oo muhiimad gaar ah ugu fadhiyo beeraleyda Soomaaliyeed gaar ahaan beeraleyda Hirshabelle, waxaana uu xusay in muhiimad gaar ah ay ugu fadhiso kor u qaadida xirfadda iyo aqoonta beeraleyda ayna ku howlanyihiin in laga faaideysto wax soo saarka dalagyada beeraha.
maamulka hirshabelle ayaa qorsheeyay 1535 matooro in looga faaideeyo beeraleyda hirshabelle iyadoo beeraleyda magaalada Jowhar horey la guddoonsiiyay matooro sidaan oo kale, waxaana Maanta madaxweynaha gacantiisa uu ku Guddoonsiiyay 375 ka mid ah beeraleyda Magaalada Beledweyne iyo Deegaannada hoosyimaada.

Shirka 14aad ee qaramada midoobay ee xaalufinta degaanka, abaraha iyo isbadalka cimilada oo ka furmay dalka India+ Sawirro

0

Shirka 14aad ee qaramada midoobay ee xaalufinta degaanka, abaraha iyo isbadalka cimilada ayaa ka furmay dalka India waxa daahfurka shirka ka Soo qayb galay ra’iisulwasraha dalka matida looyahay India Mr Narendra Modi.

Shirka waxaana sanadkaan Soomaaliya uga qaybgalaya safiirka Soomaaliya u fadhisa Dalka India marwo Faduma Cabdullahi Maxanuud Insaaniya iyo agasimaha guud ee agaasinka deegaanka iyo isbedelka cimilada ee xafiiska RW Soomaaliya Axmed Yusuf Axmed sido kale waxa shirka goobjoog  ka aha la taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda madaxwaynaha Mr Cali Da’ud.

Shirka waxa isugu yimid Inka badan 196 dalka  100 wakiilo kala duwan ah iyo hay’adaha daneya Arrimaha degaanka shirkaan waxa sido kale dhinac socday shirarka kala gooni gooniyaha inta badan diirada lagu sarayay degaanka cimilada iyo dhulka aybaaruhu sameynayaan.

Inta badan dalaal hadalada ka jediyay kulanwaynaha waxa ay aad uga waramayeen cimilada hawada wasaqaysan iyo sidi xal lagu helilaha.

Dhanka dowlada Somalia oo ay uhadashay amabsadoor faduma cabdullahi insaaniya Aya shegtay in wasaqawga hawada ay ubahantahay in  hoos loo dhigo si loo abuuro fursad lugula Soo baxo qayraadka loona kordhiyo awooda tamarta .

Shir waynaha qaramada midoobay ee  xaalufinta degaanka iyo hoos udhigida abaaraha sameya dhulka ayaa waxa uu socon doona ilaa 13ka September ayado lagu gorfayn doono Arrimaha degaanka iyo isbadalka cimilada

Xafiiska wasaradda  warfaafinta safaaradda Soomaaliya ee dalka India.

Madal lagu shaacinayay Guddiga qaran ee Tacliinta sare oo lagu qabtay Muqdisho.

0

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ayaa magacowday Guddiga tacliinta sare oo KMG ah kadib munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaasi oo aheyd mid si weyn loo agaasimay isla markaana ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin labada gole ee fulinta iyo xeerdejinta.

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Sadiiq Warfaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashada Maxamuud Cabdulle Jaabir, Guddoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee Aqalka sare Senator Prof Cismaan Maxamuud Dufle, Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Golaha shacabka Xildhibaan Cali Cismaan (Cali Jowhar) aqoonyahanno iyo mas’uuliyiin kale.

Wasaaradda waxbarashada ayaa bilihii lasoo dhaafay wadday dedaallo badan kuwaas oo ay kor ugu qaadeyso howlaha ay ugu xilsaarran tahay Bulshada.

