Soomaaliya oo Denmark kala hadashay xaaladda Baladweyne

Date:

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya uga qeybgalay shir ku saabsan fulinta meel marinta heshiiskii Adduunka ee arrimaha Qaxootiga oo ay so qaban qaabisay hay’adda Aduunka u qabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Wasiir ku xigeenka iyo hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa waxay ka wada hadleen xaaladaha ka taagan Dalka Soomaaliya oo ay ugu horreyso wax ka qabashada fatahaadaha Wabiyada Shabeele Iyo Jubba.

Dhinaca kale , Wasiir ayaa isla Xalay kulan deg-deg ah kula qaatay Magaalada Addis ababa Wasiir ku xigeenka siyaasadda iyo horumarinta Dalka Denmark, Stephan Schoneman, shirkaas oo looga hadlayay xaaladaha Bini’aaddannimo ee ka taagan Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne.

Kulanka ayaa layskula soo qaday sidii looga hortagi lahaa in ay soo laabato xaalad la mid ah midda haatan ka taagan Baladweyne iyo sidii ay Dadkaasi u heli lahayeen gurmad deg-deg ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay ka Dowlad ahaan Gacan buuxda ka geystaan sidii loogu gurman lahaa Shacabka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo nawaaxigeeda,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...