R/Wasaare Khayre oo Beesha Caalamka ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka fatahaadaha.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen.

Mudane Xasan Cali Khayre oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah, ayaa sheegay in dowladda ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaaladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah leysaga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo saameeyay deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne ku fataheen, ayna sababeen dhimasho, barakac baahsan, burburiyeen kaabayaal dhaqaale, ugana sii dareen xaaladii bini’aadninimo ee horay u taagneyd, lana filayo in maalmahaan roobabku sii socodaan, biyaha wabiguna ay sii sare marayaan, arrintaas oo sababeysa daadad dheeraad ah.

Mudane Xasan Cali Khayre oo adkeeyay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto, ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay maal geliyaan xalka waara ee mustaqbalka si looga gaashaanto dhibaatooyin nuucaan oo kale in ay dalka kusoo laabtaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....