 

Howlgallo ay ciidamada amniga sameeyeen seddexdii billood ee lasoo dhaafay oo guuleystay

0

Hey’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaa seddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa si isdabajoog ah gacantooda u soo galayey saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Hey’aha ammaanka oo xuuraan badan ka heleyey hey’adda sirdoon ee NISA kaa hortagay qaraxyo, isla markaana howlgallo kala duwan ku soo qabtay horjoogeyaal ku dhuumaaleysanayey Muqdisho iyo qaar ka mid ah degmooyinka gobollada, waxaa jiray kuwa iyaga isku soo dhiibay hey’adaha ammaanka.

Warbixinta ayaa daaha ka rogeysa xilliyada la fuliyey howlgalladaas guuleystay ee ka dhanka ahaa Al-shabaab.

Aug 29 NISA ayaa Deg. Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta Al shabaab, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan

Aug 27 NISA, ayaa howlgal qorshaysan kaga soo qabatay Deg. Yaaqshiid dhagarqabe ka qayb qaatay qaraxii lagu dilay Agaasime Mohamed Amiin. AUN. Gurigiisana waxaa laga soo qabtay aaladahaaha Qaraxyada laga sameeyo.

Jul 15  Ciidanka Amniga ayaa soo qabtay shakhsi u shaqeeya shirkad ganacsi, kaasoo lagu tuhunsanyahay u sahlida isu gudbiska dhaqaalaha shabakad xaalado amni daro kawaday Magaalada Muqdisho.

Jul 11 Hawgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi.

Jun 29 Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa.

May 27 Howlgal ciidmada amnigu ka fuliyeen Deg. Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay dhagarqabe ka tirsan Al Shabaab. Ciidanka amniga ayaa laba jibbaaray howlgallada ka dhanka ah xubnaha argagixisada ah ee AS iyo ISIS.

May 25 Hawlgal 24ka bishaan ciidamada amnigu ka fuliyey degmada hawlwadaag ee magalada Muqadisho ayaa laguso qabtay dhagarqabe katirsan Daacish. Ciidanka amnigu wuxuu siiwadi doonaa hawlgalada ka dhanka ah xubnaha argagixisada Al shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ku hawlan dhibateynta shacabka.

May 10 Howlgal ciidamada amnigu kafuliyey tuulada Farsooley ayaa lagu soo qabtay dhagarqabayaal AS ah. Howlgalkan ayaa gacan ka gaysanaya xoriyadda dadka tuulada Farsooley oo dhib badan ay ku hayeen. Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada ka dhanka ah xubnaha Al-Shabab.

May 7  Sagaal (9) sarkaal oo Alshabab ah ayaa asbuucii lasoo dhaafay iska soo dhiibay gobalka Gedo. Waxaa ka mid ah labadaan sarkaal oo kala qaabilsanaa maktabka Dacawada( Propaganda-da) Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba). Hadaba, Iska diida qasabka Al shabaab oo xornimo ku noolaada.

May 2 Ciidanka amniga oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe AS ah oo shacabka ka qaadi jiray lacag baad ah. Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Al shabaab.

Ciidamada xoogga oo fashiliyay qaraxyo “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Degmada Buulo – Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa fashiliyay qaraxyo ay Malleeshiyada Al Shabaab ku aaseen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Qaraxyadaasi oo ahaa miinooyin nooca dhulka lagu aaso ayay ciidamadu soo bandhigeen kadib howlgallo ay ka sameeyeen Degmadaasi.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in shacabku ay lasoo wadaageen xogta qaraxyadaasi, isla markaana ay uga mahadcelinayaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada amniga.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka waxabarashada oo gaaray Baladweyne

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiir Goodax ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan BFS, Waxaana inta uu joogo Baladweyne uu kulamo la yeellan doonnaa qeybaha bulshada iyo bahda Waxbarashada.

Wasiirka waxaa uu dhagax dhigi doonnaa iskool Waxbarasho oo ay maamuli doonto Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare.

Dabayaaqadii bishii June ee sanadkan mar uu booqasho ku tagay Baladweyne ayuu Wasiir Goodax ballan qaaday in Wasaaradda Waxbarashada ay hirgalin doonto iskoolkan si kor loogu qaado tayada Waxbarashada iyo ardayda.